Calaf-seeg Q: 3aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Saacadanni waa gabbal gaab ay cadceeddu dhulka xoog u gu hoobatay. Caad cad iyo fad kor ka ga lingaxan ayaa qorraxda sii gelbinnaya. Sagal casaan ah’ ayaa hoosta ka ga lifaaqan. Dhanka koonfureedna waxaa ka afuufaya neecow yar oo qabow. Waxa ka le oo ishaaddu mililacsanaysaa haddii aad maddaxa kor u hinqiso- dhir dooxa tuunsan iyo buur ka sii shishaysa oo dusha soo kulaallaysa. Dooxaas adhi yar ayaa daaqaya iyo dameero dacalka qoorta jooga. Dhudhubta midig ka ga toosanna waxa ka muuqda dhowr tuldood oo midi geed ku loohantahay iyo rati ka sii shisheeya oo damal laacaya.

Dhanka waqooyina waxa kaa soo socda nin faras soo afar qaadsiinnaya oo siigo kicinnaya. Farasku waa kii galabta la gu gelbin lahaa arooska warfaa iyo xikma. Dhanka duleedka aqalka arooska waxa soo aasha soconnaya warfaa iyo rag soo gelbinnaya. warfaa rag safka horee tuban ayuu dhexda u gu jiraa.

Waxa ku xiga laba nin oo dhar u soo eeg dharkiisa sita. Waa laba malxiis oo dherer le’eg isaga. go’ shaala oo cad ayuu ku jeeni qaaran yahay, macawis abuu-sarmaan ah, kabo maasoo daba xidhan, koofiyad cawlaan ah, saacad kaasiya ah’ iyo shaad afrikaan dirays ah’ ayuu isu sitaa. Fagaagga hore markay raggii soo shalaaddayey soo gaadheen ayay ciyaar jaandheerra jiibta iyo jaanta isla heleen.

Daqiiqadahaa jiibtu yeedhay ayaa waxa mashxarrad u gu jiibiyey dumar hoggaanka u haya gelbiska caruusadda. Dumar ku harreeraysan ayay dhexda ugu jirtaa, taash cad ayay gashnan tahay oo dhulka sii jiitamaya, sidaa waa loogu tala galay. Waxay ka soo soocdaan tuulladda aroosku ka dhacayo dacalkeedda oo ah’ afaafka horre ee aqalka arooska. Waxa laysugu yimi barxaddii horre ee daddabta arooska. jaandheer iyo ululug aroos ayaa cabbaar isu yeedhay. Himsa-hiisahiina goortii saarkii dadkii ka soo kala degay ee qof kasta dhidhid wada shuxay ayaa aqalkii arooska la galay. Dabeddeedna ilaa fiidkii markii la casheeyaynna cayaaro iyo heeso aya sii socday. Saqbadhkiinna waxay noqotay aroos lagumanna raago.

Warfaa waa shakhsiyad nafsiyad gob ah’ ah la gu majiirto oo runtii akhyaarnimo qofeed loo nisbeeyo. Weligii saluug iyo wax dhaliil ah’ la ga la ma kulmin. Hayeeshee ma aha qof goobaha gar-naqsiga la gu arko. Wuxuu aaminsan yahay in meelahaas oo ka le aan qoonsasho iyo xurguf ah’toonna la ga waayin. Mana aha nin iska dhaadhicin badan oo dadka hor boodda inta badan. Waa nin degan oo aan marna-ba la gu arag wax is-daba-marinn ah’ oo daaha ka feydi karta dhaliishiisa ama muujin kara nusqaantiisa qudheed. Waa nin dantiisu aan ka habsaamin oo yaqaana halka samaanta iyo wanaagu-ba ku jiraan. Sidoo kale, waa nin salaad sax ah’ intii la yiqiinnay. Goob kasta iyo meel kasta oo wax toggan la gu hayo waa nin is ka xaaddiriya.

Walow, ay warfaa geeridii Sarreedo saamayn ba’an ku reebtay maankiisa iyo hankiisaa. Waxa la arka mararka qaar isago fikir iyo hammi isla maqan oo ku dheeraadday. Mararka qaar ayaa la ga dareemaa in xoogaa werwer iyo walbahaar ihi laabtiisa ku sii jiraan oo hadba sii xandanteeyaan xusuustiisa. Laakiin sidii uu Xikma u dummaallay-ba– arrintaa waxa la mooddaa in uu ka soo roonaannayo. Durba waxa la arkay warfaa oo siduu aahaan jiray ku soo noqday oo dabeecaddihiisii horre soo bidhbidheen. Oo asxaabtiisii dhex mushaaxaya oo dhex-galkiisii bulsho soo celieyey.

Warfaa waxa ooggaddiisa la ga gartaa sidii uu u aqal galayba is-beddel weyn. Gurri aan buuq lahayn ayuu sidii kii hore dhexdiisa mar ka le isku hubsadday. Wuxuunna mar ka le hantay gaarri xilo-jano ah oo ay sidii sareeddo isugu kalsoon yihiin. Laakiin Warfaa wuxuu beryahan muraayadda maankiisa ka daallacdaa caqabaddo adduun iyo cadaaddis nololleed oo hor leh. Mustaqbal ka noloshiisaa ayuu gorfeeyaa iyo aayaha danbe ee carruurtiisa & qoyskiisa. Weligii wuxuu ku fekeri jirey inuu helo shaqo uu ka ga raysto gacan ka le oo bini-aadam oo wax ka sugo. Sidii uu mustaqbal wanaagsan iyo kayd nololeed u hagaajin lahaa ayuu weeleeyaa oo sawirtaa. Maalin-ba meel buu faallalaa isagoo gaaddaya fursad kastoo shaqo iyo hab wal oo la gu heli karo.

Muunnidda markay qorraxdu big soo tiraahdo ayuu kallahaad nafta soofiyaa. Waxaa adag suurto-galnimadda in uu shaqo si fudud ku heli karo, waayo, waddanka oo dhan ayaa shaqo la’aan baahsan la ciirciirraya. Waa se wax uu ka la mid yahay dhulalka ka le ee afrika oo dhan.

Mararka qaar, haddii, ay jiraan xoogaa macanaas shaqo’i- waa wax is-garabsi qabiil iyo is-daba-marin ku dhisan. Taasoo warfaa niyad jab weyn ku abuurtay. Hadduu fursad shaqo arkonna wuxu ku waayaa qabyaallad qaawan oo la ga la xishoon. Marar badan ayuu kohday oo hiifay qabiilka yar ee uu ka dhshay. Taasoo markii danbe saamayn weyn ku yeellatay oo quus goysay rajaddiisii shaqo raaddineed.

Dhan kale iyo habab kale oo lacag iyo dhaqaale uu ku abuuri karo ayuu ku fekeray warfaa in uu uweecdo. Wuxuu is ku dayay in uu la saxiibo had-ba qofka uu arko inuu ladan yahay ee ay suurta gal tahay in uu ka faa’iiddo khibrad iyo kanshooyin kale oo shaqo la gu heli karo. Hadday tahay kuwa magac dhaxal hantiyeed leh; kuwo ka shaqeeya ganacsiyadda gaarka loo leeyay; kuwa baayac-mushtar leh iyo kuwo siyaabo kaleba lacag u sameeya. Si uu u ga ogooddo hababka loo shaqaysto oo dhan. Durba, muddo ayaa laga joogo ayaantii uu guddoomay Xikma oo la aqal galay– dhan marka la ga eego guul bay ahayd; doc kalena guul-darrro ayay ka ahayd, waa shaqo la’aanta baahsan ee Warfaa haysata. Waanna mid welwel joogta ku haysa warfaa gabal-dhacay iyo waa’-beri. Madaama, aannu weligii u geyn carruurtiisa xoolo uu xooggiisa ku soo shaqaaystay. Shaqo la’aantu waxay ku tahay eebo waran oo wadanaha ka ga mudan oo aannu iska fujin karin. Meel kasta iyo hab kasta oo shaqo lagu helo ayuu gaadh ka hayaa intaa oo xogteed raacdaynayaa warfaa.

Wixii uu ka dhur sugay oo dhawray nasiibkiisaa iyo maalmaha maqan ee calafkiisa ayuu Warfaa la saaxiibay markii danbe rag magaalladda caan ka ahaa oo bulshadda dhexdeedda maamuus ku laha. Judhiiba, wuxuu isku deyey inuu oggaaddo waxay ka shaqeeyaan iyo siday u noolyihiin labadda-ba. Maaddaama, aannu raggaa arag weligood iyagoo wax shaqo ah u darreerraya ama u foofaya, muddaddii labadda bilood ahayd ee ay is-yaqaanneen. Habeenkii iyaga ayaa suuqa ka ga dambeyn jiray; aroortiina iyaga ayaa hurdadda kaga danbay jirey oo duhurka hortiisa markay tahay ayay soo toosi jireen iyagoo mid kastaa isku joogii u gu danbeeyey ku laafyoonnayo. Dhala cadar ahna isku soo jebiyey oo mid kastaa moodhar madaw isla ruxayo. Laakiin intaas ba Warfaa wuu kaga duwanaa, shaah iyo cunto waxay u ahaayee kuwa uu gurigiisa ka cuno oo qudha. Dharka uu gashtaa waa is la kii uu laba sanno hortood iibsaday. Laakiin waxaa si’wanagsan loogu facsay middigtii Xikma oo si fiican loogu kaawiyaddeeyey.

Noloshii caaynkaas ahayd dharraarahan Warfaa uma muuqato, siduu uga guuray tuuladii aqal galkiisu ka dhacay, ilaa iyo dhankaas magaalo carbiska . Siidhi ayaa meel kale loo ga afuufayaa. Cadan ayaa looga gacan haadiyay. Adduunyadda ayaa caynkaas iska ah’. Warfaa barashadii dhallinta cusubi ee aanay isku caayn iyo caado ahayn waxay u weecisay wadiiqo ka le oo cusub. Waxay jiha-habaabbiyeen maankiisii deganaa- waxaanna ka dhex-guuxaya: waa inaad lacag heshaa sida raggan oo ka le; waa inaad sida raggan oo kale noqotoa caan. Ismana waaydiin xaqiiqda dhabta ah ee ragganni u nool yihiin tabnaanteedda iyo tognaanteedda. Waxa uu dheer yahay iyo waxay dheer yihiin toonna isma uu waydiin. Jid xanan iyo cagaag badan ayuu u jihaystay in uu cagta saaro.

Warfaa sidii uu u gu fooggannaa oo u raadinayay helintaanka xog ku saabsan raggan ay asxaabta yihiin- afaaraha noloshoodda iyo halka dakhligu ka soo galo ayuu dhowr habeen ku dhafray la joogistoodda. Arrintaas oo Xikma mararka qaar sheki ku abuuri jirtay, Jeerkaasna ay is wayddiisay waxa ku so kordhay saygeedda iyo meesha uu habeennaddan ku soo daaho- laakiin shaydaanka ayay iska naartay iyaddoo docda wanaagsan ka dhugannaysa xaajadda marar badan.

Dabeecaddaasi waxay noqotay mid uu warfaa la qabsadday oo laasimay ilaa dareen ka le oo xinif iyo masayr is-xanbaarsanni niyadda xikma salaaxeen. Maalmaha qaar ayay is hayn kari wayday oo ay xaajigeedda talooyin dumaroo canaanni ku lifaaqan tahay si’ af-gobaadsiya u gu barraarrujisay oo u gu duur-xushay in uu ilaashado sharaftiisa iyo gurrigiisa.

Warfaa cilmi baadhis dhalanteedka ahay wuxuuu ku oggaaday in ay jiraan dumarka dibbaddaha in ay beryahan danbe ka loodi-gurantahay oo saaxibadiisan uu fahmi la’aa ay wada qabaan, oo ay hadba sanadkii mar u yimaaddan oo bil la sii joogaan. Xaasaskoodda ay guur qooto qooto u eeg ku qabaan.

Waxay u badan yihiin dumar la furay oo carruurahooddii horre caydh dibadda ka ga qaata. mihnadda xirfadaas ragga badankiisa u geysaysaa waxay ahayd dhowr arrimood oo ay ka mid ahayd in ay ku dhoofaan oo ka ga maarmaan in ay tahriib iyo saxare u babbac-dhigaan. Halka qaar ka le u galaan in ay lacag & dhaqaale ka helaan hooyinkaa “single mother ka ah”, qaar dookhu isu keenay na waa jireen, laakiin Carbis laga ma aqoon dookh raadis.

Halkan hoose ka akhriso qormadii hore: 

Calaf-seeg Q: 2aad

La soco qaybta 4aad.
WQ: Xasan Cabdi Shire