Dal Tabyo (Waxa curiyey: Axmednagaashe)

Ma ihi qof hal abuura, ma ihi qof lagu yaqaan tirinta suugaanta. Waxa se jira in aadanaha oo dhan Allah ku abuuray habdhis dareen oo ka duwan kii aan dugisyada ku dhigannay ee ahaa habdhiska dareen wadka (Nervous System). Dareenkan kale waa mid aan taabasho u baahnayn oo jidhka ku dhex uunnayn, waa mid qof kasta oo nool ku lamaan. Waxa se lagu kala duwanyahay, waa sid ay tayda gaabani i tidhiye, u furnaanta dareenkaa iyo marka uu ku saaqo sida loo cabbiro.

Qof waliba si gaar ah ayuu u cabbiraa. Waxa laga yaabaa hadii aan ahaan lahaa qof muusishan ah, in aan aniga oo murugaysan farahayga oo aan iga amar qaadanayn laakiin la haysta qalbi meel ku qoofalan ay xadhkaha cuudka ama guitarka si gaara u salaaxi lahaayeen oo ay ka soo bixi lahayd jabaq dareen xanuun iyo murugo leh muujinaysaa.

Dal Tabyo, waa tix ka dhalatay dareenka noocaas ah, waxa kale oo ku ladhan in markii dareenka naxariista iyo debacsanaantu inaga guuray hadii aynu nahay aadanaha ku nool dalkeena, xataa duurjoogtii iyo dugaagiiba inaga aamin baxay. Khayaalka Dal Tabyo waxa uu sawirayaa arintaa xanuunka badan oo waaka shimbikra uu damcay inuu dirtaa isaga oo digtoon inta uu ka duulo diidmada qayaxan u dhiibaya.

Ma aha wax hal abuur tiriyey waase isku day raad qaad ahe bal hadda ila eega.

DAL TABYO

Heedhe kuma dilaaye
Shimbiryahow ha didin
Sida ay dabayluhu
Markaad duul isleedahay
Adi kuu dhibaan bay
Anigana duruufuhu
Kolba ii dabraanoo
Daltabyadu nin aan ahay
Anna ii damqaysaa.

Duufaanadoon kicin
Dabayluhu nagaadeen
Shimbiryahow bal duuloo
Fariin debacsan qaadoo
Dalkii hooyo geeyoo
Ehel iyo dalkaygii
Salaan diirran gaadhsii.
Hilow baa dabkiisii
Dubaaqayga feentee
Hadaad diiddo waa qaan!

Kuye diiday waaryaa
Dadka iyo warkoodoo
Darka aanu nahay iyo
Doorjoogtiyo ugaadhii
Daabcad iyo ableyiyo
Rasaas bay ku deebsheen
Anna waan digtoonee
Ha i dagine nabadeey

Markuu duulayuu tegay
Saw dabayli may dhaban
U dan sheegadkaygii
Waxan idhi dabalyahay
Dunidoo dhan meertaa
Dadka adaa ka wacanoon
Cidi kaaba doonayn
Samada iyo dhulkeedaba
Ruqsad aad ku duushiyo
Warqad dawladeedoo
Dal kastoo fogaadaba
Aayar dalaq yidhaahdee
Aan kuu dan sheegtee
Dalabkaygan iga hoo

Dalkii heedhe aadoo
Soo dawaaf dhamaantii
Dugsiyadii macaanaa
Daa’imadii caruureed
Aradadaan durdurin jiray
Bi’iwaaye doonoo
Uduggii ku duugnaa
In yar iiga soo daar
Waayaha dadkaygana
Dabuub faraxle mooyee
Warka damaqa kululiyo
Wixii daran ha soo tebin
Damiirkiyo naftayduba
Ha degaan mar qudha oo
Dal tabyadu ha daysee

Dabayl caafimaadeey
Dalabkaygu waa kaa
Ku durraansanaayee
Deg deg iigu soo noqo
Adoo sida dabuub wacan
Durbugga iyo cuudkii
Danankoodii fiicnaa
Hiddo Dhawr darkeedii
Nabad loo dangiigsaday
Sawd debacsan lagu daray
Idilkood daliil u ah
Nabad degelka taalliyo
Sida loogu diirsaday
Nimco Daa’in hidiyee
Damiirkiyo naftayduba
Ha degaan mar qudha oo
Dal tabyadu ha daysee
Dabayl yahay lalaysaa
Deg deg iigu soo qaad
Dalkii waan u jeelee!!

Dabayl caafimaadeey
Dalabkaygu waa kaa
Ku durraansanaayee
Deg deg iigu soo noqo
Adoo sida dabuub wacan
Durbugga iyo cuudkii
Danankoodii fiicnaa
Hiddo Dhawr darkeedii
Nabad loo dangiigsaday
Sawd debacsan lagu daray
Idilkood daliil u ah
Nabad degelka taalliyo
Sida loogu diirsaday
Nimco Daa’in hidiyee
Damiirkiyo naftayduba
Ha degaan mar qudha oo
Dal tabyadu ha daysee
Dabayl yahay lalaysaa
Deg deg iigu soo qaad
Dalkii waan u jeelee!!

Mahadsanidin.

Axmednagaashe

Nairobi