Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

 

3.5 MADOOBE DHARAAR IYO XIKMADDII NINKA WAALAN

Nin la odhan jirey Madoobe Dharaar ayaa sida la sheegay ka caagay guurka dhibaatooyin uu dumar hore kala soo kulmay awgeed. Muddo dheer markii uu gooni-joog ahaa ayuu garawsaday in aanu haweenay la’aanteed noolaan karayn, wuxuuna isku qanciyey in ay lagama maarmaan tahay in uu taladaas mid kale uga wareego.

Hase ahaatee, wuxu go’aansaday in uu markan talada badsado oo uu ilaa boqol qof la tashado ka hor inta aanu guursan. Madoobe markii uu sagaal iyo sagagashan qof wax weydiiyey, ayuu maalintii dambe la kulmay nin meel cidlo ah iska gaaf-wareegaya laakiin araggiisa iyo arradkiisuba fiican yihiin. Wuxu ku yidhi: “Waar ninyahow waxaan jeclahay in aan talo ku weydiiyo’e adigoo iga raali ah maad iiga jawaabi”?

Ninkii ayaa ugu jawaabay “Haa, waan kaaga jawaabi waxaad doonayso. Waxaan se kaaga digayaa in aanad farogelin wax aan adiga ku khusayn oo aad ku ekaato wixii adiga ku khuseeya oo kali ah”.

Madoobe digniintaas wuu aqbalay. Wuxuuna yidhi:

“Waar ninyahow adigoo aad u mahadsan, waxaan ahay nin dhibaatooyin iyo balaayo badani ka soo martay duulka haweenka. Waxaan talo ku gaadhay in aanan dib u guursan ilaa aan talo weydiiyo boqol qof oo wax iiga sheega arrimaha haweenka. Adigu waxaad tahay qofkii boqolaad uguna dambeeyey ee aan wax weydiinayo. Maxaad arrintaa talo iga siin lahayd?”

Ninkii wuxuu yidhi “Waxaad ogaataa in haweenku saddex yihiin:

1- Mid aad leedahay

2- Mid ku leh iyo

3- Mid aanad lahayn iyaduna aan ku lahayn

Ta aad leedahay waa gashaantida guurkaagu ugu horreeyo. Adiga mooyee nin kale adduunka kuma ay arag. Way kuu hoggaansanaanaysaa. Waxaad adigu tidhaa iyo waxaad ku taliso ayay qaadanaysaa xumaan iyo samaanba.

Ta ku lihi waa ta aad guursato iyadoo wadata carruur lagu soo furay. Waxay leedahay waayo-aragnimo ay kugu kasban karto kuguna haysan karto. Haseyeeshee, si kasta oo aad u wanaajiso wuxuun bay tebi doontaa, mudnaantana adiga ku siin mayso ee carruurta ayaa wax walba uga muhiimsan. La akree in ay ku dhaxal wareejiso oo carruurteedu xoolahaaga u hadhaan.

Ta aanad lahayn iyaduna aan ku lahayni waa ta carmasha ah ee hore loo soo qabay, hase yeeshee aan ubad kuula iman. Waxay goor kasta jeceshahay in ay kaa hesho waxa aanay kii hore ee soo furay ka helin sida ubad, adduun iyo itaalba. Haddii ay kaala kulanto wax ay saluugto amma dhalliil yar, ammaan aanu kii hore mudnayn oo afka baarkiisa ah ayay u tirisaa si ay adiga kuugu dhago hadasho. Waana qof wax baadi goobaysa oo labada suul ku taagan. La arkee in ay kaa dhaqaajiso goor aan habeena ahayn maalina ahayn. Haddaba xaalku haweenku waa kaase, dee gashaanti yar oo Ilaahay iyo adiguun garanaysa iska nasiibso.

Madoobe xigmaddii ninka aad buu uga helay. Wuxuuna ku yidhi “Ninyohow waad ku mahadsan tahay tilmaantaa qiimaha leh ee aad xaalka haweenka iiga sheegtay. Taladaa wanaagsanana waan qaatay’e maad isku kay sheegi aynu is barano’e?”

Ninkii oo xanaaqsan ayaa ul uu sitay kula soo jeedsaday Madoobe Dharaar kadibna laba bogga u geliyey, wuxuuna u raaciyey “Waar miyaanan hore kuugu digin oo aanaan ku odhan ha na weydiin waxaan adiga ku khusayn” ayuu yidhi.

Madoobe oo argagaxsan fahmayna ninku in uu nin waalan yahay ayaa ushii dirqi isaga qabtay oo sasabaad ku waashay isagoo dhinaca kalena leh ”Xikmatu fil majnuun, waa runtood….”

Qisada Madoobe Dharaar waxay ina xasuusinaysaa gabaygii caanka ahaa ee ”Guur aan ka la’aado” ee uu tiriyey Aw-Yuusuf Maxamed Xirsi. Wuxu yidhi:

Gurey iyo Daroorow arini, waygu gabileeye

Wax i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale

Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye

Garanna wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone

Guddigayga caawaba maqloo, geliya laabtiina

Oo wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay

Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe

Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye

Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta

Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine

Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne

Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye

Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane

Gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba

Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado.

 

Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin

Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin

Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin

Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado.

 

Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay

Gurijoogta xoolaha midaan, goosanka u diidin

Een garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta

Gudbantaan halkayguba galayn, guur aan ka la’aado.

 

Allow garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa

Oo qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho

Gandihii miduu wada nacee, gacalka fiigaysay

Gool boodadii laga samree, goysay ubadkeeda

Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka la’aado.

 

Geediga hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba

Ee gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay

Waa geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne

Reerkoo gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay

Anoo galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka

Geedaha hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda

Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane

Guul iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee

Gosha laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi

Gaade iyo intay bahal isiin, guur aan ka la’aado.

 

Midda gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo

Ee socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa

Ee gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa

Janbal gibin ah een golos ahayn, guur aan ka la’aado.

 

Carmal jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay

0o iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo

Waxay gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba

Dhowr habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo

Gadaal bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye

Intay galab i aynabi lahayd, guur aan ka la’aado.

 

Middaan cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda

Galgalin jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba

Oo golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay

Ee giiryar baa cunay i odhan, guur aan ka la’aado.

 

Galbashada dharaartii middaan, gaadhka iga haynin

Een garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka

Een guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye

Anoo luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban

Intaan ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa

Amaan goor xun daydayan lahaa, guur aan ka la’aado.

 

Maradaan u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay

Garbasaar hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran

Wal maxidhato ganaca uun banayn, guur aan ka la’aado.

 

Galoolka iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane

Garba duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto

Waxay hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba

Mar haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo

Gabbaad kob aan lahayn kuma gam’ee, guur aan ka la’aado.

 

Dumaal gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye

Haddaan wiilka guulguulo, way igu guhaadoone

Waa gool dhashii haysatee, guur aan ka la’aado.

 

Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca

Golostay ujeedeen haday, guluca soo saarto

Waxay guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba

Goobtii midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa

Garaclayda geelada irmaan, guur aan ka la’aado.

 

Gool weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay

Gab hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto

Weelkeedu tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin

Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye

Intaan ciil la gow odhan lahaa, guur aan ka la’aado.

 

Talaabada midaan gaw kasiin, gooray soconayso

Oon gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin

Een dumarka gaasirin giddigii, guur aan ka la’aado.

Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo

Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin

Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com