Baarlamaanka Ciraaq wuxu olole ugu jiraa sidii muwaadiniinta Maraykanka looga mabnuuci lahaa dalkooda

 

Cadho ka dhalatay go’aankii Donald Trump Maraykanka kaga joojiyey muwaadiniinta toddoba dal oo Ciraaqiyiintu ka mid yihiin ayaa sababtay in Guddi-hoosaadka Baarlamaanka ee Arrimaha Dibeddu ay bilaabaan olole ay doonayaan in muwaadiniinta Maraykanka laga mabnuuco in ay cagaha soo geliyaan Ciraaq ilaa inta uu Madaxweyne Trump ka noqonayo go’aanka uu Ciraaqiyiinta kaga hor istaagay carrada Maraykanka.

Xasan Shuweerid oo ka mid ah Guddi-hoosaadkan oo Wakaaladda Wararka Reuters u akhriyey war-murtiyeed ay kooxdu soo saartay ayaa yidhi “Ciraaq waxay safka hore kaga jirtaa la dagaallanka argagixisada. Xaq maaha in dadkakeeda loola dhamqo sidan”.

Maleeshiyada Shiicada ah ee gaarka u tabobaran ee magaceeda la yidhaa Abaabulka Ummadda oo ah xoog loo aasaasay la-dagaalanka ISIS ayaa iyaguna si adag uga cadhooday go’aanka xukuumadda Maraykanka waxaanay hadda u ololaynayaan in dadka Maraykanka laga xayiro imaatinka Ciraaq.

Maleeshiyadan oo ka dhex dagaalanta Ciraaq, isla markaana ah maleeshiya sharci ah oo dawladda ciraaq iyo dawladaha la dagaalama argagixisadu ansixiyeen, ayaa haatan ay u muuqataa in ay iska hor iman doonaan kuwii ay is kaashan jireen si ay ula dagaalaamaan ISIS.

Axmed Al-Asadi oo ah af-hayeen u haydlay kooxdan ayaa sheegay in aan la aqbali karin go’aanka Madaxweyne Trump ayna tahay in go’aan la mid ah lagaga aar goosto.

“Go’aankani wuxu ka nixiyey saaxiibadii Maraykanka, wuxuuna ka farciyey argagixisada iyo cadawgii Maraykanka, mana garanayno caqliga ka dambeeya” ayuu yidhi Axmed Al-Asadi oo ku hanjabay in dadka Ciraaq ay tallaabo qaadi doonaan.

Il-Wareed: Reuters iyo wakaalada kale ee Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com