Murti iyo Mahadhooyin, Q.20aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

 

3.11       GASHAANTIDII LALA TEGEY

Nin doob ah ayaa gabadh gashaanti ah oo ay guur ku heshiiyeen la soo tagay iyada oo ay weheliyaan rag ay ilmaadeero ahaayeen. Goor habeen ah ayuu reerkoodii ka soo kaxaystay iyadoo aanay ka war qabin waalidiinteedii iyo walaalaheed.

Deegaannada qaar beryihii hore dhaqanku wuxu ahaa, walina meelaha qaar yahay, in gabadhu marka ay guur ogollaato la kaxaysto reerkooda oo aan ogayn. Waxa la odhan jiray ’heblaayo waa lala tagay.” Marka inanta la keeno reerka ninka ayaa wakaalad iyo oggolaansho loo doonan jiray waalidkeed iyo reerkii ay ka dhalatay, kadibna sidaas ayaa lagu meherin jiray.

Inantii, ninkii kaxaystay iyo ilmaadeeradii muddo markii ay dhexda ku sii jireen ayay daaleen kadibna meel bay fadhiisteen si ay u daal-gooyaan. Iyagoo bartii fadhiya ayaa inantii raggii ku tidhi “Waar inna nasiya!”

Ninkii doonayey in uu inanta guursado oo yaabban ayaa inta uu inaadeerkii eegay ku yidhi: “Oo sownaga fadhina maxay gabadhu u jeeddaa?”

Inaadeerkii ayaa ugu jawaabay oo yidhi: “Waa runtaa oo waynu fadhinaaye, laakiin waxay leedahay kabaha innaga saara aan hagaag u yara nasanno’e”!

Markii ay daal gooyeen ayay haddana dhabbada cagta saareen. Waxay socdaanba habeenimadii ayay meel ku sii dhexeen. Hiirtii waaberiga markii ay tooseen intii aanay socodkii bilaabin ayaa gabadhii tidhi: “Waar inna afuriya!”

Ninkii ay is-damacsanaayeen ayaa haddana hadlay oo yidhi: “Waar inanta siday wax ka yihiin. Xagay waxa la cuno ku arkaysaa?

Inaadeerkii baa u jawaabay oo ku yidhi: “Waar gabadhu aan cadayanno ayay leedahaye, caday u soo jar.”

Mar kale ayaa haddana iyagoo cidla ciirsi la’ maraya oo hawd jiq ah dhex mushaaxaya ayay gabadhii tidhi: “Alla reer baa innoo dhow oo aan arkayaa!”

Ninkii baa haddana ayaabay oo yidhi: “Waar bal qisadan iyo yaabkan eega. Cidlo ciirsi lah iyo kayn jiq ah ayaynu maraynayaa xaggay reerna ku arkaysaa. Inanta ma daalkii baa wax u dhimay sidu waa sidee?”

Gabadhii way ka xumaatay fahan yaraanta iyo fudaydka ka muuqda ninkii soo raacday. Iyadoo saluug badani ka muuqdo ayay tidhi “Waar ninyow miyaanad haadkaa samada duulaya arkayn. Haadku meel dad deggen yahay ayuun buu dul meeraa oo reero innagama foga’e malaha waad dhoohan tahaye ee maskaxda ka shaqaysii oo na soo raac annagaa ku tusiye.”

Ugu dambayn markii la soo gaadhay, ee la dambcay in inantii loo meheriyo ninkii soo kaxaystay, ayay gabadhii isa soo taagtay oo diidday in loo meheriyo.

“Ninkii i soo kaxaystay isma fahmayno. Garaadkiisana waan saluugaye yaan la igu khasbin” ayay tidhi.

Soomaalidu waxay tidhaa jid ma la martay, jidiin ma la cuntay, jabad ma la degtay. Intaaba waanu isla soo marnay. Waxaanan ogaaday in aanu ahayn ninkii igu habboonaa.

Waxayse sheegtay in ay dhexda ku soo caashaqday ninkii ay ilmaadeerka ahaayeen ee su’aalaheedii sida wacan uga jawaabay.

“Ninkaasaa caqli badane ha la ii meheriyo haddii kale reerkayagii ha la igu celiyo” ayay tidhi.

Sasabaad markii loogu taag waayey, xalkii wuxu noqday in inantii loogu duceeyey kii ay ugu dambayntii dooratay ee ay garaadka ku tuhuntay.

Qisadan waxan ka fahmaynaa muhiimadda hal-xidhaalaha iyo tijaabinta garaadku u lahaa dhaqankii hore. Nin aftahanimo isku huba ayuun baa haasaawaha gashaantimaha u soo badheedi jiray.

3.12     GUURKII SADDEX WALAALO AH IYO GARTII AABBAHOOD

Nin oday ah oo waxgarad ah ayaa mar u wada dhisay saddex wiil oo uu dhalay. Markii ay gu’gii ugu horreeyey guri lahaayeen ayuu isugu yeedhay oo uu nin walba ka xog-waraystay wuxuu kala kulmay gabadhii uu u dhisay. Markii la isku yimid ayuu kii ugu weynaa ku yidhi ” Bal aabbo iiga warran gabadhii aan kuu dhisay”?

Wuxuu yidhi: ”Aabbo waa gabadh wanaagsan, hase yeeshee wax hawl ah ma qabato oo way iska dhawrtaa.”

Wuxuu ku yidhi : ”Waxaad u dirtaa reer hebel wax ha ka soo baratee, waa reer dumarkoodu karti leeyihiin oo shaqo badane”.

Kii labaad ee ka weyn ku xigay ayuu isagana ku yidhi : ”Adiguna aabbo bal iiga warran gabadhii aan kuu dhisay”?

Wuxuu yidhi : ”Aabbo gabadhu waa gabadh wanaagsan, hase yeeshee ceebteedu waxa weeyi cid walba way salaamaysaa oo gacanta ayey u fidinaysaa.”

Wuxuu ku yidhi : ”Aabbo reer hebel u gee wax ha ka baratee, reerkaasaa dhawrsanaanta lagu yaqaan oo dumarkoodu xishood badan yihiine.”

Wiilkiisii saddexaad ee ugu yaraa ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi: ”Adiguna aabbo bal iiga warran gabadhii aan kuu dhisay”?

Wuxuu yidhi: ”Aabbo gabadha aad ii dhistay waa gabadh aan akhlaaq iyo dhaqan suubban lahayn, wareeg badan oo asxaab badan.”

Odaygii wuu ka xumaaday. Wuxuuna ku yidhi: ”Wax kasta oo kale xaaskaaga waad ugu dul qaadan kartaa laakiin dhaqan-xumo looguma dul qaadan karo. Sidaas daraadeed aaboo aan kuu duceeyee iska fur…waxaan kuu soo raadin doonaa ama adiguba aad heli doontaa gabadh dhaqan iyo dhawrsanaanba leh.”

3.13     XAQA WAALIDKA IYO XINKA BEERKA

Wiil iyo gabadh aan hooyooyinkood ubad kale lahayn ayaa is jeclaaday. Waxay ku heshiiyeen in ay is guursadaan oo ay guri yagleelaan. Markii ay go’aankoodii gaadhsiiyeen labadii hooyo ee kala dhalay ayay bilaabeen tabaabulshihii aqal galkooda. Sida hooyo kastaaba u jeceshahay quruxda iyo dhismaha ilmaheeda, ayay labadoodii hooyo door weyn ka qaateen qabanqaabadii iyo hirgelintii arooskooda.

Sooyaalka taariikhda wax ku sugnaatay in hooyadu ku nafisto guriga inanteeda, sidaa daraadeed ayaa haweeneydii gabadha dhashay la deggtay si ay ugula noolaato. Haweeneydii inanka dhashayna waxay ugu tegi jirtay booqasho gaaban kolba sida duruuftu ugu saamaxdo. Waxay sidaa arrintu ahaataba, markii ay muddo guri lahaayeen ayaa islaantii inanka dhashay go’aansatay in ay iyaduna u soo guurto oo ay la noolaato qoyska inankeeda.

Inta inankeedu guriga ka maqan yahay amma shaqo ha u baxo amma dan kale’e, wax haasaawe ah kuma darsato labada xaawaley ee ay guriga ku wada nool yihiin. Mar alla marka uu inankeedu albaabka ka soo galo ayay calaacal iyo baroor kala hor tagtaa oo ay ku tidhaa “Ma cid baan anigu dhalay, miyaad iga war haysaa waxaan joogo iyo waxaan ku noolahay, waa lagu doorsaday oo waa la iga kaa qaadaye.”

Waxa kale oo iyaduna mushkilad ku noqotay labadii ruux ee is guursaday, oo kalgacayl iyo jacayl dhab ahi ka dhexeeyo, heshiis la’aanta labadoodii hooyo oo wax kasta isku qabsanaya oo midba ta kale huruufayso. Waxay mid waliba iska dhigtaa in ay ta kale ka xigto guriga oo iyada la dhegeysto. Iyadoo xaalku meel xun marayo, ayaa reerkii wiil u dhashay. Labadii is qabay ee ay kala dhaleen islaamuhu ayaa iyagoo dhawraya xaqa waalidnimo ee ay ku leeyihiin, aadna uga xanuunsaday khilaafka iyo xinka hooyooyinkood ka dhexeeya oo saamayn taban ku keeni kara jiritaanka gurigooda iyo noloshoodaba, ayaa maalintii dambe markii ay dhinac walba ka rogeen sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatadan kala soo gudboonaatay labadoodii waalid waxay go’aansadeen in ay soo af-jaraan inta aanay gaadhin meel aan wax laga qaban karin.

Waxay soo agaasimeen guri aad uga durugsan meesha ay deggen yihiin, wax kasta oo guri looga baahan yahayna way dhex dhigeen. Markii ay gurigoodii ku soo noqdeen, ayay si wada-jir ah ugu wada sheegeen labadoodii hooyo in ay xidhxidhaan wixii alaab guriga ka yaalla. Intii ay hooyooyinkood diyaarsanayeen xamaantoodii ayay iyaguna diyaariyeen dharkii iyo wixii alaab ay ugu talo galeen ilmihii ay dhaleen, waxay dhammaantood wada fuuleen gaadhi sugayey si ay u wada tagaan gurigii cusbaa ee ay soo diyaariyeen.

Gurigii markay galeen dhammaantood, ayay ilmihiina dhigeen xool ay ugu sii talo galeen, markaasay labadii is-qabay hooyooyinkood ku yidhaaheen:

“Hooyooyin, labadiinuba waxa tihiin waalidkayagii, midkiinba midkayo ayay dhashay oo xaqii waalidnimada ayaad nagu leedihiin. Hase yeeshee annaguna noloshii iyo naruuradii qoys ayaan u baahannahay, haddaad annaga na dhasheen oo aan beerkiinii nahay annaguna waxaan idiin hibeyneynaa kii beerkayaga ahaa ee aan dhalnay. Haddii aad ku heshiinaysaan iyo haddaad isku dilaysaanba waakaase haysta oo annaga ammaan na siiya, wixii aad u baahataanna annagaa halkiina idiinku keeniye, sidaad u wada noolaanaysaan ka tashada.”

Waxay bilaabeen in ay labadoodiiba ilmihii ay ayeeyada u ahaayeen isku mashquuliyaan, si wada-jir ahna u daryeelaan mar haddaan midkoodna ka ag dhaweyn labadii ay kala dhaleen, labadii is-qabayna sidaasay kaga badbaadeen werwerkii iyo walaacii kala soo gudboonaaday khilaafkii iyo xinkii waalidkood.

Beerka waalidku u hayo carruurtiisa waxa ka sii weyn beerka uu u hayo carruurta ay carruurtiisu sii dhaleen. Muddo kadib labadii waalid way garawsadeen in uu jiro wax labadoodaba toos uga dhaxeeya oo ah ilmaha ay ayayda u yihiin. Sidaa daraadeed waxay fahmeen isla markaana saxeen khaladkii ay ku jireen. Waxayna labadii ay dhaleen u celiyeen ilmahoodii iyagoo u ballan qaaday in aanay dib isu xininayn laakiin ay ka shaqayn doonaan dhismaha qoyska, curadka iyo carruurta kale ee soo kordha haddii Alle siiyo.

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.19aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com