Barnaamijka xisbiga Kulmiye ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.3aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

Bulshadeena badankeeddu waxay isku raacsan tahay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee maanta dalkeena ka jira ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo maamulxumadda, sixir bararka, haybaddii dawladnimo oo hoos u dhacday, hayaddihii dawliga ahaa oo aan lala xisaabtamin, tayo-xumadda adeegyadda bulshadda iyo siyaasaddii arrimaha dibadda oo hagaastay.

Inta badan barnaamijkan kuma qeexna in dhibaatooyin ka jiraan wadanka iyo haddii ay jiraanba. Waxaa laga yaabaa in tifaftir badan iyo shaandhayn xoog leh ay xukuumadda hadda jirtaa ku samaysay barnaamijka, isla markaana ay ka saartay qodobo iyo hordhac kooban oo ku saabsan xaaladda dalku marayo. Waa haddii aynu u cudurdaarno intii diyaarisay barnaamijka. Aragti kale haddii aynu ku eegnana, barnaamij siyaasadeedkani wuxuu xooga saaray guulaha xukuumadda hadda taladda haysa tiro ahaan laakiin tayo ahaan wuu ka aamusay. Meelaha qaar mar aad akhriyeysana waxaa la is weydiin karaa in buugani yahay “barnaamij siyaasadeedkii” uu xisbigu ku hawl gali lahaa mustaqbalkaa iyo inuu yahay “ buuggii waxqabadka” xukuumadda hadda jirta ?

Marar badan oo aan dhagaystay khudbadaha gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegaa dhibaatooyinka dalkeena ka jira iyo sida uu doonayo inuu wax uga qabto. Aragtidda musharaxa iyo hiigsigiisa ayaa igala qiimo iyo qurux badan fariinta barnaamij siyaasadeedku gudbinayo.  Mararka qaar waxaan is idhaa, “Kooxdii barnaamijka diyaarisay malaha si fiican u umay dhuuxin higsiga, hiraalka iyo aragtidda musharaxa”

Si la mid ah sidaa ayaan buuga lagu sheegin casharaddii KULMIYE ka bartay fulinta barnaamijkiisii hore ee 2010-kii, caqabadihii ka hortimid iyo qabyo wixii soo baxay oo qeexan. Ereyga uu musharaxa xisbigu (Muuse Biixi) ku leeyahay buuga ayaa si dadban u sheegaya in qabyo jirto mase cadayn halka ay ka jirto, inta ay leegtahay iyo sida wax looga qabanayo.

Dhanka kale, barnaamijkani waxaa ku jira waxbixino aan u arko inaanay KULMIYE iyo xukuumadda midna gaar u ahayn balse uu xisbigu ka dhigayo taariikh u gaar ah. Tusaale ahaan, waxqabadka arrimaha bulshadda ee buuga ku qoran in badan oo ka mid ah waxaa qorsheeyay, maalgaliyey isla markaana fuliyey ururo shisheeye iyo wadamo gacansaar la leh sida qaramadda midoobay, ururadda caalamiga ah, ururo khayri ah, midawga Yurub IWM. Si gaar loogu saaro waxqabadka xukuumadda oo xisbiguna la leeyahay, waa in laga jawaabo su aalo badan. Tusaale ahaan, tiradda ambalaasyadda lagu sheegay buuga KULMIYE oo dhan 53, imisa ka mid ah ayay xukuumaddu ka bixisay khasnadeeda?.Imisa ayay hayaddo keeneen?. Ma lacagta laga soo ururiyey dalalka shisheeye ayay si gaar ah xukuumaddu u sheegan kartaa?. Cusbitaaladda iyo xarumaha caafimaad ee la dhisay, imisa ayay xukuumaddu kharashkeeda bixisay oo khasnadda dawladda ka baxay?. Imisa dugsi ama goobo waxbarasho ayay xukuumaddu iyaddu dhistay? Wadooyinka la sameeyay, imisa ayay xukuumaddu lacagtooda bixisay?

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Barnaamijka xisbiga Kulmiye ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.2aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

Barnaamijka xisbiga KULMIYE ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.1aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)