Gelbiskii Geerida, Q.9aad (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Abshir waxa xarun u noqday Masaajidka Al-Hidaaya oo uu u ahaa goob uu ku cibaadaysto, si taxane ahna ugu xidhnaa duruusta diiniga ah ee lagu dhigo waqtiyada salaadaha Casar iyo Maqrib u dhaxayeeya. Masaajidku wuxu u ahaa meel uu kaga kaaftoomay fadhiisigii maqaaxiyaha iyo la sheekaysigii suuq-joogtada ay Boosaaso ku caanka ahayd.

Si tartiib-tartiib ah ayuu la macaamilkiisii dadku u kobcay. Abshir waxa caado u ahayd in uu xidhiidh la sameeyo sheekh kasta oo muxaadiro u jeediya si uu weydiimo hor leh ugu sii qod-qodo duruustooda. Taas oo nafsi ahaan kobcisay, kunna abbuurtay firfircooni maskaxadeed oo cusub.

Cumar wuu ka duwanaa Abshir dhanka ku xidhnaanshaha Masaajidka Al-Hidaaya. Gelinka danbe wuxu ciyaari jiray kubbada cagta oo uu ballo baas ku qabay. Salaada Maqribna waxa uu ku tukan jiray masaajidka ugu dhaw ee ay kolba salaadu ugu soo gasho. Haddana waqtiga u dhexeeya labada salaadood ee Maqribka iyo Cishaa’iga wuxu aadi jiray gurigooda si uu uga soo qubaysto mar kale.

Abshir waxa ku soo fakatay waqti firaaqo oo badan, gaar ahaan maalmaha aanay jirin duruusta diiniga ah ee sida joogta ah looga akhriyo masaajidku. Wuxu si gaar ah u jeclaysan jiray la sheekaysiga dadka masaajidka ku xidhan oo ay iska waraysan jireen duruufaha nololeed ee dalka ka jiray iyo tii qurbaha ee uu ka soo haajiray.

Jimce ay cadceedu baalka la soo jeeday ayuu akhriskii Quraanka idleeyey. Dabadeed isaga oo kitaabkii gacanta ku sita dhex goob-yaaley masaajidkii si uu jewiga u badasho. Dhex socodkiisii masaajidku waxa ay dareen galisay sheekh masaajidka fadhiyey oo adkaar dudubinayey. Kaas oo si fudud u yiqiinsaday in Abshir aanu ahayn dhalinyaraddii reer Boosaaso ee uu kula kulmi jiray masaajidka. Markaas buu isaga oo dhoola-cadaynaya u gacan-haadiyey Abshir, kanna codsaday in uu agtiisa soo fadhiisto.

Sheekh Yuusuf Cadaad waa sheekh caan ka ahaa deegaanadda Gobolka Beri. Bal se wuxu inta badan waqtigiisa ku qaadan jiray magaaladda Gaalkacyo oo ay min-yeradiisu degnayd. Waa nin aftahamo Eebe ku galladay, si darandoori ahna afaf kala duwan ugu hadla. Af-soomaaliga, Carabidda iyo Ingiriisiduba waa iskugu mid, af walbana wuxu ugu xidhiidhi jirey si balaaqo sarre leh. Waayo qudhiisu intii aanu barashada diinta u xuub-siiban, wuxu waxbarashadii jaamacadeed ku qaatay Carriga Ingiriiska oo uu kacaankii Siyaad Barre fursad deeq waxbarasho ah ugu direen.

Abshir iyo Sheekh Cadaad way is-xog waraysteen. Si fududna Sheekh Cadaad waxa uu u aqoonsaday haybta Abshir isaga oo aan si toos ah u weydiin. Abshir weli umay dhacsanayn macnaha ay samayso maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaa:‘ Haybi waa summad.’ Waayo baadi-soocda uu laha ka hor imaanshihiisa Soomaaliya, waxa ay ahayd mid ku sidkan diintiisa iyo midabkiisa. Sheekha laftigiisu, macno sal-weyn uguma ay fadhiyin ogaanshaha haybta Abshir marka laga reebo dareen-deegaaneedka jiray ee in lays toydaa ahayd dhaqan la qabtimay.

Sheekada Sheekh Cadaad aad bay u xiiso gelisay Abshir. Mar waxa uu uga sheekeeyey safaradiisii uu xilliyada fasax ah ku qaadan jiray Jarmalka Galbeed iyo sida ay haatan dunidu isku badashay. Marna waxa uu weydiimo falsafadeed geliyey maanka Abshir, isaga oo si dadban u duraya in Carabta waqtigani yihiin kuwo ka gaabiyeen hoggaamintii diinta Islaamka ee lagu yiqiin, loona baahan yahay in qof kasta oo muslim ahi halgan u heensaysto. Taas oo boodhka ka tuntay dareenkii huursanaa oo uu markii Abshir qudhiisu qabay.

Waxa la moodayey in ay hal cajallad wada dhagaysteen Abshir iyo Sheekh Cadaad. Fiirsigooda casriga iyo fogaan-aragooduba waxa uu ahaa mid si uun iskugu lamaan oou eekaa in meel qudha laga wada abqaalay.

Sheekh Yuusuf Cadaad wuxu ahaa nin aad u aftahan ah oo si fudud u kasbada quluubta dadka; siiba dhallinyarta qurbaha ka timaad oo car-car badan qabay. Sheekhu wuxu safarro badan ku tagay dalalka Afgaanistaan iyo Baakistaan oo uu xidhiidh kula lahaan jiray arday ay isku barteen xilli uu waxbarasho Islaami ah oo kooban ku tagay Magaalada Karaaji/

Abshir waxa uu dhadhansan karayey fikir-diimeedka Sheekh Cadaad oo salka ku hayey caqiidada gaalaysiinta ama ‘Takfiirinta’. Waayo wuxu aamminsanaa in cid kasta oo gaalada la macaamisha ama la shaqaysaaba yihiin gaallo ama daba-dhilif aan lahayn caqiido sugan. In la laayo oo lagu jihaadana waxa uu u arkayey masalo fudud oo diinta lagu badbaadin karo. Taas oo Abshir qudhiisu la dhacay, kunna tiraabay in ay tahay habka kaliya ee loo niyad-jebin karo cid kasta oo ehel mooda gaallada duullaanka ku ah sharafta qofka muslimka ah.

Haasawihii maalintaas Jimcaha ahayd dhex maray Abshir iyo Sheekh Cadaad waxa ka soo dhex-gashay salaaddii Maqrib. Iyaga oo isku xiiso-qaba ayey ballan kale qabsadeen. Sheekh Yuusuf baa u dhaafay lambarka teleefankiisa gacanta, wuxuuna u sheegay in uu la soo xidhiidhi si uu ugu martiqaado gurigiisa ku yaal magaalada Gaalkacyo.

La soco…

Cabdiqaadir  Dayib  Askar

University of York, UK

www.abdikadiraskar.com

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Gelbiskii Geerida, Q.8aad (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)