Ila Tali, Q.2aad (WQ: Ina Siciid)

Sheekadu shalay waxay inoo joogtay Nimco oo ninkii saaxiibadeed qabay uu farriin u dhigay Facebook-ga.

Haddaba markii ay Nimco guriga ku soo noqotay markiiba waxay abbaartay bartii ay farriintu taallay. Waxayna u qornayd sidan:

“Nimcooy, waxaad tahay qof qalbigayga degay, caqligaygii mashquuliyay, niyaddana iyo maankayga iga qabsaday. Muqaalkaaga, dhaqankaaga iyo dabeecaddaaduna aad bay ii raali galiyeen. Soo-jiidashada intaa leeg waxay igu keentay in uu go’aan iyo damac guur i galo.”

Wuxu intaa raaciyey in Ilaahay u baneeyey afar haween ah, wax u diidaya in uu guursado laba haween ah oo saaxiib ahina aanay jirin.

Farriintu waxay ahayd qoraal dheer oo arrimahaas iyo arrimo kaleba ka hadlaya.  Waxayna ku gabogabawday in uu guur degdeg ah iga dalbaday.

Qoraalkiisa waxa ku jiray hadallo aad u cajab badan oo igu dhaliyey malaha qofkani bani aadam maaha? Malaha qofkani waa gabyaa? Malaha saaxiibaddaa ninkeedii aad taqaanayba maaha ee waa qof kale qofka sidan wax u qorayaa.

“Ma ihi qof diyaar u ah sheekooyin dhaadheer, waxanse diyaar u ahay guur degdeg ah. Waxaan kaa sugayaa go’aan dhakhso ah” ayuu ku soo gunaanaday.

Maalmo dhawr ah ayaanan farriintii ka jawaabin oo ay madaxayga wareerisay. Aniga oo aan wali wax go’aan ah qaadan ayaa telefoon aanan garanayn ii soo dhacay, markii aan qabtayna wuxu noqday Axmed.

“Salamu calaykum Nimco. Waxaan doonayaa in aan wakhti kooban oo 30 daqiiqo ah kula hadlo. Waxan kugu soo mari doonaa gurigaaga” ayuu yidhi.

Wuu ii yimid, waananu kulanay. Sheeko way badnayd laakiin arrinta ugu cajiibka badani waxay noqotay in guurka yaabka leh ee uu iga rabaa uu wato shuruudo adag, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. In aan guurkaas cidina ogaan oo aan ahaado xaas qarsoon;
2. In aan lambarka telefoonka beddelo, xidhiidhkana si tartiib ah ugu jaro saaxiibadday oo xaaskiisa ah;
3. In mar kasta oo aan dibedda u baxayo aan niqaab xidho;
4. Iyo in aan u diyaar garoobo in aan carruur dhalo haddii Ilaahay na kala siiyo, maadaama aanu isagu carruur hore dhallin anigana ii arko qof carruur hore soo dhashay oo ay u badan tahay in ay carruur kalena dhali karto.

In kastoo aan la yaabay sababta uu uga fikiri karo in uu i guursado iyadoo aan ahay gabadh ay xaaskiisa saaxiibo lilaahi ah yihiin, haddana dhinaca kale bani’aadam baan ahay oo damac iyo dareen baa i galay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaan dareemayey in aan u baahanay nin aniga iyo carruurtaydaba masuuliyaddooda qaada. Sidoo kale, waxan dareemayey in aan u baahanahay in aan dhalo carruur kale maadaama laba carruur ah uun aan leeyahay. Sidoo kale waxa i soo jiitay ilaa xadka uu i xiisaynayo iyo wakhtiga uu ii hurayo, taas oo aad mooddo in uu si dhab ah ii jeclaaday. Waxan sidoo kale ka dareemay in uu xataa carruurtayda jecel yahay oo uu si wanaagsan ula dhaqmi doono haddii aan is guursano. Naftu waxay i leedahay haddii uu ninkani ku dhaafo, nin kale oo u dhigma waligaa heli maysid.

Laakiin dhinaca kale damiirka ayaa aad ii cadaadinaya. Wuxu i leeyahay ma saaxiibaddaa oo aan Ilaahay awlaad siin, noloshii yaraantii iyo tan imikaba aad si qurux badan u wadaagteen, noloshaada wakhtiyo aad u baahnaydna kuu hagar baxday, ayaad khaayimi oo aad ninkeeda kala bixi. Miyaanay ceeb, magac-xumo iyo dadnimo-xumo kugu ahayn.

Dhanka kale ninkii aanu is furnay wuxu ii sheegay in haddii nin kale aan guursado uu guriga aan degganahay oo uu isagu leeyahay iga saari doono, masaariifta uu carruurta igu siiyana iga joojin doono.

Maskaxdaydii way isku dhex daadsan tahay, talana way iga baahday. Waxan ku jiraa meel cidhiidhi ah oo go’aan degdeg ah iiga baahan. Walaalayaal, bal idinkoo duruufahaas oo dhan eegaya ila soo taliya, maxaan yeelaa?

Talooyinkiina iigu soo hagaajiya  bandhige@gmail.com

Hoos ka akhriso qaybtii koowaad ee qisadan:

Ila Tali (WQ: Ina Siciid)