Fayras : falanqayn kooban iyo faham buuxa (WQ: Dr Cabdikariim Dahir Xassan)

 

Maqaalkan waxaan si guud kaga hadli doona xannuun faafiyaha (infectious agent) Fayras ka. Muxuu yahay? Muxuu ka samaysan yahay? Xannuunada uu keeno kuwee ka midd ah? mase la dawayn karaa? Fayrasku waxtar ma leeyahay?  Su’aalahaa iyo qaar kale ayaan qormadan kaga jawaabi doonaa. Maqaalkani wuxuu hordhac u yahay maqaalo aan si gooni gooni ah ugaga hadli doono Fayrasyada ugu khatarsan ee bulshada ku faafa iyo tafaasiishooda.

 

Milicsi ku saabsan taariikhda Fayras-ka.

Fayrasku (Virus) waa xannuun faafiye sadhayn kara dadka, xayawaanka iyo dhirta intaba. Noocyo fayras ah ayaa awooda in ay dhex-galaan oo  degel ka dhigtaan Bakteeriyada iyo Fangaska oo labaduba ah xannuun faafiye-yaal il ma qabatay ah .

Magaca “Virus” waxa hindisay Aqoonyahan u dhasay dalka Holland oo la odhan jiray  Martinus Willem Beijerinck (16 Maarso,1851- 01 Janaayo,1931). Wuxuu ahaa saynis-yahanka ugu muhiimsan marka laga hadlayo saynisyahanada seeska u dhigay cilmiga Virology-ga ama barashada iyo baadhida Fayraska.

Kelmada fayras (Virus) waxa laga soo dhanbalay ereyga Virisse oo Latin ah, macnihiisuna yahay (Poison) ama sun.

Sanadkii 1935 ayaa saynis-yahan la odhan jiray Wendell Stanley waxa uu ogaaday in Fayrasku ka samaysan yahay walax hidde-side ah oo uu ku jaxaasan yahay dahaadh barootiin ka samaysan iyo anteenooyin ama (dibno) uu ku qabsado marti-geliyaha uu  degeshaday.

Fayraska  bakteeriyada dhex-dega waxa loo yaqaan (Bacteriophages), kuwa fangaska dhex-degana waxa la yidha (Mycophages).

Fayrasku wuxuu leeyahay astaamo muujinayaa inuu yahay noole iyo astaamo kale oo iyana xoojinaya aragtida qaar badan oo culimada saynis ka ah ay qabaan; oo ah in aanuu ahayn noole.

Fayras-ku ma nool yahay mise?

Astaamaha ugu muhiimsan ee tilmaamaya in fayrasku yahay noole waxa ka midd ah inuu Tarmo (Replication), inkastoo aanuu si madax bannaan u tarmi karin ee uu u baahan yahay noole kale oo uu ku dhex Tarmo. Astaanta labaad waxa weeye in uu qaab dhismihiisa bedeli karo, oo uu si fudud ula qabsan karo isbedelka ku yimaada degalka uu ku nool yahay (Mutation).

Astaamaha xoojinaya in Fayrasku aanu ahayn Noole waxaa ka midd ah:

  • Fayrasku ma aha Unug dhamays tiran, taas macnaheedu waxa weeye, malaha unug-yarayaasha (Organelles) laga dhex helo Unugyada Noole-yaasha, sida sayto-balasam, raybasoom iyo maytokondariya.
  • Fayrasku ma qabto shaqooyinka Unugyada nooli sida qashin-saarka, dheef-shiidka, tamar samaynta, iyo koritaanka. Intaas oo dhan fayrasku ma samayn karo. Laakiin wuxuu la wareegaa oo uu isticmaalaa howl-qabadka Unugyada uu degelka ka dhigtay.
  • Dhamaan unugyada noolaha ee kala duwan waxay leeyihiin labada nooc ee Hidde-sidayaasha ee kala ah DNA iyo RNA, laakiin Fayrasku wuxuu leeyahay labadaa midkood uun. Labadaba mawada yeelan karo.

Astaamahaas iska soo horjeedaa waxay horseedeen in saynis yahanku aragti midaysan ka yeelan kari waayaan nolol-lahaanta Fayraska. Khilaafkani wuxuu saamayn ku yeeshay habka loo agaasimo cilmi baadhista la xidhiidha dawo u raadinta iyo ka hortaga Fayrasyada.

 

Sidee u dhaqmaa Fayrasku Jidhka gudihiisa?

Dhismaha Fayrasku waa midd fudud, oo ka samaysan saddex qaybood oo isku xidhiidhsan.

  1. madax loo yaqaan Caspid oo ka samaysan barootiin, shaqadiisuna tahay inuu ilaaliyo walaxda hide-sidaha oo ah DNA ama RNA.
  2. madaxa ku xidhiidhsan qayb la odhan karo waa jidh-ka fayraska oo shaqadeedu tahay in ay caawiso dhaqaaqa iyo dheeli tirnaanta fayraska.
  3. qaybta sadexaad oo ah anteenooyin ka caawiya in Fayrasku qabsado unugyada noolaha uu weeraro.

Marka Fayrasku jidhka galo, intooda badani waxay abbaaraan Unugyo si gaar ah ugu nugul. Fayras ayaa beerka abbaara, nooc kale ayaa dareen-wadayaasha si gaar ah u bartilmaameed sada,qaar kale ayaa xiise gaar ah u qaba qanjidhada jidhka, nooc kale ayaa Jecel dahaadh-ka sare ee maskaxda.

Waa maxay Jiin (Gene)? Jiin waa walaxda ugu yar ee sidda isla markaana gudbisa Hidde-raaca noolaha. Jiinku (Gene) wuxu ka samaysan yahay  maadada DNA oo sida tusbaxa isugu taxan. Jiin ka macluumaadka uu sido waxa loo turjumaa barootiin. Barootiinka ayaa shaqadii la rabay qabta. Jiinnan ku way kala waa wayn yihiin. Qaar ayaa ka samaysan dhowr boqol oo DNA ah, qaarna waxay gaadhi karaa ilaa laba milyan oo DNA ah.

Marka fayras-ku Unug dhex-galo, waxa uu markiiba la wareegaa Hidde-sidaha Unuga  (DNA), isagoo hidde sidihiisa ku tola’ hidde-sidaha Unuga. Taasi waxay keentaa in Unugii jidhku shaqadiisii joojiyo oo uu intaa wixii ka danbeeya u adeego Fayraska.

Fayraska Unuga dhex degani wuxu la tarmaa Unuga.

Hidde-sidaha Fayras-ka iyo Ka Unugu way isku tolmaan.

Mashiinkii kala waday shaqada Unuga waxa la wareega Fayraska.

Sida aynu soo sheegnay Fayras-ku Iskii uma tarmo, ma quuto, tamarna ma samaysan karo, sidaa darteed wuxuu adeegsadaa dhamaan howl-wadeenada kala duwan ee Unuga uu qafaashay!.

Unugii afduubka fayras-ku ku dhacay waxa uu ku danbeeyaa dhowr xaaladood midd kood.

In uu burburo oo ay kasoo dareeraan tiro aad u badan oo ah tarankii fayraska (Viral progeny), kuwaas oo iyana sii sadheeya Unugyo cusub oo fayoobaa.  Waxa kale oo dhici karta In uu fayras-kii galo xaalad sukhuur ah (dormant state) oo uu kujiro muddo aan cayinayn, hadii aanu cariye toosiyaa dibada kaga yimaada.

 

1 Fayras ku dhex tarmay Unug uu dhex degan yahay.

Fayraska noocyadiisu waa malaayiin, laakiin dhamaantood xannuuno ma wada sameeyaan. Xaqiiqadu waxay tahay waxa jira qaar tobanaan sanno jidhka qofka ku jira iyagoon marna dhib keenin.

Waxase jira qaar keena xannuuno degdeg ah (acute and severe) oo nolosha qofka khatar wayn gelin kara, qaar kale waxay keenaan xannuuno riiqdoodu dheeraato oo qofka silic iyo saxariir bada (Chronic and debilitating diseases).

Xannuunada faafa ee fayras uu sababo waxaa ka midd ah Dabaysha (Polio), Jadeecada (Measles), Qoor-gooye( Viral Meningitis), Aydhis (Aids), noocyada kala duwan ee Cagaarshow-ga (Hepatitis). Iyo qaar badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Marka  Fayras lasoo hadal qaado waxaan marnaba la hilmaami karin doorka uu ku leeyahay unkammidda noocyo badan oo Kansar ah. Fayrasyo kala duwan ayaa si buuxda uga qayb qaata ama iyagu si toos ah u sababa Kansaro khatar ah. Xidhiidhka labada ka dhexeeya maqaalo kale ayaan si fiican ugaga hadlay.

Dawo ma loo hayaa xannuunka Fayraska?

Ilaa hada lama hayo dawo si kama dambays ah u disha (hadii uu noole yahay) ama u baabiisa (hadii aanu noole ahayn) Fayras-yada.  Sadex arrimood ayaa keenay in ay adkaato in Fayraska  dawo loo helo, oo la yareeyo xannuunada uu keeno.

  • Arrinka hore; Fayrasyo aad u tiro badan ayaa leh awood ay isku dhalan-gediyaan (Mutation). Waxay awoodi karaan in ay bedelaan muuqaalkooda guud, barootiinada ku dahaadhan ee lagu garto iyo sida ay ula falgalaan dawooyinka lagu toogto. Tani waxay adkaysay in Fayraska qaab loogu soo hagaago la waayo.

 

  • Saynis-yahanadu iskuma raacsana Fayraska Noloshiisa ama nolol la’aantiisa, taasi waxa ay muran gelisay habka ugu saxsan ee loo waajihi karo dawayntiisa. Waxa kale oo lagu heshiinin Hagayaasha farsamo ee loo raacayo cilmi baadhista daawooyinka fayras-ka ( Methadology of Viral Therapy Reseach).

 

  • Arrinka saddexaad waxa weeye, maadaama fayrasku ku dhex tarmo Unugyada qofka oo aanuu keligii Isu taagi karin, waxa adag in la sameeyo dawo aan Unuga wax yeelin laakiin Fayraska liishaanta.

Iyadoo saddexdaa sababood ay jiraan ayaa hadana dawooyin wax ku ool ah loo helay noocyo aad u tiro yar oo Fayras-yada ka midd ah. Waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa Fayraska Influenza Virus.  

Waxa kale oo la sameeyay dawooyin yareeya  khatarta caafimaad darro ee ka iman karta Fayraska marka uu jidhka soo galo. Dawooyinkani si guud ayay ula daggaalamaan taranka fayraska, waxaanay soo gaabiyaan cimrigiisa, iyagoo isla markaana  wax yeelo kooban oo laxamili karo gaadhsiiya Unugyada jidhka.

Xannuuno badan oo Fayrasku keeno ayaa si fiican oo dhib la’aan ah looga hortagi karaa iyadoo la adeegsanayo Tallaalka (Immunizations). Waxaynu ognahay in xannuunada qaarkood la dabar jaray sida xannuunka Furuqa, ee uu keeno fayras-ka (Chicken box) iyadoo la adeegsanayo Tallaal.

Fikrada Tallaalku waxay ku qotontaa; waxa laqabtay Fayraskii, ka dib waxa laga saaray suntii uu Xannuunka ku dhalin lahaa, ka dibna waxa lagu muday jidhka qofka.

Marka Fayraskii oo awooddii xannuun dhalinta laga siibay jidhka lagu tallaalo, wuxuu carinayaa difaaca jidhka, oo u arkaaya in shay qariib ahi soo weeraray. Difaacii jidhka ayaa  isu-habar wacanaya oo heegan la gelinaaa, waxa la samaynayaa barootiino cusub oo sii xoojiya xannuun iska caabinta jidhka, waxa la baraarujinayaa kuwo baraad la’aa oo muddo aan howl-gelin.

Qorshuhu waa in Jidhka loo diyaariyo in marka Fayras kan oo suntiisii wataa soo weeraro uu si fiican isu difaaco oo dhib yaraan uga adkaado Fayraska. Waa midd ka midd ah faa’iidooyinka si togan u addeegsiga Fayrasyada.

Wax tar ma leeyahay Fayras ku?

Dhinac kale hadii laga eego, Fayrasyo badan ayaa faa’iidooyin aad u balaadhan u leh jiritaanka nolosha. Waxaynu hore usoo xusnay in fayras-ku sadhayn karo dhirta, xoolaha, dadka, dalaga beeraha, noolaha badaha kujira, iyo Ili-ma-qabatayga sida Bakteeriyada, Fangaska iyo xataa Fayras-yada kale.

Fayrasku wuxuu noolayaasha isku sinjiga ah ukala qaadaa xogta hidde-sidayaasha (Genetic material transformation); hab loo kasay ama hab kedis ayay u dhici kartaa arintani.

Taas oo sababta in xog Iswaydaar-sigaasi kobciyo astaamo iyo awoodo cusub oo noolahaasi yeesho. Awoodahaa cusub oo noolaha ka caawiya in uu u dhabar adaygo duruufaha adag ee noloshiisa kusoo kordha.

Intaa waxaan kusoo koobayaa hordhac kooban oo ku saabsan barashada waxa uu yahay Fayras , qaab-dhismeedkiisa, sida uu u nool yahay iyo faa’iido iyo khasaare waxa ka dhasha.

Mowduuc aad u xiiso badan oo la rajaynayo in uu mustaqbalka dhow wax wayn ka bedelo ka hortaga iyo daawaynta cudurada; gaar ahaan xannuunada la kala dhaxlo (Hereditory Diseases) iyo kuwa fayrasku keeno ayaa ah waxa loo yaqaan (Gene Therapy).

Gene therapy waa hab wax loo daweeyo oo wali tijaabo ku jira, oo loogu talo galay in Hidde-sidayaasha lagu daweeyo, lagagana hortago xannuunada.

Fikrada mowduucan hagaysaa waxay ku salaysan tahay; in hidde-sidayaasa dhaawacmay la kabo, ama la dejiyo hadii shaqadiisu taraarto, ama meesha laga saaro oo midd cusub oo sanaaci ah lagu bedelo hadii la hagaajin kari waayo.

Waxaad sawirataa Xannuun uu keenay hal hidde-side (gene) oo khalkhalay, tusaale ahaan xannuunka loo yaqaan (Polycystic Kidney Disease) oo uu keeno hidde-sidaha PKD1 gene oo khalkhal ku dhacay kadibna shaqadiisii taraariyay (Gene overexpression).

 Kadib waxaad malaysaa iyadoo awood loo yeeshay in Hidde-sidahaa qunyar qofka laga siibay, oo Hidde-side cusub oo sifiican u shaqaynaya lagu bedelay,sidaana xannuunkii laga adkaaday (Replacing a mutated gene). Hadafka cilmi baadhista ku socota Gene therapy waa sidaas.

Waxaad is waydiin kartaa maxaa ka dhexeeya Fayraska iyo Gene Therapy?

Jawaabta oo kooban waxa weeye; waxaynu soo sheegnay in Fayrasku dhex galo Unugyada jidhka oo uu waliba isku tolo Hidde-sidihiisa (DNA) iyo  hidde-sidaha Unuga. sidaana kula wareeyo haggida iyo maamulka Unuga.

Iyadoo awooda Fayraska laga faa’iidaysanayo ayaa Fayraska waxa loo Isticmaalayaa in laga dhigo aaladii qaadilahayd Hidde-sidaha fayow, ee gaadhsiin lahayd Unuga.

Wax ku dawaynta Hidde-sidayaasha (gene therapy) waa farac cusub oo caafimaadka ka midd ah oo si wayn loogu hanwayn yahay. Waxa la rajaynayaa in uu bedeli doono gebi ahaanba nidaamka loo maareeyo cudurro badan oo wakhtigan aan dabiib loo hayn.

Hasayeeshee waxa wali jira caqabado waa wayn oo ay tahay in laga gudbo si nidaamkan cusubi midho dhal u noqdo.

Allaah mahad leh.