Calaf-seeg Q: 2aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Dharraaro wixii nimcadda suxulka la ga wada leefo, wixii laysku raystay, ee la isku liibaannay, ee nolol farxad leh’ la wada daaddihiyey, waxaa markii danbe eebbe ku irsaaqay qoyskii reer warfaa ubad. Wiil Geelle loogu wan-qalay ayaa u gu horreeyey oo ay ku curteen. Gabadh faadumo la dhaho ayaa ku sii xigtay. Sidaas ayay sareeddo iyo warfaa u gu dhasheen dhowr da’ood oo is xig-xigay. Nasiib darro se, waxa si lama filaan ah’ u haleellay sareeddo xanuun u gu soo gabadday xili ay ‘Uur’ lahayd. Jirraddaa sareeddo la soo deristay ayaa markii danbe sabsbtay in ay geeriyooto. Waxay ahayd geerri naxdin badan oo dhamaan gilgishay qoysaskii ay midna ka dhalatay- midna ay ku dhaqnay. Haba u gu darraaddeen seygeeddii warfaa iyo hooyaddeed xaddiyo oo labaddu-ba dharraarti ay go’day ay ku noqotay sun iyo waabay oofa-ruq ah’ oo beerka u dhaaftay.

Hooyo xaddiyo toddobaad dhan wax oomati-ihi’ kama deggin- marar badan oo la holiyey in billaale dhuunni ah la gu qowl-daammiyo- way ka maagtay oo ka miishmiishatay. Waayo, curadday dihatay ayaa indhaheedda oo shana!!, iil abbataqan ah’ la gu aroorriyey oo xabaal adag la gu sii dhababbay. Todobaad dhan bay had-ba ku hawaawiyaysay muuqii sareeddo oo maankeedda ka sii dhex bidhaamayay. Il-bidhiqsi il-bidhiqsi buu maskaxdeedda u gu soo maaxannayey, darreenkeedda ayuu daqiiqad u gu hoobannayey- sareeddo oo dhoosha ka qoslaysa ama sheekaynaysa ama midhiqshaanle la hor daanshoonnaysa.

Dhanka ka le, warfaa ayaa sidii Aar la gannay girringirsan hadh-qooddaar habaas weyn. Isla judhii loo sheegay geeridda oorridiisa ayaa jidhidhico qadqadhyo wadatay tin iyo cidhib wada roortay. Cagaha ayuu dhulka ka qaadi kari waayey. Marar badan ayuu jeclaystay in ay been noqoto geeridda xaaskiisa ee ay’ u ga naxsaddeen habaar qabooyin la soo roorray. Qofkii u sheegay siddeed joor oo isku xigta buu dhaarriyey, hore ayuu u rumaysan waayey, ilaa uu markii danbe dul istaagay sareeddo oo tawaftay oo taharrowddow oo mar horre la isu dhiibiyey oo indhuhu isku jabeen!! Waa kaa maydkii sareeddo oo waniiq dul alluubanni, waa kaa warfaa oo dul dhacdiidsanni; isaga oon is garannayn meel uu joogo iyo iyo riyoonnayo toonna.

Sareeddo waxay ifka kaga tagtay shan carruur ah’ oo ka la wayn laba-laba sanno. Gabbal baa u dummay ilma warfaa oo waa kuwaa rajoobay maanta. Jiilaal iyo abaar hadhaysay oo aan da’is iyo biyo dhac midkood-na lahayn oo kale ayaa gurrigii Warfaa isu beddelay. Hoog iyo ba’ ayaa qalbiyadda dadka gurrigii joogay ka dhex-guuxayay. Aah, tanni waa adduunyo la isu dayn maayo.

Muddo markii si’ khasab ah’ la isku ilawsiiyey geeriddii xanuunka badnay ee Sareeddo, waxa beddeshay Xikma oo hadda loo carbinnayo inay noqoto hooyadda cusub ee gurrigii iftiinkiisu gamaarray. Ximka, Waxay ahayd gabadh la wadaagta Sareedo dhaqanka, dabeecadda, akhlaaqda, diinta, kartidda iyo hab-dhaqan nolol la gu maseeyo oo dhan “waaba Sareedo oo halkaas soo taagan”. Xikma xasuus ayay u noqtay sifihii xilo-janno ee Sareeddo ahayd oo aan ahayn innay ka da’yartahay mooyaanne; in aannay si ka la doorrannayn. Khibrad fiicanna way ka haysataa nolosha oo dhan, garaad iyo hab maamuus gobonnimo way iska raaceen sareeddo. Muuqeedda guud haddii aad halacsato- judha hore-ba iyaddii baad mooddaa. Laafayaha dhaqaaqa, dhawaaqa, qosolka iyo hab hiraalka quruxeed-ba waxaad mooddaa in dhoobbadoodda meel la ga wada qaadday. Doc kastoo la ga eego waaba iyaddii oon biyo is marin.

Kama madhnayn qoyska reer guuleed in ay bogsiimo iyo booga-dhay u ga dhigaan xikma oo ay xigsiisan u siiyaan warfaa oo weli la yabaalsan huqdii afadiisii xijaabatay. Runtii arrintaasi warfaa waxay u ahayd yididdiilo iyo soo kabasho weyn. Xikma xiligaa waxay ahayd barbaar laba gu’ hortood guudka loo dabay. Inkastoo bixintii horre ee sareeddo iyo tan danbe ee Xigma aannay qancin filkeed iyo filkii sareedd-ba, haddanna, waxay noqotay haddii fooli timaaddo gudda qarsi dhamaa. Aabayaasha iyo hoyooyinka wiilasha jaaraanku: waxay mar labaad goddob u goddob u arkeen hibaynta labadda gabbdhood oo hal-qof iyo hal-guri la isaga daba-geeyo. Dabcan, waa raggii dhakadda ka eegn jiri; laakiin taasi sow maaha: dabagaale abeeso korkaasuu ka qabaa.

Go’aankaa gobonnimo ee reer warfaa mar kale ku dhiirraddeen- dabcan- waxay ka ahayd in aan carruurtii rajowday hooyaddood tebin iyo in aannay guryo reerrood iyo gabaahiirra ku ka la bayhoofin. Inkastooy jireen afar ka midi ay hadh iyo habeen ku dholollaaan hooyaddood, haddanna, ayaydood xaddiyo ayaa u gu jawaabi jirtey had iyo gooraalle “inshallahu hooyo waad is-arki doontaan”. Sidaas ayay Xikam mar ka le, u aqbashay in ay u buuxiso kaallintii hooyannimo iyo guurkii Warfaa oo aannay aqoontiisa dhab ahaan u aqoon, laakiin garraad iyo garasho ay ku tuhnaysay ayaa jirtay- maaddaama aannay weligood Sareeddo iyo Warfaa isku dhicin ama wax xurguf ah’ oo ka soo yeedhay.

Mar ka le ayaa haddanna maddal ay isugu yimaaddeed rag foolaadda oo labadda dhinnac ka la matallayey ay gondaha is geliyeen. Keen iyo howraarsan ayay mar ka le gacmuhu si’ gacaltooyo ah’ i su dhaafeen. Tabtii waagii sareeddo ayaa meherku u dhacay oo maamuus iyo maal-ba goobtaa la is ku weydaarsadday. Judhii-ba, shiikh diyaarsannaa ayaa meherka qalinka ku duuggay. Geba-gebaddiinna isla shiikhii ayaa duco sagootinneed ku soo af-meeray. Judhiiba, mashxarrad golowgu dhiillaabbay ayay ka ga dhawaajisay qof dumara oo maddasha ka ag dhawayd. Durbaan aroos ayaa sanqadh weyn la hiigaamay. Durba abaabbul aroos ayaa baxaan-baxay. Hal-halleel shaqo ayuu qof-ba halkii ku beegnayd ka haahaabtay, mid neef loogga, mid biyo dhaamiya iyo mid xaabo doonna- dadkii oo dhan mid-ba shaqo ayuu u foofay . Dabcan, arooskan xikma kii sareeddo wuxu ka ga duwan yahay oo qudha in uu magaallo ka dhacayo.

Xikma caawa waxay u hoyannaysaa gurri cusub oo aan ahayn kii ay ku ababtay. Waa gurriga dhabta ah ee ay hadda la ga bilaabo ku noolaan doonto. Waa gurrigii walaasheed oo isla galabtaddan keedda isu beddelay. Galabta waxay joogtaa afaafka horre ee nolol cusub, jawi cusub, iyo weli-ba dunnidda xaaska. Caawa waxay seexannaysaa gurriga seygeedda loo igdhay oo keligii ku weliyo, halka, ay awel dhabarka hooyaddeed xaddiyo seexan jirtay. Markii horre xil ma saarayn, bal-se, galabta masuulliyad hor le ayaa fuushay. Iminka waxay badhtanka u fadhiddaa aqal dul ka carriisha oo ka kooban laba qol, kijo, suuli iyo deyr qollaalka la siman oo ku weegaarran. Waa qolka bidixdda xiga ee cadceed ka dhaca u jeedda. Daah yar oo ferdad cagaarran ah ayaa ku ila-xidhan. Waa bartan, halka goor dhow la ga gelbin doonnaa, haa halkan ayaa la gu diyaarrinnayey.

Dumar baa ku xoonsan oo carruusadda diyaarrinnaya. Xamaasad iyo jidbo ayay isla jiidhayaan. Xataa is dhegaysan maayeenne mar bay wada hadlayaaan. Waa bullaamayaan. Mid-ba wax bay ku fooggan tahay, mid xinne ku qalallay ka burburrinaysa; mid indha-kuul la dul taagan; mid cusbur & hurruud isku qooshan isku qasaysa iyo mid biyo diirrinnaysa oo dabka dul ligan. Marba way yar naxaysa markay xasuusato in ay gurrigii walaasheed u uunsannayso galabta!!! Aah!!! Waa ayaan-ba ayaan nin aroosannayaa ninna iil gelayaa!!! Dunniddaaba saas ah.

WQ: Xasan Cabdi Shire