14 qof ayaa qudh baxay kadib markii tareen xawli ku socdaa uu dul maray iyagoo hurda waddada birta ah ee uu tareenku maro. Shilkan ayaa ka dhacay degmada Aurangabad ee galbeedka gobolka Maharashtra ee India.
Dhibaneyaasha ayaa la sheegay in ay ka soo haajireen tuulooyin ku yaalla gobolka Madhya Pradesh, isla markaana ay ahaayeen kuuli ka shaqeeya dhismeyaasha iyo birta.
Iyaga iyo in kale oo badan oo la socotay waxay shaqadoodii waayeen muddadan lagu jiray kala-xeroodka xanuunka COVID 19 dartii. Kadib markii ay ku noolaan kari waayeen halkii ay ka shaqaynayeen ayay ka soo lugeeyeen, daal iyo diif badan kadib waxay ku gam’een waddada tareenka.
Sida uu boolisku sheegay maalmo badan tareenku waddada muu soo marin maadaama rakaabkii uu qaadi jiray uu meesha ka baxay, sidaa daraadeed markii ay meesha ku gam’ayeen ma ay filayn in uu tareen soo mari doono.
Wadihii tareenka ayaa u sheegay booliska in uu ku dedaalay in uu joogsado markii uu arkay, laakiin ay suurtogal noqon wayday in uu xakameeyo tareenka.
Khadka tareenka India waa kan uGu mashquulsan dunida. 23 milyan oo qof ayuu daabulaa maalin kasta.
Sannadkii 2012, dawladda India waxay sheegtay in 15,000 oo qof ay sannad kasta ku naf waayaan shilalka tareenka, taas oo ay ku tilmaantay xasuuq.
Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah