Halgankii SNM muxuu ku guulaystay muxuuse ku guuldarraystay? (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Mar haddaad maqasho halgan waxa aad dareemaysaa in nolol jirta xumaanteeda laga guurayo, in ay jirto wax iska caabbin. mar noloshaada ayaad u halgantaa oo adiga kuu goonni ah, marna bulsho aad ku dhexnooshahay ayaad la wadaagtaa dareenka nolosha guud, oo aad kala halgami kartaa xumaanta ay ka guurayaan iyo wanaagga ay u socdaan. Inta badan halganku wejiga uu ku bilaabmo, wuu ka geddismaa marka uu guulaysto. Waxaana soo baxa baahiyo kale, sidaa awgeed nolosha dunida ayaa sidaas ah oo aan dhammaystirnayn. Arartaa kooban haddaan dhaafo, waxa aan qoraalkan wax yar innaga xasuusin doonaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, oo marka afka ingiriiska loo rogo noqonaya Somali National Movement oo lagu soo gaabsado SNM. Waxaana lagaga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska 06 April 1981.

Midig: Maxamed Xaashi Cilmi, A Ismacil Duqsi IHN, Cabdisalaan Yaasiin iyo IHN Xasan Wadaadiid, London 06/04/1981

Dareenkii bulshada ee xorriyaddii lixdankii iyo xukuumadihii Rayadka ahaa?

Markay taariikhdu ahayd 01/07/1960kii ayaa lagu dhawaaqay xoriyaddii Soomaliya iyo isku darkii Somaliland iyo Somaaliya. Labada dal oo xilligaa ku kala jiray gacanta Ingiriiska iyo gacanta Qaramada Midoobay, filasho weyn ayaa jirtay oo dadku waxa uu u qaatay dhibaatoo dhammai inay ahayd maamulkii reer Yurub ee dhulka soomaalida ka talinayey muddo lagu qiyaaso 80 sannadood. Tilmaanta ugu fiican ee xilligaa la qaadan karaa, waa geeraarkii IHN, Cabdilaahi Suldaan Maxamed (Timacadde):

Ka siddeetan sabaan,

Calankaanu sugaynaye,

Sahankiisa ahaynoow,

Seermaweydo Hillaacdoow,

Sagal Maanta darrooray,

Siigadii naga maydhay,

Saqdhaxaannu ahayne,

Kii soo saaray Cadceedoow,

Samada kii u ekaaye

Xiddigaa mid la siiyayoow,

Aan siduu yahay eegno e,

Kaana siib Kanna saar.

Sharraxaad intaas ayaa innagaga filan dareenkii shacbiga soomaalida ee xilligaa joogtay. Waxaad moodda inay rajadoodu ku salaysnayd waaya-aragnimo la’aan. Waayo markiiba may niyad jabeen, markii xukunkii ugu horreeyey dhismay, haba la saluugo, ee itaalka waxa uu ku socday hab wadatashi ah, hab aan erayga dhalliisha ah la isku qoonsan ilaa xad, oo aan loo dilin qofna hadalka uu jeediyey ama uu fikir ahaan gabay ugu soo bandhigay. Isla Timacadde oo markiiba saluugay siday wax u socdeen baa gabaygiisii waxa ka mid ahaa: “Dawlad soo gashay maahine, Danteennaa laba diiddey, Dabuub aanu maqlaynay dood yar baan ka qabaa, Dugsigii Baarlamaankiyo Dekeddii Xamar baa leh, Berbera daadku ha qaado, Duqaydii Baarlamaankaay labadaa kala daayoo, Yaan loo deyma la’aan. Marka uu sidaa ku gabyey iyo inkaloo badan oo tix iyo tiraabba ku dhalliishay xukuumaddii hoggaanka u qabatay Jamhuuriyaddii Soomaalida, lama xidhin lamana jidhdilin ee waa la oggolaa dhalliisha iyo doodaha siyaasadeed.

Afgenbigii uu hoggaaminayey Jeneraal, Maxamed S Barre 21/10/1969

Saluuggii Sagaalkii sannadood ee hore ayaa cirka isku shareeray, markale waaya-aragnimo la’aan ayaa lagu taageeray milleteriga oo dalkiiba qabsaday. Waxaad ogaataa xilligaa inta badan Afrika waxa ka dhacay Afgenbi milleteri, waxaana la odhan karaa waa xilliyadii uu leexday geeddisocodkii maamulka dawladihii Afrika. Rabitaankii dadka iyo wanaaggii dadka soomaalida, ayaa bilaabay taageero aan hore loo arag, taasoo ay isla barbar taageen xukuumaddii milleteriga ee uu hoggaaminayey Sarreeye Gaas, Maxamed Siyaad Barre. Laakiin Jeneraalku wanaag inuu ugu bedelo dadkii taageeray haba joogtee birta ayuu ka aslay. Isla bilawgiiba waxa uu dhegta dhiigga u daray saaxiibadiisii garbihiisa ahaa Jeneraaladdii Afgenbiga la sameeyey, Caynaanshe, Gabayrre iyo Dheel. Waxa uu jeelka u taxaabay Col. Cabdilaahi Yuusuf iyo Col. Caydiid. Waxa la xidhxidhay dad badan oo lagu soo eedeeyey Dibusocod, Afmiinshaar, Gumaysi u adeege iyo inbadan oo lagu soo eedeeyey Qarandumis. Waxaasoo dhan waxa loo raaciyey in hantidii dadku gaarka u lahaa ee ganacsatadii soomaalida ee dedaalaysay ay lahaayeen in lagala wareegay. Waxa uguba sii darraa 11 Sheekh oo dhegta dhiigga loo daray 1975kii, keliya waxa ay yidhaahdeen hadalkii Ilaahay lama bedeli karo Maxamed Siyaadoow!.

Waxaasoo dhammi waxa ay dhaceen waa shantii sannadood ee ugu horreysay. Dad badan baa yidhaahda bilawgii Maxamed Siyaad wuu wanaagsanaaye, kol danbe ayaa la helay!!. Shantaa sannadood wixii dhacay intaa aan kor ku sheegay baa kaaga filan. Waxaase jiray wanaaggii iyo kalgacalkii soomaalida ee rajada qabay baa halgamayey oo taayirkii horumarka dhaqaajiyay, iyadoo xaggii xukuumadda lagu hayo dil iyo dhac ay shacbigooda u geysanayaan. Nacaybka iyo burburka maankii soomaalida ku dhacay waa xilliga aan isleeyahay wuu dhintay. Shaki baa dadkii ku kala dhacay, xadhiggii ayaa tirabeelay, dilkii ayaa sii laban-laabmay. Maxaa xigay?

Arrimahaa aan kor ku xusay ayaa sii ballaadhay, dagaalkii 1977 ee Soomaali Galbeed baa la galay, oo ahayd rajadii malaa ugu danbaysay ee dadka soomaalidu ay sii qabeen, tiina waa lagu soo jabay. Sannadii 1978kii ayaa lagu waabariistay Afgenbi dhicisoobay oo uu hoggaaminayey Col. Cirro, waxaana saraakiisha sare ee hoggaanka Afgenbigaas ku jiray Col. Cabdillaahi Yuusuf. Fashilkaa ku dhacay iskudaygaasi, waxa uu bilaabay Maxamed Siyaad Barre inuu fasax u helo laynta iyo gumaadka shacbi dhan oo deggen miyi iyo magaaloba, isagoo u aanaynaya inay ka danbeeyeen Afgenbigaas. Muddo yar ka dibna waxaaba lagu dhawaaqay SSDF oo uu hoggaanka u qabtay Cabdilaahi Yuusuf 1978 oo lagaga dhawaaqay Itoobiya.

Asaaskii SNM 06 April 1981

Guuxii shacbiga waa uu sii weynaaday, dhan walba. Waxaana aad isu abaabulay dadkii deggenaa Sacuudiga, oo dhibaato badanna ka tirsanayey safaaradda soomaalida ee Sacuudiga iyo guud ahaanba marka ay waddankoodii ku soo noqdaan oo ay kala kulmi jireen cagajuglayn boob iyo dhac waxoogaagii yaraa ee ay soo shaqaysteen. Kacdoonkaa shacbigii soomaalida ee Sacuudiga deggenayd, waxa ay go’aansadeen inay London isugu tagaan oo halkaa kaga dhawaaqaan. Waxa ay isku dayeen in ay helaan beelaha soomaalida oo dhan intii ay ka gaadhi karaan. Maadaama ay u badnaayeen beesha Isaaqa intii bilawga isla soo hadalqaadday halgankaas. Waxa ay aad uga maageen ku dhawaaqistii oo ay u arkeen in ay noqonayso beel keliya oo Jabhad samaysatay sida bilawgiiba loogu calaamadsaday Jabhaddii SSDF Beesha Majeerteen. Xubnihii Khaliijka ka yimi uma suurtagelin in ay wada helaan beelihii kale ee soomaaliyeed, oo inbadani waa ay diiddeen iyagoo aan markaa u arkayn in ay xal noqon karto.

Muxuu Sameeyey Xukunkii Maxamed Siyaad Barre?

Waxa uu u dhigay qaab beelaysan in lagu weerarayo, in aan wanaag loo socon ee ay yihiin Qarandumis, Afmiinshaarro Iimaanlaawayaal ah. Haba ahaadeen hoggaanka Jabhaduhu Iimaanlaawayaale, dadkii rayadka ahaa reer miyigii, ayaa garbosiman loo waxyeelleeyey, Kufsigu wuu tiro beelay, dhaca iyo boobka waxa ku filnayd in la yidhaahdo Qudhmista ayey u adeegayeen, run iyo been kay doonto ha noqoto. Arrimahaas xanuunka badan ayaa sii xoojiyey xooggii Jabhaddii SNM. Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa noqday kuwo laga dhigtay goobdagaal. Askarigu marka uu iska eegayo bulshadiisa, ee cadawgiisu yahay ka uu ilaalin lahaa. Waa xaaladda ugu liidata ee xukuumadi ay dal iyo dad ku xukunto. Waayo askartii joogtay Burco iyo Hargeysa waxa ay cadaw u arkayeen bulshadii goobahaa deggenayd. Taasina waa ta keentay in la yidhaahdo waa bandoo!! laga bilaabo Saddexda Galabnimo lama arki karo qof debedda jooga.

Maxay ku Guulaysatay SNM

Cadaadiskii aan kala go’a lahayn iyo dilkii joogtada ahaa ayaa dadkii kiciyey. Xoog badan ayaa u tallaabay dhinaca Itoobiya ee ay SNM ku lahayd saldhigyada. Waxaana ay joogto dagaal ugu soo qaadi jireen ciidankii deggenaa soohdinta. Waxa ay dhawr jeer ku guulaysteen inay gudaha dalka soo galaan oo tusaale ahaan ay jebiyeen Jeelka Mandheera oo odayaal, goobtaa lagu xidhay xukun la’aan ay ka sii daayeen 1983kii. Waxa ay kala baxeen Miiska saraakiisha Col. Cabdilaahi Askar oo goobtaa ku xidhnaa. Afar guddoomiye ayaa isu bedelay hoggaanka SNM oo mid kasta Shirweyne lagu bedelay taasina guul bay u ahayd.

Ugu danbayntii waxa ay soo galeen 27 Mey iyo 31 Mey 1988kii, magaalooyinka waaweyn ee Burco iyo Hargeysa. Shacbigii dhibbanaha ahaa ayaa qoriga qaatay oo ka barbardagaalamay xoogaggii SNM. Haddii aanay SNM shacbiga haysan taageeradooda may awoodi kareen inay ka dhexdagaalamaan gudaha dalka iyagoo ka soo duuley Soohdinta Itoobiya. Dagaalkaasi waxa uu soo afjarmay, markii la qabsaday magaalada Berbera Jeniweri 1991. Waxa kaloo dagaalkii gaadhay magaalada Muqdisho oo xoogaggii USC ay gudaha u galeen. Dalkii oo dhan ayuu dagaalkii gaadhay oo uu Jeneraal, Maxamed S. Barre na kaba la’aan kaga cararay xaruntii Madaxtooyada ee uu 21 sannadood dhexfadhiyey. Xal badan ayuu keeni kari lahaa, si uu dalka u badbaadiyo. Waxaase dhabawday in aan dhul mooyee dad ka danbayn.

SNM waxa ay kuu guulaysatay in ay bilawgii 1991 isu keento beelaha wada dega Somaliland, si looga hortago dagaallo sii riiqdheeraada. Magaalada Berbera ayaana la isugu yimi bilawgiiba, waxaana loo ballamay shirkii ballaadhnaa ee Burco ku soo gebagaboobay 18 Mey 1991. Inkastoo ay jireen dhibaatooyin dhacay oo dagaallo aan jiho lahayni dhexmareen dad rayad ah, in badanna ku dhimatay, haddana waxa guul ahayd in SNM aanay isku sii dhejin hoggaanka ee ay dadkii ku abtirsanayey Somaliland deegaankeeda ay hoggaankii ku soo wareejiyeen, waana shirkii Boorame ee 1993kii. Sidaa awgeed SNM waxa la odhan karaa waa ay guulaysatay, mar haddii ay shacbigii ku soo celisay taladii Milleterigu maroorsaday 1969kii.

Maxay ku Guuldarraysatay SNM

Ta ugu weyni waa koobnaantii ay SNM ku koobnaatay beel ee ay soo jiidan kariweyday beelaha kale ee soomaaliyeed. Inkastoo la odhan karo waxa ka xoog badnaa maamulkii Siyaad Barre oo dhaqaale iyo siyaasadba u adeegsanayey kala qaybinta shacbiga soomaaliyeed. Haddana sidaasoo ay tahay waa guuldarro xilligaa haysatay. Waxa ay ku guuldarraysatay in ay khilaafaadkii ragaadiyey maamulka SNM ay xal u helaan. Waxa kaloo la tilmaami karaa dagaalada oo aanay u gelin hab diiwaangashan oo la heli karo inta ku dhimatay, ku dhaawacantay, taasoo hoos imanaysa maamul xumo baahsanayd oo aan diiwaan iyo hab la raaco toonna lahayn.

Waxa kaloo ay ku guuldarraysatay in ay SNM sharraxdo waxa ay u taagnayd? Taasoo dadbadani aanay fahamsanayn oo ay u baahan yihii taariikh qoran oo habaysan, bilaw ilaa dhammaad. Ilaa maanta lama hayo qoraal mug leh oo ka warramaya taariikhda SNM. Xubnihii jabhadda ahaa waxa ay ku meeraystaan waxoogaa iyaga gudahooda xifaaltan ka dhexeeyey ayaa kala weyn in ay soo bandhigaan tiirarkii sababay unugii SNM iyo dagaalkii qadhaadhaa ee ay la gashay xukuumaddii Siyaad Barre.

Gebagabo

Dhacdo kasta oo inna soo marta waa in lagu eegaa indho dhaafsiisan beel ama beelo. Qoraalada soomaalida waxa ku badan oo aad markiiba ka dheehan kartaa in uu qoraagu cid duullaan ku yahay cidna difaacayo. Tusaale qoraalkaygani waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa in taliskii Maxamed S Barre oo dhibaato u geystay shacbigiisii. Waa Xukuumad iyo shacbigeedii. Mid baa is odhanaya difaac! Difaac uma baahna ee waxa aynu u baahannahay in aynu ka faa’iidaysanno qaladaadkii dhacay. Ma qabo dhibaatada soomaali ku habsatay in uu u sabab yahay Qabiilku, waa uun adeegsiga loo adeegsaday maamulkii Maxamed S Barre iyo xukuumadihii ka horreeyeyba taasoo xoojisay habdhaqankii reermiyiga ee beelaysiga. SNM waxa ay ka mid tahay dhacdooyinkaas soo maray taariikhda soomaalida una baahan deraasad qalad iyo saxba in wax laga ogaado.

Xigasho: Buugga Dhaxalreeb Horaad,Boobe Yuusuf Ducaale. Buugga Dgaalkii Dhexmaray SNM iyo Siyaad Barre Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey).

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Sayid-Axmed Dhegey.

Nuxurka Buugga “Sooyaal 2012” ee uu Qoray Cabdiraxmaan C. Guribarwaaqo iyo Dareenka ka Dhashay 2018ka (WQ: Sayid-Axmed Dhegey

Quruxda iyo farshaxannimada maansada IHN Ibraahin Aw Saleebaan “Gadhle” (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Emailkaygii iigu horreeyey iyo sidaan ku samaystay 1998kii (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka dhacay mise waxbaa u kordhay? Q.3aad (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka Dhacay mise waxbaa u Kordhay? (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Diiwaanka Qaranka: Dal aan diiwaan qaran lahayn waa geed aan caleen lahayn (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Sheeko gaaban: “Waaryaahe Kediye! kobtani miyaanay ahayn kobtaynu shalay ka guurrey? (WQ: Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”

Hore u soco, dib u soco, hore iyo dibba u soco (WQ: Sayid-Axmed M Yuusuf “Dhegey”)

Faallo: Buugga Go’aan iyo Gobanimo ee uu qoray Cali Cabdi Coomay (WQ: Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”)

Faallo: Buugga la magacbaxay “Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed” (WQ: Sayid-Axmed M. Yuusuf “Dhegey”)