Cirro irbadii suuxdinta ee 12 sanno uu ku mudey haykalkii sharci dejinta ayuu la ordayaa in uu somaliland oo dhan ku muddo! Yeeli mayno (WQ: Cabdi Cali Jaamac)

Muddo 20 sanno ah ilaa maantadda aan joogno qaranka Somaliland wuxuu baahi u qaba sharci iyo qaynuun kala haga.

Cabdiqaadir Jirde wuxuu ahaa 10 sanno ku-xigeenka Qaybe, inta badana Qaybe wuu xanuunsanayey oo Cabdiqaadir Jirde ayaa iska haystey, waxa ka danbeeyey Guddoomiye Ciro oo haytey 15-kii bishii Oktoobar 2005-tii ilaa maanta.

Cirro wuxuu ka dhigey naafo wuu hoggaamin kari waayey 80 qof, wuxuu dajin kari waayey xeerarkii aasaasiga ahaa, xitaa xeerarkii aan siyaasadba ku jirin ayuu sameyn kari waayey.

Sidee loogu aamini kara in uu madaxweyne ka noqdo shakhsi sidaa u jilicsani oo in uu kursi iyo kharash cunno maahe wax kale garaneyn.

Wuxuu garan waayey guddoomiye Cirro shaqadiisii ahayd in uu xeerarka Somaliland sameeyaan wadigaa arkaya xeerkii lagu soo doortey 15 Oktoobar 2005 ee ku meel gaadhka ahaa in ilaa maanta la sameyn oo ah dhammaadkii 2016.

Wuxuu arrinkoodii ka dhammaan waayey aan xilka korodhsano iyo mushaharka noo kordhi iyo kursi hoose ku fadhiiso iyo saraan kula joogayaa.

Waxay sameyan kari wayeen xeerarkii waddanka ee wali aasaaska u ahaa nolasha ee ahaa:

-Xeerka dhammaan haykalka dawladnimo.

-Xeerkii doorashada wakiilada.

-Xeerka xuquuqda muwaadinka.

-Xeerka waddaniga iyo ajaanibka.

-Xeerka Shaqaalaha.

-Xeerka cashuuraha.

-Xeerka Sakadda.

-Xeerka dhulka iyo deegaanka.

-Xeerkii maal gashiga caalamiga.

-Xeerkii xadaynta gobaladda iyo dagmooyinka Somaliland.

-Xeerkii khayraadka dabeeciga.

-Xeerkii baananka.

-Xeererkii qabyadda Distoorka.

-Xeerkii lahaansaha gaar ahaaneed iyo guud ahaaneed.

-Xeerkii ganacsiga iyo xadaynta sixir bararka.

-Xeerkii manka wax barshadda Somaliland.

Xalkan kuma tirin karno waa malyuun xeer ayaan jirin.

Maanta Somaliland qabyadda ugu weyn ee haysata waa distoorkan cigaal sameeyey ee buuga yer oo 28 Pages A4 ah xashiyood ah in ay balaadhiyaan oo 2000 xashiid ka dhigaan waa tahli kari wayeen.

Waxay noqdeen Muxaafid dowladda iyo mucaarid xusbiyo u olaleeya,dhammaan waa laga tagey shaqadii ay u qaban lahaayeen dalka iyo dadka.

Waxay noqdeen dad lacag xada dhaafa qaata oo iska fadhiya kuraas maalinta musharkana iska qaata, maalinna is caaya ama gacanta iskula taga waad la socota daljire.

Maanta irbadii 20 sanno lagu mudayey haykalka sharci dajinta ayaa la raba in hayakalka fulintana lagu muddo oo madaxweyne loo noqdo Somaliland,taasi waa ma dhacdo iyo habeen xaley tagey.

Somaliland Illaahayow u gargaar

Aamiin….Aamiin….Aamiin

Mahadsanid

Cabdi Cali Jaamac

London

daljire99@gmail.com