Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

3.6 XIISIHII CARUUSKA IYO XILLIGII JIILAALKA

Jiilaalku sidiisaba waa wakhti ay noloshu adkaato, gaar ahaan waxay noloshu aad ugu adkaataa dadka miyiga ku nool. Wakhtiga uu jiilaalku sii xumaado arrimaha faakihaysiga iyo farxadda ah dib baa loo dhigtaa oo waxa lala sugaa barwaaqada. Horaa loo yidhi raaxadu waa tacabka dabadii.

Hase yeeshee mararka qaar caashaqa ayaa ka saamayn bata duruufaha. Nin doobnimo ku raagay oo la odhan Jaamac ayaa sida la sheegay xilli jiilaal badhtankii lagu jiro la aqal galay gabadh uu aad u jeclaa isagoo dhagaha ka furaystay dadkii kula talinayey in uu guurkiisa la sugo xilliga gu’ga. Gurigii ay qoysku habeenkii arooska ku soo hoydeen waxay ugu yimaddeen duruuf ka adag tii ay filayeen. Goror biyo ahiba ma yaallaan. Haddii ay yaallaana waa wax aan dhaafsiisnayn in dhuuniga la mariyo oo aan ahayn biyo lagu dhaqmi karo ama wax lagu dhaqan karo.

Faadumo oo marka horeba dareensanayd gurracnaanta xilliga ayaa caruuskii ku tidhi “Jaamacow, reerka biyo ma jiraanoo waad aragtaaye aynu iska seexano inta Ilaahay faraj kale inoo furayo ama raxmaddiisa inoo shubayo.”

In kasta oo uu Jaamac caruusaddiisa xiiso badan u qabay, haddana wuu ka garaabay duruufta jirta waanu aqbalay taladeedii. Wuxuuse go’aamiyey mar haddii ay xaaladdu sidaas tahay in ay kala guuraan oo ay iyaduna gurigoodii ku noqoto isaguna reerkoodii jiilaalka ka soo saaro.

Maalintii cirka lagu arkay daruurtii koowaad ee gu’ga ayuu Jaamac isku maqiiqay dhinicii uu ka xigay reerka ay Faadumo ka dhalatay isaga oo xiiso aan qiyaas lahayn u qaba caruusaddiisii uu jeclaa ee duruuftu kala irdhaysay. Intii uu dhexda sii socday ciddii ka hor timaaddaba waraysi buu la boobayey isagoo leh ”Dhulkii aad ka timid innaba daruuro ma ku hooreen?” Ugu dambayntii waxa ka soo hor baxay inan uu seeddi u yahay oo ay Faadumo walaalo yihiin. Salaan kadib markiiba wuxu kula boobay ”Walaal reerkii roob ma ka da’ay?”

Inankii ayaa sidii uu dhaqanku ahaa ugu warramay. Wuxuna yidhi:

”Reerkii roobku wuu maasheeyey, Alxamdulillaah! Dhulkana xareed baa meel walba wadhnayd, cagaar dharab lihina  wuu soo fiilayey, dhiilihiina waa la wada dhaanshay, dhabankii dadkuna wuu soo noqday, dhibaatadii jiilaalkana waa laga soo doogayey.”

Jaamac oo farxaddii ka badatay ayaa inankii degdeg u dhaafay. Waa nin meeli u caddahaye inta uu tallaabdii labanlaabay ayuu yidhi ”Haddaba Faadumo caawana maxay sheegi”!

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com