Maan-deeqa Furey ee ma illaawi doonaa? (WQ:Cabdirasaq Maxamuud Baynax)

Toddobaad  baa ka soo wareegtay amintii aanu sida fudud u kala xidhiidh-furannay ooridaydii hore oo aan xilli xilliyada ka mid ahaa ula baxay Maan-deeqa. Haddaba waan qiyaasi karaa xaaladay ku sugantay iyo sida muraayada qalbigeedu u jabtay – saa waxaanba ogaa beer-nugulkeedii’e, ee tolow anna i mee?

Waa i kan! Oo goor iyo allayl, hadh iyo habeen, subax iyo galab, maanta illaa maalinkaas miridhna ha ahaatee kamay faaruqin maskaxdayda. Waxa keliya ee aan ka fekeraa waa iyada. Waxa keliya ee ii muuqdaa waa iyada. Waxa keliya ee dhagahaygu maqlaan waa codkeedii debecsanaa iyo kaftankeedii halaasiga ahaa. Waayihii aanu soo wada qaadannay ee badhaadhaha iyo baaxad-soorahaba lahaa ayaan dhex-mushaaxaa oo marba dhinac iska taagaa. Marar waxaan dib u jalleecaa dhinacyadeedii togganaa ee wanaag oo idil koobsaday. Gobay liicoo ha jabin! Hibato badanaa jaceyl soojireen ahaa oo aad hawl-yaraan u sii daysay … bal maxay iminka maankayga uga bixi la’dahay, soo anigii hal-haleelka u furey markii cadhadu ka yeedhsiisay codsigii baas.

Maalmo baa jiray markay i soo wacdo aan dhibsan jiray oo is oran jiray: miyey iska hawl-yareysato oo iska kaa dayso. Malahay, maantana Malaayiin wey iiga qiimo badnaan lahayd hal warin oo aan dhankeeda ka helo.

Ka soo gudub, marar kalena markay xasuusteedu xiskayga ka dhammaan weydo, waxaan ogaan iyo ulakac isu xasuusiyaa dhinacyadeedii tabnaa si aan nafta ugu qanciyo inay qaadatay go’aankii qummanaa.

Haa! Wey jirtaa mar aan dareemo xorriyad iyo rar garbahayga ka degay. Misna laakiin kuma sii adkaystee, waxaan iska war-helaa anigoo baalla-daymoonayoo xasili waayey sidii eeri-dhaban dhasheedii laga reebay. Mar iyo labo ba ka badan inta jeer ee aan ku baraarugay hoon laygu tumayo iyo nalkii ishaarada oo cagaaran. Maxay u oran jireen “time is the best of healer” mise anigaa deg degahaya?

Waxay iigu darnayd goor dhaweyd anigoo Mobile-kayga gacanta wad wada markay iga soo hor-baxday hees tallantaali ah oo ay qaadi jireen Salaad Darbi iyo Saynab Cige, anna mar aan fogeyn WhatsApp-keeda ugu duubay anigoo ku luuqeynaya bilaa music. Tuducyada heeskaas oo ahaa:

Cishadaynu kulannaa
Cirka roob ka da’ayoo
Cawo-dhalad inaad tahay
Cindigeyga galiyee
Wallee canab la moodyeey
Cimri iyo wed mooyee
Dumar kale ma caashaqo.

Goortii aan dib u dhageystay, jidhku miyaanu i wada dubaaxyeyn, miyaanan noqon sidii oo aan miyir-doorsoomayo, miyaanan dhammeysan kari waayin oo si deg dega u masaxin si aanay mar kale u damqin boogtayda aan weli bogsan .

Oo maxaad iila yaabaysaa akhriste, bal ballan-furkaas baaxaddiisa qiimee? Waddo kastoo kale wey ii bannaanaydee, maxaa badhi-furka intaas le’eg keenay meesha? Alla dummadayda weeyee maxay dalaaqdeedu dibnahayga sida fudud ugu soo dhaaftay? Goortii se nacab-la-moodkii weysada u biyeystay inuu birta ka aslo cishqigayagii toddoba jirsaday, bal maxaan ugu hawl-fududeeyey? Alla saw ismaan ogeynee dul-yariyaa!

Iminka iyo haatan hibashadu ha joogtee, muxuu ladhku la degi la’ yahay ee caloolyowga iyo naf-hiifka keenay? Saw taan awoowgay ka dhaxlay murti dulucdeedu daarayd: Rag calool adayg iyo taluu ciidan leeyahay. Ta kale, wax walba soo ma qorna oo Guullahu samada kama soo go’aamiyo?

Gunaanadayee, iga dardaaran weeyee hooy iga danbeeyow haku deg degin waxaad hadhow qoomamayn doonto ama kula cuslaan doona. Ogoobay dhambaalkanna dheel dheel kuulamaan wadaagine’e waa dhabtii iyo xasuus-qorkaygii oo aan kuu gol-dooxay, waayo waad igu weyntay oo walaalo Ilaahay ayeynu nahay.

Cabdirasaq Maxamuud Baynax