Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu ku tilmaamay Guddoomiyaha Kulmiye gacan-ku-dhiigle

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Musharax Madaxweyne ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo waraysi gaar ah siiyey HCTV ayaa  eedaymo kulul u soo jeediyey dhigiisa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in ay wali qoyan tahay dadkii uu laayeye oo uu yahay gacan ku dhiigleh.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Cirro sheegay in uu Muuse Biixi isku dayey in uu dilo Madaxweyne Siilaanyo markii uu jabhidii waddanka xoraysay ahaa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxay ila tahay in ay qoyan yihiin hagar daamooyinkii iyo dhibaatooyinkii ay dalka u gaysteen, muuqdaan xabaalihii shacbigii la gumaaday, oo uu Khayriyada Hargeysa ka lahaa anigoo wax dili kara duco qaadan maayo, in ay maanta ku eedeeyaan cid maxkamadda hala soo taago, haddi maxkamad cid la soo taagayo kuwa dadka laayey.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxa cad Muuse raadkii uu jid-gooyada u galay Madaxweyne Somaliland qof waliba wuu ogyahay.”

Waxa kale oo intaa raadiyey Guddoomiye Cirro:

“Walaalayaal, waxay ila tahay Muuse dadka waxa uu leeyahay aakhiro ayaan idiin dirayaa, waxa halkan ila jooga hawl-wadeenadii xisbiga ee dhaawaca loo gaystay ee la doonayo in la bajiyo. Markaa waxaan isleeyahay ninbaa nin la kulmay oo Xamar geenaya dadka, waxa ka dhow malaha kal leh dadka hala laayo, safarkayagaasi waxa uu ahaa gurmad dadka reer Somaliland ah ee abaaruhu saameeyeen, oo aanu waxba ku badhxanayn, wax alla wax ku badhxanaa may jirin, ragga meesha marayey rag Somaliland looga shakiyayo maaha.”

Waxa kale oo uu ka hadlay war ay warbaahinta Kiiniya qortay oo uu ka soo qaatay sawirka lagu baahiyey warbaahinta somaliland iyo baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho balse kama uu hadlin Guddoomiyuhu warka ay qortay jaraa’idka STAR la yidhaahdo ee ka soo baxa Kiiniya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxay ila tahay haddi sawiro la isku maxkamadayno, haddaba waxa website-ka iyo baraha bulshada ku yaala Muuse oo la sawiran Xasan Sheekh Maxamuud “Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya”, sawir meel lagu dhajiyey, waxay ila tahay isaga waa la maxkamadayn doonaa haddii sawir la isku maxkamadaynayo, waxaan qabayaa ummadda yaal la dhalan habaabin, waa la tartamayaa, sheekooyinkii berigii hore socon maayaan, garoon xaadhan baynu rabna in aynu ku tartanno, waxaan leeyahay Muuse taariikhdaanu way caddahay tayduna way caddahay, dalkanna badbaadadiisaanu doonaynaa, xisbigu xisbi dalka badbaadinaya weeyi, waxaanu diyaar u nahay in aanu tartano, shacbiguna way ka ilbaxeen shugux-shuguxdaa la tumayo, waxaan leeyahay shacbiga reer somaliland way idiin kala caddahay ka dalka badbaadinaya, midaynaya, ka shabciga isku tolaya iyo ka shacbiga qaybinaya.”

Guddoomiye Cirro oo aanay isku  wanaagsanayn magacaan dadka siyaasada ku jira iyo waddamad jaarka aynu nahay ayaa waxa uu sheegay siyaasiyiin ay isku raaceen Nayroobi oo uu sheegay in aan la filaynin raggaas in ay somaliland Xamar geeyaan waxa aanu magaciisa sheegin Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani Amb. Maxamed Cali oo ka mid ahaa weftigaasi balse uu sheegay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa in uu ku jiray weftigii halkan raggii kale ee weftiga ka tirsanaa uu sheegay mid walba magaciiisa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

Xigasho: Horn Cable TV

bandhige@gmail.com