Murti iyo Mahadhooyin, Q.21aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

CUTUBKA AFRAAD

 QUBANAHA SHEEKOOYINKA

 

4.1        NAF JACAYLKII KHAYRE BULLAALE

Nin la odhan jirey Khayre Bullaale ayaa bari xanuunsaday. Khayre wuxuu ahaa nin aad u naf jecel, weddkana aad uga cabban. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Khayre xanuunkii ku sii batay, waxaanu naftiisa ku qanciyey in uu dhimanayo oo sakaraatkii u dambeeyey hayo. Khayre ayaa islaantiisii u yeedhay oo ku yidhi:

“Ee Cambarooy xaggii aakhiraan u socdaa oo sakaraatkii baa i haya’e, orodoo cid i gunaanadda reeraha iigu doon.”

Islaantii intay naxday ayay ardaagii reerka baroor qabsatay oo ay marba dhinac u carartay. Markii ay cabbaar halkii ka barooratay ayay ku soo noqotay odaygeydii, waxaanay ku tidhi:

“Ee intaan gudcurku sii madoobaan aan qaylo-dhaan tago oo aan reerkii reer hebel wadaad ka soo kaxeeyee, sanqadha sii dhegeyso waa intaas oo xoolaha loo soo dhacaaye.”

Khayre wuxu ka baqay inta ay xaajiyaddu ka maqan tahay ama wadaadku soo socdo in ay naftu ka sii guranto, wuxuuna ku yidhi:

“Waa intaas oo ay meelahaa dhexe bahaluhu kaa helaane, reerka ooddaan ku sii rogi doonaaye, inna mari aan ku daba tukubee.”

Khayre oo islaantiisii is daba tukubaya markii ay reerkii ku dhawaadeen ayey qaylisay iyadoo leh:

“Alla hoogayoo ba’ayeey, yaa muslinoo ii soo gurmada oo Khayre ashahaaddada iigu qabta sakaraatkii baa hayee.”

Markii qayladeedii lagu soo wada baxay ee dadkii ay wada naxeen, ayay markiiba yidhaaheen ee bal shaydaanka iska naar oo si wanaagsan noogu warran. Imika Khayre halkuu ku sakaraadayaa ee uu jiifaa bal noo sheeg. Halkii ay wax kale ka eegayeen dadkii naxdinta wada gariirayey, ayay ku tidhi: “Waa kan i daba tukubayee bal yaasiinka iigu qabta oo ii gunaanada inta aanay naftu ka bixin.” Dabadeedna wax naxa, wax qosla iyo wax xanaaqa ayaa la noqday.

Dhaqankii hore wuxuu ahaa qofku haddii uu waayeel yahay in uu adkaysto duruuf kasta oo ku timaadda, nin kastaana uu diyaar u ahaado in uu mar kasta geeriyoon karo. Sidaas daraadeed, waa lala yaabi jiray qofka lagu arko naf jacayl.

 

4.2          SHINNIDU WAA TEE?

Dadkeenu wuxuu u qaybsamaa xoolo dhaqato iyo beeraley, waxaanay ku kala geddisan yihiin dhaqanka nolosha oo ay qoloba si u taqaan amma u adeegsato.Nin reer hawd ah oo xoolo dhaqato ah ayaa beri guursaday gabadh reeraha qodaalka ah.

Waxa mararka qaarkood dhacda haddii duruuftu ku kallifto in waalidku gargaar ka doonto ubadkiisa rag iyo dumar mid uu yahayba siiba mararka noloshu ku adkaato. Odaygii inanta laga guursaday ayaa waqtigii qodaalka beeruhu soo dhawaa u socoteeyey reerkii la gacaloobay, danta ugu weyn ee uu ugu tegeyna waxay ahayd bal in uu ka soo helo woxoogaa shinni ah. Odaygii markii uu gaadhay gurigii inantiisa si wanaagsan baa loo soo dhaweeyey ee meel fiicana waa loo goglay. Kadibna inankii uu soddoga u ahaa ayaa ooridiisii weydiiyey “aabo muraadka uu u socdaa waa maxay?” Waxay ugu jawaabtay “aabo wuxu soo doontay waxoogaa shinni ah.”

Ninkii inanta qabay wuu yaabay. Xaaskiisii wax hadal abha kuma soo celine inta uu gurigiisii ka kallahay ayuu guntiga dhiisha iskaga dhigay si uu u baadi-goobo shinnida soddogu u soo kicitimay.

Odaygii inanta dhalay markii uu waayey inankii inantiisa qabay ayuu inantiisii waraystay.  Wax ay ugu jawaabto ayay waydey illayn iyada qudheeda waxba umuu sheegine. Dabadeed odaygii aad buu u qoomameeyey oo is yidhi shinnidaaba dhacdaye sawta aad reerkii dhisnaa kala eriday. Inta uu bustihiisii laalaabtay ayuu reerkiisii dib ugu laabtay.

Markii uu ninkii gabadha qabay maalmo maqnaa, ayuu gurigiisii ku soo laabtay isagoo aan nafi ku jirin oo dhirtii hawdku soo wada xagatay jidhkiisuna wada bararsan yahay. Gabadhiisii oo yaabbanayd ayaa ku tidhi: “Waar Alla ku dooriye xageed u carartay iyadoo aabbaheen inna soo martiyay oo meel aad ogtahay innooga yimid”?

Ninkii baa ku yidhi: “Naa miyaanad igu odhan odaygu shinni buu soo doontay, waxaan hawdkii jafaba waatan aan soo qabtay boqoradiiye iyo shinnideediibaa odaygii mee”?

Inta ay u qaadan wayday oo ay aad u qososhay ayay ku tidhi: “Waar boqorodaaba dhacdaye, shinnidii beeraha ayuu aabbo soo doontay, markaad reerkii u banaysayna wuu iska noqday, shinnidu tan aad moodday maaha.” Ninkii inta uu madaxa qabsaday ayuu ku celceliyey “Tacab qasaaray dheh!” 

4.3        MAXAA SAMAKAAB KU DHACAY?

Nin Samakaab la odhan jiray ayaa reerkiisii ka soo kaxaystay neef adhiya si uu ugu iib-geeyo seyladda magaalada oo uu arrad-beel iyo urquunba qoyskiisa ugu keeno. Waddadii uu ku joogay ee magaalada geyneysay isagoo socda ayuu nin tuug ahi ka hor yimid.Tuuggii intuu dhaafay ayuu ka soo daba-laabtay oo si aanu Samakaab dareemin xadhigii uga siibay wankii uu watay.

Wax yar kadiba  Samakaab wuxu dareemay fudaydka xadhiggii wanku ugu xidhnaa, daymadii uu eegayna markuu arkay neefkii uu arrad-beelka reerka ugu talo galay oo maqan ayuu cirkii iyo dhulkiiba qaadi waayey. Wuxuu dhan walba u cararaba, ceel xooluhu ka cabbaan ayuu ku soo baxay, waxaanu ku arkay nin uu u maleeyey tuuggii waddada kula kulmay intii aanu wankii waayin oo ceelka ka dul ooyaya. Samakaab markii uu ka yaabay cabaadkii iyo tawaawicii ninka ka baxayey, ayuu tiisiiba intuu ilaaway weydiiyey waxa helay ee uu ceelka uga dul ooyayo.

Wuxu yidhi: “Markaan dharka xidhanayey ee aan waraabiyey xoolahaygii ee ay dareereen ayaa kiish lacag ah oo aan sitay ceelka igaga dhacay. Adeer lacagta aan boqol kun oo shilin kaa siiyee intaad ceelka ku dhaadhacdo maad iiga soo saari”.

Samakaab burkaba bahal kama deyine, markuu lacagtii maqlay ayuu aad u farxay markaasuu hoosta iska yidhi: “Waa Ilaahay mahaddii! Markii uu albaab kaa xidhmaba, Ilaahay kun albaab oo kale ayuu kuu furaa. Haddii neefkii aan reerka ku arrad tiri lahaa sidaa lagu waayey, sawkan Ilaahay faraj ii soo diray ee qiimihii neefka iyo in ka badanba aan halkan si dhib yar uga helay”!

Samakaab jawaab kumuu celine, intuu degdeg dharkii iskaga saaray ayuu dhagax ceelka agtiisa yaallay dul dhigtay, dabadeedna ceelkii ayuu ku dhaadhacay. Cabbaar kadib Samakaab oo qaawan lacagtiina aan soo helin ayaa ceelkii mudh ka soo yidhi. Mise ninkii meesha maba joogo. Inta uu dharkii Samakaab isku duuduubtay oo uu qaatay ayuu cagaha wax ka dayey…naxdin weynaa!

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.20aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.19aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com