Falcelintaydii gorfeynta Khaalid ee buugga Masraxa Cadaabta! (WQ: Cabdinaasir Axmed Ibraahim)

 

Magaca Allaha aan iin barteed lahayn aan bud-dhig uga dhigo qoraalkaygan, mahad iyo ammaan idilkeed waxa leh Allaha ii sahlay in aan wax qoro waxna akhriyo. Mahadin Eebbe intaa haddii aan ku dhaafo, sababta keentay in aan maanta qalinka u holladaa waa; Gorfeyn uu buuggayga Masraxa Cadaabta! ka sameeyay qoraa da’ yar oo aan maamuus iyo milgo badan u hayo, ka mid ah dhallinyarta wax qorta ee ugu fadallada cadcad iyo qof arrimaha bulshada wakhti badan geliyay. Waa Khaalid Jaamac Qodax.

Dhaqanka qoraalka oo innagu cusub iyo gorfeynta lafteeda oo yagleel ah ayaa sababta in gefef noocan oo kale ah dhacaan. Hasa yeeshee, waxa laga ma maarmaan ah dul qaadka iyo tix galinta kala gedisanaanta afkaarta. Qof ahaan anigoo sarriiganaya, si kale haddii aan u dhigo aan ka tagayn akhlaaq wanaagga qoraalka ”Ethics of Writing,” ayaan haddana rabaa in aan taataabto meelo aan u arkay in Khaalid Jaamac Qodax isagoo cadhaysan qoray. Way dhici jirtay in Layliga buubaalka ahi haamaha jajabiyee, waxa qoraha iska dhex galay kala aragti duwanaansho dhinaca siyaasadda ah oo goor hore na dhex martay iyo gorfeynta buugga, taasina waxa ay keentay in qoraalkiisa wakhtiga ugu badan uu Qofnimadayda kaga hadlo ee aanu ka hadlin fikirkiisa ku saabsan Buugga. In uu quudhi waayo buugga in ay ku jiraan hal fikir oo la mahadiyo, hal nud oo dhaxal gal ah, hal meeris oo wanaagsan iyo hal erey oo faa’iido leh.

Caadifadda madax martay waxa ay sabab u noqotay in erey wanaagsan oo buugga ku jira indhihiisu qaban waayeen. Hasa yeeshee, si kasta oo asoolka qoraalka wanaagsan ka baxsan oo uu Khaalid wax u qoray ma keeni doonto in ereyo xanaf leh iiga tagaan. Sababtuna waa in aan wax ka faa’iiday akhriska buugga la magac baxay Labaatanka xeer ee hannaanka dood wadaagga habboon “TWENTY PRINCIPLES OF EFFECTIVE ARGUMENTATION. Ee uu soo ururiyay Dr. David F. Coffin.

Khaalid Jaamac Qodax markii aan si fiiro dheeri ah ku jirto u akhriyay gorfeyntiisa waxa ay daarnayd arrimo dhinaca xeerarka afka u badan, haba ugu sii badnaadaan astaamaynta hadalkuye. Dhowr iyo toban meelood oo uu qaab qoraalkayga ku daadifaynayo, isla markaa ku baanayo in hab qoraalkiisu saxsan yahay ayaa gorfeyntiisa ku jira. Hasa yeeshee, waxa yaab iyo af kala qaad ah hal meel oo uu xiganayaa ma jirto. Wax xigasho ah wiil Sadaam la yidhaa oo ay saaxiib yihiin ayuu af ahaan u xiganayaa. Taasi oo dunida aqoon yahanka qofka ku sifooba bar madaw oo iin ah ku noqonaysa.

Buuggan uu gorfeeyay Khaalid Jaamac Qodax daabacaaddiisii ugu horreysay waxa sannadkan qaarkiisii hore lagu daabacay Hindiya, gefef dhinaca higgaadda ah iyo kuwa dhinaca farsamada ahi ba in ay dhaceen waan ka garaabayaa.Hasa yeeshee, inta aanan si rasmi ah ugu gundo-dagin fal-celintayda gorfeynta Khaalid, waxa aan door-biday dhowr arrimood inaan kor-ka-xaadiyo. Kuwaas oo kala ah.

MUHIIIMADDA GORFEYNTA
Ahmiyadda gorfeyntu u leedahay buuggu ma aha mid aan bartan ku soo koobi karo, buugta dunida ugu xiisaha badan waa buugta ugu gorfeynta badan. Sidoo kale, gorfeyntu waxa ay buugga u soo jeedisaa indhaha akhristayaasha, taasi oo sahasha in buuggu iibsamo, dad hor leh oo aan hore u ogayn in uu buuggaasi jiro iyo in kale. Gorfeyntu waxa ay sahashaa in buuggu caan baxo. Sidoo kale, waxa ay astaan u tahay in mawduucu buuggu yahay mid in la gorfeeyo istaahil ku ah oo u qalma in wakhti la geliyo.

MAHAD-CELIN KHAALID JAAMAC QODAX
Khaalid waxa aan uga mahad-celinayaa in wixii ugu qaalisaa ee agtiisa yaallay oo wakhtiga ahaa uu in badan iga siiyay si uu fikirkayga ugu falanqeeyo, taasi oo ah gobonnimo aan ku mahadaniyo. Muhiim maaha in uu qaab raali aan ka ahay u gorfeeyo, waxa se mudnaanteeda leh in uu wakhti galiyo buuggayga.

TIX GALIN TA KALA GEDISANAANTA AFKAARTA
Xeerarka hal-beegga qofnimada lagu cabbiro waxa ugu mudan tix-gelinta kala duwanaanshaha afkaarta, sidaa si u dhow haddii aan u idhaa qofku waa inta ka soo hadha marka fikirkiisa la dhalliilo. Sidaa awgeed, ayaan raali uga ahay si kasta oo ay u kakan tahay iyo deel-qaaf kasta oo ku jira gorfeynta Khaalid Jaamac Qodax waan tix-galinayaa. Meelaha aan u arko in ay mudan yihiin in aan wax ka idhaa, anigoo xumaanta qoraalka ka dhowrsanaya ayaan waxii ila gudboon ka odhan doonaa.

GARWAAQSI GEFEF AAN QORAAL AHAAN GALAY BUUGGAYGA DHEXDIISA

“Gefkana bashar baad u tee,
Haddaad ka garawdo khalad,
gobbay tahay caadeed” Gaarriye

Guul baan u arkaa in shaqo aan shan sanno si xiidhiidh ah cawo iyo ayaan ba u hayay ay midho dhasho taasi oo ah in gefefka qoraal ee Soomaaliga dadku ka taxadiraan. Raali baan ka ahay anigu gefefkii aan sameeyay ee dhinaca higgaadda ahaa in Khaalid iyo cid kasta ba igu qabato. Hore waxa aan fagaare uga garwaaqsaday in gefef dhinaca higgaadda ah buuggayga ku jiraan, mar ay gorfeyn ka qortay buuggayga Masraxa Cadaabta gabadh da’yar oo farshaxannimada qoraalkeeda aanan hore u arag oo magaceeda la yidhaa Fatxiya Luul. Arrinkaygu garawshiyo keli ah kuma eka’e soo jeedinta Fatxiya iyo Khaalid waxa aan ballan qaadayaa in daabacaadda dambe aan ka saari doono gefefka qoraal ee dhinaca higgaadda ah haddii Rabbi qaddaro.

BAAL MARSANAANTA XEERERKA SHEEKO FANEEDDA
Qoraaga aan maamuuska badan u hayo ee faraqa keliya ee noo dhexeeyaa yahay kala aragti duwanaanshuhu wuxu igu dhalliilay in aan shuruucdii sheeko faneedda baal-maray. Waa runtii oo waan baal maray, waan se sababaynayaa qodobkaa. Hannaanka xigasho ee reer Galbeedku wuxu kor u dhaafaa boqol nidaam,kuwaasi oo aan wax la sheegaa u dhaxayn, waa se aragtiyo hay’addo uun magacyadood ay ku suntan yihiin. Tusaale: Chicago iyo APA . Nidaamyadaa qoraal reer Galbeedku samaysteen dad faro-ku-tiris ah ayaa baal-maray oo saluugay, kuwaas oo qoraalkoodu aad uga xiiso batay kuwa raaca hannaanka reer Galbeedku sameeyeen. Aniguna sidaa oo kale ayaan u qaybo ka mid ah u saluugay xeerarka sheeko faneedda, waxa aanan u fahmay in dhaqanka iyo ummadda ay xeerarkaa u sameeyeen iyo ummaddu Soomaaliyeed aanay isla jaan-qaadi karin.

Soomaalidu hab ay sheekada iskugu tabiso oo ay ku soo caano maashay ayaa jira, kaasi oo ahmiyadda saaraya uun sidaad doonto ba u dhig hadalka oo dulucda sheekada in aad dadka deeqsiiso.

ISBN- Wuxu walaalkay Khaalid Jaamac Qodax ku sheegay baadi-sooca buugga, haddii aan buugga lagu darinna wuxu ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin. Fikirkaasi lama qabo, halka ISBN laga adeegsanayo haddii la adeegsado sumad Soomaali dhib kuma jirto. Sababtuna waxa weeyaan Soomaalidu ishinka ay lahayd sumad ayay u samayn jirtay sumaddaasi reer kasta gaar bay u ahayd.
ISBN-ka shirkad gaar ah ayaa iibisa, waxa aanu ka mid yahay waxyaabaha reer Galbeedku lacagta ay ku helaan si ay dunida ugu gumaystaanna waxa ay innaga dhaadhiciyeen in la’aantii buuggu dhantaalan yahay, fikirkaasina waxa sidiisa u qaatay oo aan iska shaandhayn dad uu ka mid yahay Khaalid.

EEDAYNTA KHAALID EE KU SALAYSAN SABOOLNIMADAYDA FARSHAXANKA QORAALKA

Meelo door ah ayuu Khaalid Jaamac Qodox qoraalkiisa Gorfeynta buugga ku sheegay in aan ka arradanahay hab qoraalka toolmoon. Qoraal kasta oo aan sameeyo waxa aan ku xusaa in xirfaddayda qoraal saboolnimo ku jirto iyo in aanan cilmi lahayn. Hasa yeeshee, qodobkaa Khaalid igu sifeeyay waxa aan jawaabtiisa ka soo saarayaa isla buugga uu gorfeeyay jaldigiisa dambe, waa dadkii wax ka yidhi buugga. Waxaa ka mid ahaa:

“Arrimo door ah oo ashqaraar leh ayuu qoraagu is-dultaagay, waa buuggii iigu horreeyay ee noociisa ah ee aan arko. Waan ku bogaadinayaa Cabdinaasir kaalmaha nololeed qaarna saray, qaarkoodna saafay, Saaxiibkay waan ku ogaa dedaalka iyo axadhista tareen taabadka leh.” Yuusuf Cismaan Cabdalle” Shaacir” Qoraa, abwaan.

” Waa buug Sheekooyinka ku qoran ay dhaxal gal yihiin, wax badanna waan filayaa in akhristayaashu ka faa’iidi doonaan, wuxu u badan yahay wacyi gelin, sidoo kale sheeko faneedyada noocan oo kale ah ummaddu afka ayay ku bartaan. Dhinaca akhrintiisa sida xiisa badan ee xeesha dheer ee uu qoraagu ugu nuux nuuxsaday waxa ay sababaysaa in qofku buugga dhammeysto.” A.A. Garas” Ma-qalloocshe.

“Diiwaankani waxa uu xambaarsan yahay sheekooyin Sheekooyin taabanaya nolosha Aadamaha, gaar ahaa nna dhallinyarada. Qoraagu waxa uu adeegsaday farshaxannimo heer-sarreysa, waxa na ka muuqata Qalin-maalnimo qoto-dheer. Marka aad akhriskiisa bilowdid adiga oo aan ka xiiso goynnin ayaad gaadhaysaa bogga ugu dambeeya. Dulucda sheekooyinkani waa in lagu waano qaato oo laga leexdo wixii nasbi, uur-xumo iyo hadimo abuuraya. Dhanka kale na wuxu innagu boorinayaa in aynu adeegsanno dhaqamada togan isu soo dhoweyn kara. Waxa ka muuqda hodannimo afeed iyo xeel-dheeri dhinaca aqoonta qoraalka ah.” Siciid Maxamuud Gahayr, Qoraa, hal abuur, cilmi baadhe.

Khalid J. Qodax ayaa been sheeganaya odhan maayo, hasa yeeshee, aqoon yahankii buugga soo akhriyay faallooyinkii ay ku dareen kuwaas ayay ahaayeen, dhammaantoodna waa rag muxtarim ah oo bahda qoraalka iyo dhaqanka ba kaalin kaga jira.

QOF KA HADAL
Khaalid Jaamac Qodax, qoraalkiisan gorfeynta buugga Masraxa Cadaabta, wuxu xoogga saaray in uu Qofnimada qoraha kaga hadlo, halkii ay ka ahayd in uu qodob ka hadlo. Waxa ka mid ahaa qoraallada qof ka hadalka ah ee Khaalid ee gorfeynta. Wuxu yidhi:

1.01. “Inuu buuggu sumad laawe ahaadaa waxay iyana marag ma doon u tahay waayo-aragnimo la’aantii qoraha een soo xusay.” Khaalid Jaamac Qadax.

1.02. “Talada aan halkan ka geysanayaa waxa ay tahay in qoraanimada ay ka horreyso ardeynimada qallinku. Taasi oo aan filaayo inuu ka soo dul boodey qoraha buuggani.” Khaalid Jaamac Qadax.

1.03. “Waxa kale oo ii caddaatay inuu qoruhu magaca buugga ka soo ergistay maanso ka mid ah maansooyinkii (AHUN) Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ oo la yidha ‘Kaba Caseeye’ tuduc ku jirey oo u dhigma magac buugga. Meelna kuma arkin uu qoraha buuggu ku xusaayo sida buugga magaciisu u baxay, halka uu ka keeney, iyo sida aanu u xusin in ay ku jirtey maansadaasiba.” Khaalid Jaamac Qadax.

1.04. “Maxaa magaca qoraha meeshan keeney? Inuu buuggan qorey yuu u sheegayaa? Sheekadu wakhtiga ay dhacdey iyo buuggani aminta uu soo baxay maxaa iska galay? Ma sheekaa, ma ………….?” Khaalid Jaamac Qodax.

1.05. “Arrinta xiisaha gaarka ah lihi, waa qoraha buugga oo meelaha qaar ku jaahwareerey magacyada jilayaasha sheekada, isaga oo marar badan isku murginaaya magacyadooda.” Khaalid Jaamac Qadax.

1.06. “Qoraha buuggani waxa uu jab ku dhigey in uu si xun oo qaab daran u adeegsanaayo hakadka, oo meesha looga baahan yahay, aanu gelineynin, meel aan looga fadhiyinna uu ku badinaayo.” Khaalid Jaamac Qodax.

GEFEFKA DHINACA AFKA AQOONTA
Waxa jira luuqad qoraalka iyo aqoontu leedahay oo ay mudan tahay in la adeegsado goorta wax la qorayo, Khaalid wuxu inta badan adeegsaday ereyo suuqdi ah oo aan haba yaraatee, xidhiidh la lahayn afka aqoonta iyo qoraalka. Qallooca qoraalka gala waxa la yidhaahdaa deel-qaaf, gef ama khalad halka uu Khaalid ka adeegsaday labadan erey; CEEBTA iyo FOOLXUMADA midna maaha ereyo aqoonta loo adeegsado. Hoos ka akhri Qodobka 1.01.
Ereyada kale ee aan meesha leekayn ee uu Khaalid adeegsaday waxa ka mid ah; QAAB DARNAAN iyo ereyga CEEB oo uu mar kale soo celiyay. Hoos ka akhri qodobka 1.02.

1.01. “Qeybta ugu weyn ee buugga in qorahu xoogga saaraa ay tahay ayaa ah tifaftirka buugga. Haddaba buuggan “Masraxa Cadaabta “, ee uu qorey Cabdinaasir Axmed Ibraahim, meesha ugu weyn ee uu iinta, foolxumadda, iyo ceebta ku leeyahay ayaa ah, inaan qoraha buuggu xil adag iska saarin tayeynta, adkeynta iyo toosinta tifaftirka buugga,” Khaalid Jaamac Qodax.

1.02. “Ceebta ugu weyn ee buuga dhex yuuruurtaa waa halkan oo isku ceyn iyo beyd go’day. Halkani waa meesha uu buuggu ka dhutinaayo ee laga dheehan karo waayo-aragnimada hooseysa marka aad aragto weedhahaasi sida qaabka daran ee uu u adeegsadey qoruhu, weedhahaasi oo micnihii dhabta ahaa ka tagey markii higgaad ahaan ay jabeen. Intani maaha oo keli ah inta ku jirta buugga ee higgaad ahaan khaldan, ee waa tusaale uun, bogag badan oo buugga ah waxa dhex ceegaaga gefefkaasi. “

QODAX IYO ABRAHAM KEE BAA QUMMAN?

“Arrinta xiisaha leh ee buugga aan kala kulmey ayaa iyaduna ah. In markasta oo buugga aad ku aragto joogsi, aanu jirin fakaag (Space) la baxaayo. Ma garan in cillad farsamo oo xagga daabacaadda ay tahay iyo in qoruhu isaga laftigiisu u kasey. Waayo, tiro aad u badan ayaad ku arkeysaa buugga, taasi oo kugu dhallineysa in ay tahay aqoon yaraan baahsan oo ka jirta xagga tayada qoraalka.” Khaalid Jaamac Qodax.

“Mudane Khaalid in astaanta joogsigu marka ay dhacdo ee meeris dhammaado fakaag (Space) la bixi waayaa haddii aad buuggayga ku aragtay iyo haddii aad meel kale ku aragtay ba sidaad u dhigtay arrin xiiso leh maaha ee Gef, Laakiin haddii aan ku saxo mar kasta oo Joogsi dhaco fakaag in la baxa daruuri maaha. Tusaale; Haddii joogsiga kolmo raacaan fakaag looma baahna. Ma aqaani in aad arrimaha noocan oo kale ah u taqaan arrin xiise leh.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

“Waxa iyaduna gef weyn dhinaca qoraalka ku ah in la furo waddo cusub oo aan qoraalku laheyn, oo abuuri karta laaxin weyn oo xagga qoraalka ah.” Khaalid Jaamac Qodax.

“Mudane Khaalid haddii aad u taqaan in gef weyn ay tahay in waddo cusub dhinaca qoraalka la jeexo ama hannaankii hore wax ka duwan lala yimaaddo, anigu waxa aan u aqaan curin hor leh ama ikhtiraac. Waxa se looga baahan yahay qofka Ikhtiraacaa sameeya in uu dooddiisa difaaco.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

“Guntii iyo gebagebadii, qoraalkan oo aan ku gorfeeyey dhiganaha uu magaciisu kor ka muuqdo ayaan akhristayaasha la wadaagay gefefkii aan kula kulmay. Sababta igu dhalisayna waa qoraha oo aan ku cusbayn qoraalka, kana fileyn inuu gefef intaa leeg ku kaco.” Khaalid Jaamac Qodax.

“Mudane Khaalid qof kasta gef qoraal uu ka dhici karaa, ha yaraado ama ha weynaado, in aad aamintu in Aadamaha qaar ka mid ah gefka ka koreen ayaan dhalliil u arkaa.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

“Waxaanan runtii ku boorrinayaa qoraha inuu dib u tifaftiro buugga oo uu gefefkaa iyo qaar kaloo badan ka hagaajiyo, kaddibna uu mar kale daabaco.” Khaalid Jaamac Qodax.

“Mudane Khaalid waxa aan qaatay in aan wixii gef qoraal ah ee buuggayga ku jiro saxo sida aan kor ba ku xusay, waan kaaga mahad celinayaa.” Cabdinaasir Axmed Abraham

“Qorayaasha kale qudhooda waxaan ku dhiirrinayaa inaanay sida qoraagan ku keliyeysan qoraalladooda ee ay dad badan ka codsadaan inay la eegaan, si ay wixii ilduufa uga qabtaan. “Xikmad ayaa ahayd, Keligaa iskuma noqon kartid tifaftire”. Khaalid Jaamac Qodax.

“Mudane Khaalid waxa aad xaq u leedahay inaad qorayaasha kale ku dhiiri geliso in ay gefefka qoraalka ka fogaadaan intii karaan kooda ah adiga oo aan aniga ii soo marayn, waa sida ilbaxnimada iyo akhlaaqda aqoontu ku jirto.” Cabdinaasir Axmed Abraham

“Wax ba yaan wakhtiga idiinkaga lumin qoraallo badan oo aan waxba ku kala duwannayn oo dhammaantood Qofka hadal ah. Baal marsanaan edebta hadalka iyo qof weerarka waxa dheer cambaarayn tiro-beel oo qoruhu ku miisay gorfeynta. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Nin baa walaal oge, anigu waxa aan doonayaa in aan walaalkay Khaalid hogo tusaaleeyo wixii uu khalad uu galay gorfeynta dhexdeeda, wali baa an xigashooyinkayga raaciyo, sababtuna waxa weeyaan in aan ixtiraamaya akhriyaasha.
Qoraaga waxa iskaga khaldan hadal qoraalka” Cabdinaasir Axmed Abraham

HOGO-TUS
“Wax ba yaan wakhtiga idiinkaga lumin qoraallo badan oo aan waxba ku kala duwannayn oo dhammaantood Qofka hadal ah. Baal marsanaan edebta hadalka iyo qof weerarka waxa dheer cambaarayn tiro-beel oo qoruhu ku miisay gorfeynta. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Nin baa walaal oge, anigu waxa aan doonayaa in aan walaalkay Khaalid hogo tusaaleeyo wixii uu khalad uu galay gorfeynta dhexdeeda, wali baa an xigashooyinkayga raaciyo, sababtuna waxa weeyaan in aan ixtiraamaya akhriyaasha.

Qoraaga waxa iskaga khaldan hadal qoraalka iyo ka hadalka, kala duwanaanshahoodana in badan ayuu igu qabsaday waa se aqoon aanu wali wax ba ka baran baan filayaa. Buugga ugu wanaagsan ee aad ka baran karto waxa la yidhaa. HABKA QORAALKA. Waxa qoray Maxamed Xaaji Xuseen Raabi. Wuxuu soo baxay sannadkii 1977.

Qoraagu waxa ugu weyn ee uu igu haystaa waa gefef dhinaca higgaadda iyo astaamaynta hadalka ah haddana qoraalladiisa wax aka mid ah kuwan;

1. “………… Qoys ahaan Samiiira waxa ay ka dhalatay qays sabool ah.Hooyadeed na maxayaysato, bacadka fadhiista oo jaadka iibisa weeyaan”.

“Xeerarka Naxwaha Soomaaliga iyo kuwa Ingiriisa midna kuma jirto in qofku inta uu dhibco doono dabada u qabto sida kor ka muuqata oo kale. Waxa se bannaan saddex dhibcood … Haddaad u baahantay inaad si wanaagsan u fahanto waxa aad akhridaa buugga 501 Grammar and writing Questions” Cabdinaasir Axmed Abraham

2. “hana-qaadeen”
“Hana-qaad waa erey lammaan, hab qoraalkiisa waa loo qori karaa, hana qaad, sidoo kale waa loo qori karaa hana-qaad. Hannaanka magacyada lammaan iyo Jiitinka gaaban adeegsigeeda haddii aad rabto inaad fahanto NAXWAHA AF SOOMAALIGA. Oo uu qoray Jaale Shire Jaamac Axmed. Laguna daabacay Xamar sannaddii 1976.” Cabdinaasri Axmed Abraham
3. Bookhasho
“Bookhashasho iyo Booqasho labadu ba waa sax waana arrin dhinaca lahjadda ama af guriga la xidhiidha.” Cabdinaasir Axmed Abraham.”

Gun gaadhka qoraalkaygan Khaalid Jaamac Qodax ayaan ku bogaadinayaa in uu sii wado gorfeynta, waxa aanan ka codsanayaa in cid kasta oo fikirkeeda iyo buuggeeda la gorfeeyaa in ay u jawaabta ugu macquulsan ee ugu edebta san.

RABBI BAA MAHAD LEH

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

Hoos ka akhri gorfayntii Khaalid Jaamac Qodax

Gorfeynta Buugga “Masraxa Cadaabta“ee uu qorey Cabdinaasir Axmed Ibraahim (WQ: Khaalid Jaamac Qodax)