Af soomaaliga:- marxalada maanta iyo jiritaankiisa mustaqbal. (WQ:khaalid Bulshaawi)

Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii ayay dawladii soomaaliyeed shaacisay hadal aad loogu farxay oo ahaa in guud ahaan qoomiyada Soomaaliyeed ay yeelan doonaan Afka ay ku hadlaan oo qoran ama Leh Tixraac xuruufeed kaas oo Fududaynaya waxbarashada Islamarkaana xoojinaya aqoonta iyo Akhriska soomaalida maadaama Xiligaas wixii ka horeeyay ay Soomaalidu ahayd bulsho afkooda ku Hadasha balse aan lahayn wax Qoraal ah.
Dawladii kacaanka ayaa dedaal Badan ku bixisay horumarinta af Soomaaliga iyagoo isku dayay in uu La mid noqdo afafka kale ee dunida Waxaana ay dad badani xusuusan Yihiin ololihii qorista iyo akhrinta af Soomaaliga.Hase yeeshee burburkii soo gaadhay Qarankii iyo dawladii soomaaliyeed  Ayaa dhibaato dhinacyo badan ah u Horseeday qoomiyada soomaalida Waxaana afka soomaaligu uu kamid Uahay dhibanayaasha ay Dhibaatadaasi saamaysay.

Laakiin khuburo kamida Aqoonyahanada ku xeeldheer Culuumta luuqadaha ee soomalida ah Ayaa sheegay in marxalad aad u Hoosaysa uu marayo af soomaaligu Isla markaana walaac iyo werwer Laga qabo jiritaankiisa mustaqbal.

Dedaalo badan iyo daraasado door ah Ayaa lagu gorfeeyay  dajinta naxwaha Afka soomaaliga sida  Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, hadana  Sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo Erayaduba waa qabyo.

Qarnigan (21 – aad ) oo isdhexgalka Dunida iyo bulshooyinku ay meel sare  marayso maadaama tiknoolajiyada Iyo aaladaha casriga ah ee caalamka kusoo kordhay ay fududeeyeen in dadyoowga caalamka oo dhan ay hal Meel ku wada xidhiidhi karaan ama Iska arki karaan amase ay ka wada Hadli karaan.

Loolanka wajiyada badan  iyo tartanka ka dhaxeeya dalalka dunida waxa kamid ah fidinta iyo balaadhinta luuqadahooda inkasta oo cilmiga iyo aqoontu ay qofkasta muhiim u tahay  hadana waxa xusid mudan in la kala saaro oo aan la isku qaldin macnayaasha aqoonta iyo afka ama luuqada.

Sida aynu ognahay aqoontu waa mid guud oo ka dhaxaysa umadaha aduunyada ku nool mana jirto cid gaar u sheegata lahaanshaheeda balse luuqada ama afka hooyo waa astaan iyo calaamad ka turjumaysa jiritaanka qoomiyadeed ee qayb kamida bulshooyinka dunida wadan kastaana wuxuu gaar u leeyahay luuqad u gaar ah.

Taariikhda iyo sooyaalka nololeed ee umadaha waxa lagu qeexaa ama ay qiimo ku leeyihiin luuqadooda,

Luuqadu waa jiritaanka asliga ah iyo sawraca tilmaameed ee qoomiyadaha dunida.

Markasta oo bulshadu yaraso adeegsiga afkaartooda ama ka qayb qaadashada harumarinta iyo kobcinta waa Astaamaha lagu garto burburka luuqada iyo calaamadaha  ugu danbayn sababa in luuqadaasi ay ka baxdo khariirada luuqadaha dunida.

Hadaba aqoonyahano badan ayaa ka walaacsan sii jiritaanka luuqadeena maadaama oo xukumadaha,ganacsatada iyo dhalinyarada dambe ayna xooga saarin ama dedaal badan ku bixinin luuqada af soomaaliga.

Ugu dambayn

Ka qayb qaado horumarinta iyo hiilka hantidaada iyo hantida qoomiyadaada oo ah afkaaga hooyo jiritaankiisa.

Waxa qorey khaalid abdi muhumed ( Bulshaawi)