Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.4aad, (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Maanta ayuu ka muuq wacan yahay maalintii ugu danbaysay ee ay dharkiisa bacda madow ugu gurtay. Ilqabatin soo jiidasho leh oo beryihii uu garoomada caanka ka ahaa u muuq eg ayaad moodaa inuu dib u soo kasbanayo. Ha yeeshee dibu hanashada haykalkiisii hore waxa halis ku ah miisaan xoog leh oo fuulay. Jidhkiisii dhisnaan jiray, raad ka sii muuqda mooyee, sidii uma habaysna. Gadhka iyo gafuurkuba way cadaadeen oo wuu wada cirraystay. Calool kuusan buu yeeshay; wuxuuna u sibirsaaraa fadhiga badan, jimicsi la’aanta iyo hab nololeedkiisa cusub ee nolol-sixeedku ku yar yahay.

Beryahaaba Beddel dhammac kalgacal ayaa ku shidmaysay. Beerkiisa waxa biyadhigay boholyoow ku soo labakacleeyey. Garwaaqsay inuu kala kicinta qoyskiisa mas’uul ka ahaa. Xaalmarin ayuu diyaar la yahay. Balse dunidu waa giraane, xaaskiisii hore quustii ayay wali ku maqan tahay. Tii ay soo martay ayaan wali maankeeda ka bixin, dhayal inuu ku soo xerogalin karan uma eka.

“Waan fiicanahay” ayay si debecsan ugu jawaab celisay Beddel iyada oo qaadan la’ in ninkii ay ogayd heerkan uu marayo. Waa lagu xoonsan yahay oo dadkii madasha fadhiyey ayaa salaan iyo sagootin saf ugu jira; markaa hadeer munaasib ma aha in sheeko intaa ka badan ay wadaagaan. Dhinaca gabadhana wali is adkayn iyo yasid ayaa ka muuqata. Telkeeda ayuu ka qaatay, intaanu goobta ka bixina, wuxuu u sheegay inuu soo wici doono.

******************************

Masaajidka xaafadda ayaa salaaddii Maqrib markii la tukaday, waxa ka istaagay imaamka masaajidka. Waxa uu jamacii wargaliyey in qaylodhaan la soo gaadhsiiyey oo uu xaafadda aad ugu xanuunsanayo nin dadka xaafadda ka mid ah,beryo horena jamaca masaajidka ka tirsanaan jiray. Waxa la soo weriyey in Beddel, ciyaartoygii hore ee caanka ahaa, markii danbena xildhibaanka noqday aad u jirran yahay. Waxa intaas lagu daray, in ninkaas wax hanti iyo adduunyo soo marayba maanta uu dacdaraysan yahay, gacan sokeeyana u baahan yahay. Waxa la xaqiijiyey in xanuunkiisa aan dalka wax ba laga ga qaban karin, balse markauu ugu dhaw yahay Hindiya la geeyo. Imaamkii masaajidka ayaa dadka muxsiniinta ah ku dhiirigaliyey in ruux iyo karaankii la isku qoro, oo Ilaahay ayaa waxa badbaadiyee, mas’uulkaas hore la badbaadiyo. Dadkii masaajidka xaafadda ku tukanayay, sidii caadada u ahayd ayay deeqsinimo muujiyeen oo qaadhaan ku yabooheen.

Bal Beddel aynu ka wardoonee, waa kii safarkii dibada ka soo noqday. Waa kii ku guuldaraystay isku day uu rabay inuu ku soo ceshado xaaskiisii hore. Beryo markii uu badhbadhaadhnay ku jiray, ugu danbayntii waa kii lagu qaaday qodob distooriya iyo xil gudasho la’aan. Ka dib waa kii lumiyey xubinimadiisii golaha, markii uu soo xaadiri waayey fadhiyadii caadiga ahaa. Hanti wixii uu dhaqday mudaddii uu xilka hayay waa ka ku maalgalinaya hanashada mansab kale oo dawladeed. Koox oday dhaqameed iyo siyaasiyiin iskugu jira ayaa shaxda la fahmay oo maalinba mashruuc ula yimaada si loo ebyo magacaabidiisa, oo sida ay sheegeen, beryahaaba miiska saarnayd. Isaguna, ilayn xilka dhadhan buu ku hayee, waa ka hindisayaashaas gacan ku rimiska ah hagar la’aan u maalgalinaya. Midhaha laga goostay dadaal ku sheegaasi waxay noqdeen, hantidii uu dhaqday oo ka fara baxda iyo xil iyo mansab la’aan. Xaaladaas ayay haddana u raacday caafimaad darro culus oo la soo deristay, isla jeerkaasna ka gayn wayday in jamaca masaajidka laga dalbado inay il naxariis leh ku eegaan Beddel.

Adduunyo! Hadda waa isla ruuxii waayo aan dheerayn cirkaa marayay ee loogu taag waayay inuu dhulka qunyar socdo. Waa isla mas’uulkii shaqaalaha daacada ah ee halganka nolosha la legdamaya karti darro iyo fahmo xumo inay halkaa dhigtay u qabay. Dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ah asxaabtiisii hore ee ciyaaruhu u soo bandhigeen taakulada saaxiib hore oo waqtiga ciilay. Balse qaadanwaa iyo af kala qaad ayay kala kulmeen markii uu u sheegay in saaxiibkaasi sirta nolosha fahmo oo dalku waa nimcaysan yahaye, indhaha furo oo tabaha lagu tanaado barto. Waa isla shakhsigii lagu waanin jiray in shaqada uu haysto ku fara adaygo, subixii soo kaco oo shaqadiisa ka adkaado. Waanu weelayne, dhaaxaa lagu dardaaray inuu dhawrsado, dadka jilicdasana u dhibirsanaado. Dheg ayaanu jalaq u siine, dhaaxaa la xusuusiyey gedgeddoonka waayaha iyo casharadda laxawga badan ee ku lammaan. Wuu u dhegooleeyee, imisaa lagu soo hadal qaaday dharaarihii aan dheerayn ee uu baahnaa,dabiibka nafsaaniga ahina u socday.

Waynu madax adag nahay oo waxbaynaan ku qaadanayne, dharaaaruhu maxay casharo inoo dhigayaan. Waayuhu muxuu ina barayaa duruus wax ku qaadasho inoogu filan. Noloshu maxay ina tusaysaa noocyadeeda faraha badan ee cibro iyo wax ku qaadasho inoogu filan.

Waa ruux iyo garashadiiye, Beddel intaas ba wuxuun buu kaga jawaabayay dafiraad, isdiidsiin iyo isdifaac mutuxan. Wuxuu aaminay oo ka dhaadhacday, ama iska dhaadhiciyey inuu shaqaystay, karti iyo xarfadna ku hantay furaha guusha. Yeelkadiiye, maanta jamicii masaajidku gobanimo ayay ka yeeleen, dhaqaalihii dibada lagu gayn lahaanna meel ayay saareen. Waa kaas la qaaday ee dhakhtarkii loo sii wado isaga oo xaalad caafimaad oo ba’an ku jira. Haddii uu nolol ku gaadho meesha loo wado, mooyi xaaladiisu si ay ku danbayn doonto!

Dhammaad.

Hoos ka akhri qaybihii hore ee sheekadan iyo maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud:

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.3aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.1aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Muuqaalku Waa Dage (Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Bal muxuu ku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Fellow Africans Suffer in South Africa