Dameerkii durdurka dhex fadhiistay (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

 

Wali sheekooyinkii gaagaabnaa ayaynu ku dhex jirnaaye nin baa waxa la yidhi dameer uu lahaa ku rari jiray milix uu magaalada u iibgeyn jiray. Milixdaasi waxay ahayd dakhliga kaliya ee isaga iyo qoyskiisu ay nolosha ku dabaraan.

Dameerka waxaa la soo saari jiray culays ka badan inta uu qaadi karayey. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dameerkii oo la liita culayskii saarnaa uu daalkii dhex fadhiistay durdur biyo ah oo ay ka soo tallaabi jireen. Markii uu cabbaar dhex fadhiyey ayaa milixdii biyihii ku milantay dabadeedna isagoo culays badani ka dhacay ayuu halkii ka kacay.

Dameerkii wuxu fahmay in marka uu durdurka dhex fadhiistaba uu culaysku ka yaraanayo. Maalintaa wixii ka dambeeyey wuxu caadaystay in marka ay dooxii biyaha lahaa ku soo dhacaanba uu dhex fadhiisto oo culayskii saarnaa uu halkaa iskaga yareeyo. Ninkii dameerka lahaa markii uu ogaaday in uu maalin walba dameerku ogaan biyaha u sii dhex fadhiisto si uu culayska milixda isaga yareeyo, wixii uu ku soo rarayna uu ka khasaarinayo, ayuu ka fikiray sidii uu dameerka uga joojin lahaa dhaqankan uu caadaystay.

Maalintii dambe ayuu jawaannadii uu awal milixda ka soo buuxin jiray ciid ka soo buuxiyey. Dameerkii oo culayskii hore mid ka weyn la tiicaya, ayaa sidii uu caadaystay durdurkii dhex fadhiistay isagoo is leh miisaanku ha kaa kala yaraado. Markii ay ciiddii biyihii cabtay ayuu culayskeedii ka sii daray, sababta oo ah ciiddu uguma milanto biyaha sida milixda balse way qoydaa waanay sii cuslaataa.

Miskiinkii dameerka ahaa ayaa iska daa socod uu socdee fadhigii ka kici kari waayey oo naftu iskugu timid. Ninkii dameerka lahaa oo ka baqay in uu dameerkiisii jajabo amaba ay ka haaddo, ayaa u gurmaday oo ciiddii joonyadaha ku jirtay ka kala guray, dabadeedna dameerkii wuu kacay, waanu dhaqaaqay. Maalintaas ayaa dameerkii ugu dambaysay doox dambe oo uu dhex fadhiisto, culayska uu sida inta uu doonaba ha leekaado’e. Mulkiilihiina wuxu ka raystay milix dambe oo is dhinta.

Qisadan waxaynu ka faa’iidaysanaynaa in garaadku ka awood badan yahay xoogga. Mulkiilaha dameerku wuxu karayey in marka uu dameerku fadhiistaba dhangad la dhaco oo uu khasab meesha kaga kiciyo maalin walba. Laakiin maskaxda ayuu ka shaqaysiiyey waxaanu helay xal waara. Haddii ay caqabadi kula soo gudboonaato, ka hor inta aanad isku dayin in aad xoog isticmaasho, isku day in aad maskaxda isticmaasho.

Shimbirtii taladeedu badbaadisay

Nin xoolo la joogay ayaa iska hoos fadhiistay geed weyn oo xooluhu garab daaqayeen. Isagoo hadhkii iska laamadooda ayaa shimbiri soo fadhiisatay laan u dhawayd. Shimbirtu si bay u qurux badnayd, waxaanay soo jiidatay indhihii ninka. Inta uu qun yar sanqadh la’aan kacay ayuu shimbirtii gacanta ku dhigay.

Shimbirtii ayaa ninkii bariday oo ka codsatay in uu badbaadiyo iskana sii daayo, ninkiina wuu diiday. Shimbirtii waxay ninkii ku tidhi: “Waar ninyahow sidan uun gacanta iigu hayn mayside, kolayba wuxuun baad iga yeeli doontaaye, horta ma ku siiyaa talooyin waligaa noloshaada ku anfaca?”

Ninkii baa ku yidhi: “Bal ii sheeg talooyinkaas?”

Shimbirtii waxay tidhi:

  • Waligaa hanti ku soo gashay si  dhib  yar ha u lumin.
  • Waligaa wixii lagu yidhaa xaqiijin la’aan ha rumaysan.
  • Waligaa wax kaa tegay ha u calaacalin.

Intaa markii ay u sheegtay ayay haddana ku tidhi: ”Haddaba waxa ii hadhay wixii ugu qaalisanaa ee aad doonaysay in aan kuu sheego’e i sii daa geedkan aan ku fadhiisto’e.”

Ninkii shimbirtii faraha ayuu ka qaaday si bal ay ugu sheegto waxan hadhsan ee ay sheegayso. Shimbirtii intay duushay ayay meel dheer oo aanu gaadheyn fadhiisatay. Waxayna ku tidhi:

“Taladii aan hore kuugu sheegay ayaad garab martay oo ahayd wixii hanti gacantaada soo gala si dhib  yar ha u lumin. Aniga ayaa gacantaada soo galay oo ah shimbir dunida ku yar oo aad qaali u ah, walibana caloosha dahab baan ku sitay, waanad i sii daysay. Waxan kugu idhi wixii lagu yidhaa adigoo xaqiijiya mooyee ha rumaysan, adigoo aan warkaygii xaqiijin ayaad iska kay rumaysatay. Waxa hadda kuu hadhay taladii saddexaad ee ahayd waligaa wax kaa tagay ha u calaacalin. Taladaas uun ku dhaqan oo ha isku dayin in aad mar dambe i soo hawaysato!

 

La soco sheekooyinka dambe…

Libaaxow, gari Allay taqaan (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)