Barnaamijka xisbiga Kulmiye ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.2aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

 

Waxaan aaminsanahay in barnaamijkan aanay diyaarin KULMIYE-ha aynu naqaano ee calamadda ku jeeni qaarta munaasibaddaha xisbigu qabto. Waxay u eeg tahay in KULMIYE qarsoon oo xaga dambe fadhiyaa diyaariyey barnaamijkan. Waxaa kale oo su aali ka taagan tahay in inbadan oo ka mid ah masuuliyiinta iyo horkacayaasha KULMIYE fahamsan yihiin nuxurka barnaamijka iyo qorshaha fulintiisaba. Masuuliyiin ka tirsan KULMIYe oo aan hadalkooda dhagaystay ayaaba markhaati ugu filan inaanay fahamsanayn, kaalin weyna ku lahayn diyaarinta barnaamijka. Sidaas darteed, haddii KULMIYE ay ka dhab tahay fulinta barnaamijkani waa inuu jiro qorshe qarsoon, xikmad dahsoon iyo xeeladdo aan muuqan oo ay ka mid noqon karto in KULMIYE qibladiisa badalo mustaqbalka haddii uu ku guulaysto tallada dalka taas oo macnaheedu yahay in inta xaga dambe fadhidaa xaga hore timaad.

Marka barnaamij siyaasadeed la samaynayo,si uu u noqdo mid dhamaystiran, waa in barnaamijku qeexo ujeedooyinka loo diyaariyey, waana in si cad ay ugu sheegan tahay duruufaha iyo xaaladda(current situation analysis) dalka iyo dadkuba ku jiro. Waxaa kale oo muhiim ah in barnaamijka lagu cadeeyo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee wax laga qabanayo (giant challenges), sida wax looga qabanayo(strategy) iyo hiigsigga dhamaadka fulinta barnaamijka (vision).

Qaybta ugu dhaliisha badan ee Barnaamijka KULMIYE waa  qaybta ka hadlaysa xaaladda lagu jiro. Tusaale ahaan, waa in la si cad loo sheego inta dugsi hoose, dhexe iyo sare ee Somaliland u baahan tahay sanadka 2022-ka. Inta hadda ku taal Somaliland iyo inta uu xisbigu qorsheeyey inuu gaadhsiiyo 2022-ka. Sidaas oo kale waa in qodob kasta loo sharxo oo loo cadeeyo halka la marayo iyo halka loo socdo. .  Barnaamijka laguma qeexin halka caafimaadka Somaliland marayo (health status indicators), halka waxbarashadeenu marayso (education status), heerka dhaqaaluhu marayo (economic growth and status indicators) IWM. Waxaa kaliya oo la sheegay inta goobo caafimaad ku yaal dalka iyo inta la dhisi doono, inta goobo waxbarasho ku yaal dalka iyo inta la dhisi doono. Tiradda goobuhu maaha halbeeg lagu cabiro xaaladda caafimaad ama waxbarasho ee dal marayo. Sidaas oo kale ayaan tiirarka muhiimka oo dhan aan la sheegin halka uu dalka Somaliland ka marayo.

Si kale haddii aynu u dhigno, in la yidhaa 50 dugsi sare ayaynu dhisaynaa waxaa ka horeeya suaasha ah: Imisa dugsi sare ayaynu u baahanahay?.

Hiigsigga shan sano kadib ee barnaamijka meelaha qaar waxaa ku jira waxyaabo haddaba jira. Tusaale ahaan, talaalka caafimaadka caruurta shan sano ka yar waxaa lagu sheegay inuu bilaash noqon doono. Hadda miyaanu bilaash ahayn?.Ma waxa loo jeedaa kharashka ku baxa talaalka xukuumadda ayaa miisaaniyadda ku dari doonta?.

Barnaamijka kama muuqato kala mudnaanta (priority) arrimaha uu xisbigu wax ka qaban doono. KULMIYE muxuu u arkaa dhibaatadda koowaad ee dalka ka jirta?. Ma dhaqaale xumidda, faqriga iyo sixir bararkaa? Ma musuqmaasuqa iyo maamul xumadda? Ma shaqo la,antaa? Ma adeegyadda bulshadaa? Ma amnigaa? Ma ictiraaf la aantaa?. Sidaas darteed waxaa haboon in xisbigu si fiican iskula meel dhigo waxa uu u arko dhibaatadda 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 5aad ee dalka ka jirta…

La soco qaqybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybtii 1aad:

Barnaamijka xisbiga KULMIYE ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.1aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)