Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

3.7  MARWADII HINAASTAY IYO SAYNTII LIBAAXA

Gabadh marwo ah oo ninkeeda jeclayd ayaa ka shakiday in ninkeedu aanu u jeclayn sidii uu beryaha qaar u jeclaa, arrintaas oo waswaas badan ku furtay. Waxay goosatay in ay qaaddo tallaabo kasta oo ay ku hanan karto ninkeeda kuna adkayn karto dhismaha reerkeeda.

Farsamooyin badan markii ay adeegsatay ee ay wax isbeddel ah arki wayday ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay u tagtay nin wadaad ah oo loogu sheegay in uu arrinteeda wax kala qaban karo. Wadaadkii markii ay uga warrantay xaalkeeda iyo muraadkeeda ayuu ku yidhi bal aan u kitaab furo oo aan arrintaa si fiican uga baarandego’e dhawr maalmood dabadeed igu soo noqo. Marwadii markii ay wadaadkii ku noqotay sidii ballanku ahaa ayuu ku yidhi:

“Gabadhyahay markii arrinkaaga aan dhan walba ka eegay, ninkaaga jacaylkii uu kuu qabay sidiisii iyo si ka wanaagsanba waa waa lagu soo celin karaa. Laakiin waa haddii aad ii keento sayn libaax oo waliba laga soo gooyey libaax nool.”

Wuxu intaa u raaciyey “Mushqaayadda lagaa doonayaana waa laba neef oo adhi ah. Imika neef sii bixi, neefka labaadna waxaad bixin doontaa marka aynu xalka gaadhno.”

Ka dar oo dibi dhal. Waxay meesha ka filaysaba maaha.  Marwadii oo yaabban ayaa halkii ka noqotay. In muddo ah markii ay arrinkii ka gaws-adaygtay ayay naftu ku dirqiday in xalkii wadaadku ka dalbaday ay tijaabiso,  waxayna bilawday in ay raadiso sayn libaax. Arrinkani maaha mid ay cidi wax kala qaban karto. Haddii ay dadka u sheegto waxay ka baqday in la yidhaa heblaayo ninkeedii ayay fal u aadinaysaa ama in warka la gaadhsiiyo saygeeda sidaana uu qoyskeedu ku burburo. Sidaa daraadeed, waxay ku khasbanaatay in ay iyadu cagaheeda ku baadi-goobto.

Wax ay waraysataba waxa loo sheegay meesha ugu dhaw ee libaax nool lagu og yahay oo ah meel ka durugsan deegaanka ay ku nooshahay. Neef adhi ah inta ay kaxaysatay ayay ku toostay meeshii libaaxa loogu tilmaamay. Iyadoo aan weli si buuxda u gaadhin jiiddii libaaxa lagu sheegay ayuu bahal libaax ah oo qoodh ahi meel gaaban kaga soo booday. ”Alla ba’ay!” Orod bay jaanta wadhay. Naftu waa belaayee naxdin bay socon kari wayday, jidhiidhico ayaa jidhkeeda oo dhan saaqday. Neefkii adhiga ahaa ee ay wadatay bartii bay kaga carartay. Lafaheedii bay dirqi kula baxsatay.

”Wallee mar dambaanan u noqon. Ilaahay af libaax wuu ku galiyaa waanu kaa badbaadiyaa” ayay ku calaacashay.

Muddo kadib ayay haddana dib  u fikirtay. Waxay is tustay ninkeedii oo jacaylkiisii sii naaqusay, naag kalena gacanta uga galay. Waxay go’aansatay in ay mar kale nafta biimayso. Waxay soo qaadday  woxoogaa hilib ah oo ay libaaxii u dhigtay meel halkii ay neefka kaga carartay u dhow. In muddo ah ayay maalinba wax u soo qaadaysay oo ay marba kala soo yara dhawaaneysay halkii ay maalintii ka horaysay libaaxa wax u dhigtay. Waxay sidaa ku waddaba, waxay soo gaadhay in ay libaaxa hortiisa u dhigto ilaa ay markii dambe gacanteeda ku siisay. Markii ay gaadhay in ay libaaxii iska daa gacan ay wax ku siiso’e guudka u salaaxdo inta uu wax cunayo, ayay si dhib yar sayntii wax uga soo goysay. Farxad weynaa!

Iyadoo niyadsamida ka muuqata aan la malayn karayn, ayay wadaadkii u tagtay oo ku tidhi:

”Sheekhow, sayntii libaaxa ee aad ii dirtay waa tane bal haddaba arrinkaygii dhakhso u dhammee”.

Wadaadkii wuxu ku yidhi ”Waa si wanaagsane, bal horta waxad iiga warrantaa sidaad sayntan ku soo heshay ee aad waliba libaax nool uga soo jartay?”

Marwadii waxay wadaadkii u tafatirtay raadcadii saynta libaaxa ay ka soo martay, min maalintii uu shuruudda kaga dhigay ilaa ay u keenaysay.

Wadaadkii u-qaadanwaa baa ku dhacay. Muu filayn in ay ku soo noqon doonto maadaama arrinka uu u diray uu ahaa mid aan suurtogal u ahayn. Wuxu aad ula yaabay calool-adayggeeda iyo damaceeda gaadhsiiyey ilaa xad ay libaax duur joog ah u salaaxdo saynta.

Wadaadkii wuxu gabadhii ku yidhi:

”Marwo yahay i dhagayso. Waxaan kuu sheegayaa in aan arrinkaaga adiga mooyee cid kale oo wax ka qaban kartaa aanay jirin haddii Injiil iyo Tawraat laguugu xirsi xidho. Ma naagtaada qalbi libaax kasbatay ayaa qalbi bani’aadam kasban kari waayaysa. Orod gurigaagii ku noqo oo reerkaaga dhaqo!”

3.8   SADDEXDA LAALAADA

Reer baa bari meel ka guuray oo geeddi galay. Reerka waxa ku jiray oday gabaabsi ah oo geedigii uu dabo luudayey uu ka goostay. Sidii uu raadkii u hayey ayuu ku soo baxay gabadh gashaanti ah oo adhi la joogta. Gabadhii ayuu ku yidhi: “Adeer, waxan ka shakisanahay in aan waddada ka lumaye, reer geeddi ah oo halkan maray waxba ma aragtay”?

Gabadhii waxay ku tidhi: “Haa! Goor aan dhaweyn ayuu reerka geeddiga ahi halkan maray.”

Odaygii baa haddana ku yidhi: ”Adeer inteen ku gaadhi karaa baad u malaynaysaa”?

Intantii waxay ku tidhi: ”Haddii aad saddexda laalaada laabato, gabbalku kaaga dhici mayo.”

Waa nin wayne markiiba wuu gartay waxa ay u jeeddo. Faraqii dheeraa ee gu’ii uu guntanaa ayuu laabtay oo guntigii ku adkaystay, weysadiina garabka ayuu sudhay, ushuu uu ku tukubayeyna degta ayuu saartay, dabadeedna dhabbadii ayuu cagta saaray.

Markii uu reerkii gaadhay ayuu raggii isugu yeedhay oo ku yidhi:

”Waxaan idinka codsanayaa in aad waddadii geeddigu soo maray aad berito dib u qaaddaan oo gabadha adhiga la joogta ee aan soo dhaafnay iigu tagtaan oo aad ku tidhaahaan odaygii aad shalay soo tilmaantay ee reerka geeddiga ah ku weydiiyey ayaa ku caashaqay oo noo kaa soo diray, waxaanu doonayaa in uu ku guursado.”

Maalinimadii dambe markii ay raadkii dib u qaadeen, waxay u tageen gabadhii oo adhigii ku eegaysa isla halkii uu odaygu ku soo maray. Waxay ku yidhaahdeen ”Gabadh yahay waxaan ka soconaa odaygii shalay halkan kugu soo maray ee reerka geeddiga ah ku weydiiyey, waxaanu na soo faray in aan kuu sheegno in uu ku damcay oo uu doonayo in uu ku guursado”.

Gabadhii waxay raggii ku tidhi: ”Waxaan is leeyahay odaygaa laba da’ood uun baa ku hadhay. Diidi maayo oo horaa loo yidhi naag nin dhali kara ayaa dhiqi kara. Habase ahaatee afar xaal haddii aad yeeshaan ayuun baan aqbalayaa guurkiisa”.

1- Ninka i dumaali doona haddii aad i tustaan oo aanu ragga igaga jirin;
2- Tiro buuxda oo sabeeno ugub ah oo dhalay
3- Teneg subag ah
4- Iyo saan lamma ah (saan lo’aad)

Raggii oo dhinacna ka farxay dhinacna shuruudaha ay soo dhigtay ka yaaban ayaa ku yidhi:

“Inanyahay shuruudda koowaad waanu fahanaye, saddexda dambe noo faahfaahi.”

Waxay tidhi: “Maadaama odaygu nin weyn yahay, juucjuuc iyo daal kama dhammaanayo. Saanta lammaha ahi waxba ma sii dayso. Inta aan u goglo ayaan subagga ku duugayaa si ay curuuqihiisa iyo muruqyadiisu u kala baxaan, caafimaadka jidhkiisuna u wanaagsanaado, tallaabadiisuna ay ta ragga u noqoto. Boqolka sabeenaha ugubka ahna waan u lisayaa.”

Raggii baa is wada eegay oo dhoola-caddeeyey. Waxay inantii ku yidhaahdeen.

“Horta waxaad tahay duco qabto nin nasiib leh uun ooridiisa noqota. Saddexda shuruudood ee dambe waxaanu kuugu bushaaraynaynaa in aanu kuu fulinayno annaga oo aan cidna kala tashan. Laakiin shuruudda koowaad xaq uma lihin in aanu ka jawaabno, sidaas daraadeed aanu odaygii ku noqono, afar caano-maal kadibna aan kugu soo warcelino.”

Markii ay odaygii ku warceliyeen wuxu raggii ku yidhi “Waxaad ku tidhaahdaan xaajigii shuruudihii oo dhan waa u diyaar. Wedka waa loo siman yahaye ninka ku dumaali doona marka ay ta Alle igu timaad ragga waan kaa dhex bari doonaa, adiguna waxaad dumarka iga dhex bari doontaa gabadha xigsiisanka ii noqon doonta haddii ta Alle kugu timaad!”

Gabadhii jawaabtii xaajiga si wanaagsan bay ugu qanacday. Waxayna raggii ku tidhi:

“Odaygu ha itaal yaraado’e, arrin iyo adduunba waa ku dhan yihiin. Sidaasaanan idinku raacayaa.”  Halkii baa inantii loogu duceeyey, reerkiina lagu yagleelay.

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com