Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Waa maalmihii golaha uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa badnaa. Sida caadiga ah Beddel waa dhif inta uu xaadiro kalfadhiyada gollaha. Maalinta uu ugu horeeyo ayuu kacaa Laba iyo Tobanka Duhurnimo, sidaasi ayaanay saacadaha shaqadu ku dhaafaan. Kalfadhiyada farakutiriska ah ee uu ka qaybgalo, way yar tahay inta uu dood ka qayb qaataa. Deegaanka uu kursigooda ku fadhiyo, waligii ma booqan, baahida rasmiga ah ee ay qabaanna wax ba ka ma oga. Wuxuu ugu jecel yahay, marka ajanadaha lagu soo daro, hindise la isku maandhaafsan yahay. Xiisaha doodda iyo xamaasadda ku lammaan danayn maayee, fursadda dhaqaale ee laga samayn karo ayaa micno weyn u samaysa. Xeeldheere ayuu ku noqday sida fursadahaas loo kala fidiyo ee faa’iido adduunyo loogu beddelo.

Saaka waa mid ka mid ah subaxyadii u tirsanaa. Waa maalmihii aan laga maarmayn xubin kasta oo gollaha ka tirsan. Qolyo hawsha gollaha hortaal dabada ka riixaya, ayay wax isku ogyihiin Beddel. Kooxdaasi kama welwel qabaan inuu isbeddelo oo dhinaca kale raaco, waayo dheef weyn ayaa meel loo saaray. Balse waxay ka walaacsan yihiin inuu codkiisa la seexdo, sidaa darteed, rag baa loo qaybiyey arroorta hore soo kiciya oo ku hubsada kursiga uu codka ka dhiiban doono.

Guyaal ka hor,  markii dalka lagu soo celiyey, yoolka ugu weyn ee la higsanayay wuxuu ahaa baxnaaninta naftiisa. Cidina maalintaasi haabka kuma hayn in Beddel xil ummadeed qaban doono. Ruuxna ma sawiran karayn isbeddelka la yaabkal leh ee ku yimi hab-nololeedkiisa. Haddii shalay isaga baxnaano nafeed la la rabay, maanta waa laga soo gudbay taasi oo masiirka ummada halka lagu gooyo ayuu fadhiyaa. Tartan qabiileed xanaf badan  oo isma hurtada  isku lisay ayaa dadka ka indho saabay inay ka fiirsadaan cidda ay xil ummadeed ku aaminayaan.  Beelaha oodwadaagta ah ka cod badsada mooyee, ka tala wacnaada ba la isma odhan. Tala-qabeen dalka iyo dadka u damqanaya xil ma dhibin, dadkuna ma raadin.

Beddelkii soo guryo noqday isaga oo aan waxba tabcan maanta waa hantiile daaro dhaadheer iyo hanti ma guurto ah leh. Waa mid ka mid ah dabaqada sare ee sida ka badbadiska ah u nool. Muddo kooban oo uu gollaha ka tirsanaa ayuu ka hodmay oo ka xoolaystay. Saacadaha ugu yar ee Aadame shaqeeyo ayuu shaqeeyaa, haddana hantida ugu badan ayuu dhaqday. Wuxuu aaminay inuu ka karti iyo maskax badan yahay in badan oo shaqaale ah, subax walba kalaha, goor danbe oo galabtii ahna soo noqda, ugu yaraan lix cisho toddobaadkii. Sidaasi oo ay tahay, shaqaalahaasi waa qaadaa ma dhargaan. Guryo kiro ah ayay degan yihiin, ubadkooduna daryeel caafimaad iyo waxbarasho hagaagsan ma haystaan. Marar  la  soo hadal qaaday heerka maciishada ee sii adkaanaya, waxa laga hayey inuu yidhi qofka shaqaale dawladeed ah ee ka faraqabsan waayey inuu yahay liid aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn.

Beddel in kasta oo aanu reerayn, guurkiisii hore ee fashilmay ka dib, noloshiisu isaga way isa saaran tahay. Daba ka welwel ma qabo oo hantidiisa ayaa bangiyada buuxda, halhayskiisuna waa dhulkeena nincaa fadhida. Dabagal iyo cadaalad ka daba timaada- ugu yaraan inta dunida la joogo- ka biqi maayo, saa isla xisaabtankaba waxa arlada looga yaqaanaa fikrado qalaad oo dibada laga soo waariday!

Hoos ka akhri qaybtii 1aad iyo maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.1aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Muuqaalku Waa Dage (Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Bal muxuu ku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Fellow Africans Suffer in South Africa