Murti iyo Mahadhooyin, Q.19aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

3.9 SADDEX AAD EEDDO KALA DOORO!

Nin iyo naag is qaba ayaa is-af-garanwaa aan kala go’ lahayni dhex maray oo khilaafkooda loo maaro waayey. Khilaafka qoysasku waa wax dhaca oo la xalliyo ama furriin ku dhammaada. Laakiin khilaafkani wuxu ahaa kii ay Soomaalidu tidhi “Nin iyo naagtii colna maaha nabadna maaha.”

Ninkii haweenayda qabay markii uu u taag waayey, aanu doonayna in uu furo, ayuu kaxaystay odayaal ay xigto yihiin waxayna u tageen reerkii gabadhu ka dhalatay si ay uga wada hadlaan oo arrinta xal waara loogu helo.

Gartii markii la isugu yimid, ayaa odayaashii ninku ka dhashay yidhaahdeen: “Waar nimanyahow gabadhii aanu idinka qabnay ee ay ninkan wada joogeen waxay noqotay gabadh kadeedan oo aan la hayn karayn. Waxaanu idiinku nimid kaalaya oo naga kaxaysta ama si naga dhaha.

Intii aanay odayaashii kale ee xigtadeeda ahaa wax odhan, ayaa odaygii inanta dhalay kacay, waxaanu yidhi:

“Waan ogahay inantaydu in ay kadeedan tahay oo dabeecaddeedu qallafsan tahay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa awr xamilkii waa qaadaa xadhig qalloocase ma qaaddo. Inantayda dulqaad yaraan waan ku ogahay, laakiin adyad iyo daacad-darro kuma ogi. Habase ahaatee inanka aan soddoga u ahay waxan leeyahay kala doorro saddex arrimood oo aad eeddo:

 Furis aad eeddo;
 Dilis aad eeddo iyo
 Qabis aad eeddo.

Furis aad eeddo waxaan u leeyahay, inantaydu toddoba hablood ayay kuu leedahay. Haddii aad furto oo aan kaa soo kaxeeyo, toddobaduba hooyadood ayay kaa raaci oo inani waa hooyadeed. Way la dudi oo waxaad iyada ku qabtay wax ka daran ayaad hablahaaga kala kulmi.

Dilis aad eeddo waxaan u leeyahay, haddii aad disho oo aad ku dhagarowdo if iyo aakhiraba waad ku seegi. Waxay noqon in aad magteeda bixiso; ubadkaagu hooyo beelaan calool-xumana kuu qaadaan iyo aakhiro oo xisaabteeda lagugu ciqaabo.

Qabis aad eeddana waxaan u leeyahay, waxaan kaaga marag kacayaa inantaydu in aanay lahayn dabeecaddii haween lagu majeeran lahaa iyo hoggaansanaantii marwo la qabo looga baahnaa. Waxaanse ku leeyahay intaa iyo in ka badanba haweenka waa lagu qabaaye, aan kuu ducaynee inanta sidaa ku qab wax kuu dhaamaa meesha ma yaallaane.

Haween waa u samir ama ka samir ayaa la yidhiye ninkii inanta qabay iyo raggiiba arrinkii sidii bay ku guddoonsadeen, waxay go’aansadeen in ay u samraan. Reerkiina sidaas ayuu ku badbaaday.

 3.10 GEESINIMADII GUURDOONKA

Sidii aynu qisadii hore ku soo qaadanay, jacaylku marar badan wuu ka adkaadaa duruufaha nolosha. Wiil doob ah iyo gabadh gashaanti ah ayaa kalgacayl aad ahi dhex maray. Wiilkii oo ku taamaya in uu gabadhii u geed fadhiisto ayaa labadii beelood ee ay ka soo kala jeedeen colaad ba’ani ka dhex qaraxday. Kadibna waa la kala gurtay oo xaaladdii waxay noqotay la-iskuma-gudbaan.

Wiilkii wuxuu go’aansaday wax kastaaba ha ku dhacaane in uu soo helo gabadhii ay is-jeclaayeen. Tolkii waxay isku dayeen in ay baajiyaan oo beesha gabadh gayaan ah oo qurux badan uga raadiyaan, wuuse ku gacan saydhay. Raggii ay ilma’adeerka ahaayeen markii ay arkeen in uu kaga dhabaynayo baadi-goobka ooridiisa mustaqbalka ayay ka baqeen in dhexda laga helo oo cidlo lagu dilo. Waxay dabadeed isla garteen in laba nin oo lagu kalsoon yahay la raaciyo, maadaama ay dhex marayaan geyi colaadeed.

Waxay ku tashadeen in aanay habeen mooyaane maalin socon ilaa ay ka gaadhayaan reerkii gabadhu joogtay. Waxay dhukusaanba goor cawaysin ah ayay dul joogsadeen golihii reerka oo rag iyo dumarba lagu cawaynayo. Waxay duleedkii ka dhegeysteen haasaawii iyo cawayskii goobta ka socday. Wiilkii gabadha jeclaa markuu hubsaday meesha ay gacalisadiisii kaga beegan tahay fadhiga golaha, ayuu halkii daba fadhiistay oo si ay labadoodu isla garanayaan u dareensiiyey in ay soo gudeen.

Gabadhii markii ay garatay, halista uu ku sugan yahayna ay og tahay, waxay ka fikirtay siday wax ugu sheegi lahayd ulana ballami lahayd iyadoo aan cidina dareemin. Raggii iyo dumarkii ay wada caweynayeen ayay ku tidhi:

“Waxaan idin weydiiyey haddii reerkii reer hebel ee colaaddu inna dhex martay raggiisii marti inoogu iman lahaayeen maxaad ka yeeli lahaydeen”.

Inta mar qudha la is wada eegay ayaa ninba meel ku dhuftay. Nin yidhaa haddaan arki lahaa waan gawrici lahaa, nin yidhaa reer hebel hilbahoodaan haadka u wadhi lahaa. Nin yidhaa anigu intaan qurub qurub u Jaro ayaan dheri weyn ku karin lahaa iyo wax yaabo kale oo aan jixinjix iyo naxariis lahayn.

Markii uu nin waliba wuxuu yeeli lahaa sheegay, oo qoladii dibedda joogteyna ay dhegeysanayaan, ayay gabadhii hadalkii qaadatay iyadoo iska dhigaysa in ay aragtideeda sheegayso hase yeeshee ujeeddadeedu tahay in raggaa u soo guday ay wax u sheegto. Waxay tidhi:

“Anigu rag magan ah oo marti innoogu soo hoyday sidaa kamaan yeeleene, waxaan ku odhan lahaa waar gurigayagu waa aqalka ku yaalla buulka yar agtiisa, buulkana ayeyday ayaa gasha ee inta aad aqalkaa gashaan caanaha aloolka sudhan intaad cabtaan geedka weyn ee duleedkayaga galbeed kaga aaddan iska fadhiista oo ku nasta inta waagu idiin beryayo.”

Inta lagu qoslay ayaa lagu yidhi: ”Naa heblaayooy waad kaftamaysaaye, malaha cadawgeena sidaa ugumaad naxariisateene citaarta naga daa.”

Dabadeed raggii naftooda soo biimeeyey markiiba way fahmeen cidda ay farriintu ku socoto. Caanihii bay sii cabbeen kadibna waxaanay tegeen geedkii ay u tilmaantay. Wax yar dabadeedna golihii waa lagu kala yaacay oo qof waliba gogoshiisii buu aaday. Iyadoo xaymanka haysata ayey si dhuuban reerkoodii uga soo baxday oo geedkii ugu timid raggii sugayey. Halkii baa la iska raacay oo ay inantii kula gudeen. Markii ay reerkii nabadqab ku gaadheena mashxarad iyo damashaad baa is qabsaday.

Waagii markii uu beryay ayaa gabadhii la waayey. Kooxdii ay habeenimadii la cawaynaysay ayaa markiiba gartay hadalkii ay ka tidhi haasaawihii goluhu in uu afgarasho ahaa, intantaasina ay sidaa ku galbatay.

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com