Murti iyo Mahadhooyin, Q.22aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

4.4         KU DAYO QUDHAANJADA

Arday baa caado ka dhigtay in uu ka caajiso oo ka niyad jabo duruusta loo soo dhigo.  Ardaygaasi hawsha waxbarashada adkaysi uma lahayn wax dedaal ahna ma gelin jirin si uu uga gun gaadho duruusta uu fahmi waayo. Wuu ka dhib yaraysan jiray cashar kasta oo isku soo taaga. Xataa iskuma dayi jirin in uu macallinkiisa waydiiyo.

Taasi waxay u keentay in maalin kasta qayrkii lagu hor canaanto, cashar walibana uu kii hore ka sii adkaado ileyn casharadu way xidhiidhsan yihiin oo haddii kuwii hore aad soo fahmi wayday ka dambe ma fahmi kartid. Fahmaddiisu may xumayn laakiin isku dayga iyo dedaalka ayaa ka maqnaa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu isagoo cadhaysan oo naftiisa hiifaya geed hoos fadhiistay. Sidii uu u fadhiyey ayaa ishiisu ku dhacday qudhaanjo yar oo geedkii fananaysa. Marka ay in yar fuushaba way ka soo dhacdaa. Haddana kama daashee dib ayay u soo fanataa iyadoo la rafanaysa sidii ay geedka u kori lahayd. Waxa ay marba soo dhacdo oo ay haddana ku noqotaba  aakhirkii waxay gaadhay laantii geedka ugu sarraysay.

Ardaygii intaa wuu daawanayey. Markii uu arkay ay dedaalka qudhaanjadii yarayd ku gaadhay halkii ay doonaysay aad ayuu ula yaabay. Wuxu ku qancay in wax kasta oo adagba haddii laga hadhiwaayo oo dedaal iyo niyad adayg lala yimaaddo la gaadhi karo. Intaa wixii ka dambeeyey cashar kasta oo ku adkaada wuu ku celcelin jiray ilaa uu si wanaagsan u fahmayo, wuxuuna noqday ardayga fasalkooda ugu xariifsan.

Haddaba, haddii ay arrimaha qaar kugu fool adkaadaan ha is dhiibine ku dayo qudhaanjada!

4.5         EEDAYNTII TUUGGA

Habeen habeennada ka mid ah, ayaa nin tuug ahi isagoo fuulaya daaqadda guri uu doonayey in uu xado looxii daaqadda uu saarnaa la soo go’ay. Inta uu dhulka ku soo dhacay ayuu lugta ka jabay. Kadibna dirqi buu ku baxsaday isaga oo is farsamaynaya.

Ninkii tuugga ahaa ayaa maxkamadda tegey oo soo ashkateeyey ninkii guriga lahaa. Ninkii guriga lahaana wuxuu yidhi:

“Anigu eedda ma lihi, ashkatee nijaarkii daaqadda ii sameeyey.”

Nijaarkii markii loo yeedhay, wuxuu yidhi:

“Waar anigu khaladka ma lihi, wastaadkii guriga dhisay ayaan daaqadda fadhigeeda si fiican u samayn”.

Markii wastaadkii loo yeedhayna, wuxuu yidhi:

“Wuxuu khaladku ku yimi, markaan daaqadda samaynayey ayey gabadh aad qurux badani i soo ag martay oo i yara jeedisay”.

Gabadhii ayaa la soo helay waxaanay tidhi:

“Runtii waxaan xidhnaa toob aad u qurux badan oo si fiican loo midabeeyey, sida qaalibka ah aniga cidina sidaa iiguma fiirsato, waxa se khaladku ka yimi toobkaan xidhnaa oo farshaxan aad indhaha u soo jiidanaya oo midabo qurux badan lagu xardhay”.

Haa! Garsoorihii baa u yeedha ninkii toobka sameeyey. Markii la soo helay ninkii toobka midabeeyey wuxuu noqday ninkii gabadha qabay.

Garsoorihii wuxu yidhi kol haddii ay sidaa u dhacday waxa caddaatay in uu tuuggu yahay dambiilaha sidaa daraadeed waxan isugu darayaa xukun iyo xadhig. Wastaadkiina wuxu ku yidhi “Ragga aad guryaha u dhisayso gabdhahooga ha daawan!”

4.6           BEENAALIHII FASHILMAY

Laba nin oo saaxiibbo ah ayaa midkood aad u been badnaa. Goor kasta oo asxaabtooda kale ay u tagaanba, waxa u caado ahayd in uu abuuro sheeko aan jirin. Saaxiibkii waxay ku noqotay arrin aanu u adkaysan karayn. Waxaanu talo ku gaadhay in uu ku hor fashiliyo saaxiibadooda kale inta aan isagana loo qaadan in uu la wadaago dhaqan xumada saaxiibkii.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu saaxiibkii beenta necbaa intuu u tegey saaxiibadoodii kale ku yidhi: “Saaxiibayaal waxaan doonayaa in aad illa aragtaan bahashan beenta ah ee saaxiibkay caadaystay. Marka aanu idiin wada nimaadno ayaan ku odhan doonaa caawa sheeko badan ma doonayno ee inna mari aan gurigaagii kugu sii dhaweeyno’e.  Markuu gurigiisa galo ayaan dusha kaga xidhi doonaa qufulkan aan sito kadibna waaberiga ayaan isaga oo aan ogayn ka furi doonaa. Subaxnimada ayaynu isku soo kallihi doonaa dabadeedna bal aan aragno waxa uu innoola yimaado.”

Subaxnimadii dambe markii ay isku wada yimaadeen, ayuu ninkii beenta badnaa yidhi:

“Saaxiibayaal miyaad maqasheen xalay markii aan kala tagnay waxa magaalada ka dhacay, ma idiinka warramaa markii aan suuqa dib ugu soo noqday wixii aan la kulmay? Inta mar qudha la is wada eegay, ayuu saaxiibkii ku yidhi: “Waar beenta naga daa.” Sideed warka ku heshay sawtaan guriga dusha kaaga qufulnay xalay. Asxaabtii kalena intay aad qosleen ayey la yaabeen ninkan beenta ku dul samaynaya. Dhaqankiisiina halkaas ayuu ku fashilantey.

Iska jir beentu waa dhaqan xun oo aan qarsoomin. Haddii aad beenaale tahay ogsoonow in dadkuna beenaale kuu baran doonaan.

4.7         SHAXAADKII LABA DIBJIR 

Heeryo-weyne iyo Gabalaax waxay ahaayeen xariifiin-tuulo oo aan shaqaysan laakiin si farsamo ah dadka ula nool. Inta badan qadada iyo qaadka may waayi jirin laakiin maalmaha qaar ayay ka xumaan jirtay.

Wakhti wakhiyada ka mid ah ayaa magaaladii yarayd ee ay joogeen bahal busaarad ahi ku habsatay. Dhawr caano-maal ayay waxba kaga soo qaadi waayeen, wax shaxaad ahna haba yaraatee intay waayeen ayay gaajo kaw kaga siin gaadhey. Aroor baa iyagoo yaabban oo midkoodba ka kale hiifayo ay meel fog ka arkeen gaadhi siigada soo budh-budhinaya oo magaalada ku soo socda. Heeryo-weyne ayaa intuu farxad kor u booday yidhi:

”Waaryaa Gabalaaxow gaadhigaa soo socdaa waa gaadhigii inaadeerkay Qiyaame oo adhi sida. Maantaynu hilib iyo qaadba ka dhergi doonaa”.

Gaadhigii markuu soo galay, ayay labadoodiiba iska xaadiriyeen. Waa la is garanayaaye Qiyaame oo aad yaabto siigada ku taalla ayaa intuu gaadhigii ka soo deggay inankii makhaayadda uu hor joogsaday ka shaqaynayey ku yidhi: ”Waar Diiriyow Heeryo-weyne iyo Gabalaax qado sii, waanu iska tegey”.

Iyagoo labadii nafar ka soo tuuray oo bannaankii makhaayadda horteeda findhicilanaya ayay haddana sheedda ka arkeen gaadhi kale oo isna soo siigeynaya. Markuu waxoogaa u soo jiro ayuu Gabalaax yidhi : ”Heeryo-weynow maantuun baan dheregnay. Wallaahi waa gaadhigii Xaaji Aar.”

Heeryo-weynaa yidhi : ”Waar mar haddii aan qadaynay Xaajiga innoo weydii laba mijood oo jaad ah”.

Waxay isku qabteen in ay sidaa ugu sheegaan iyo in ay iska aamusaan oo ay arkaan bal waxa uu horta isagu u garto. Markii uu Xaajigii isa soo taagay ayuu sidii Qiyaame markii uu gaadhiga ka soo degay inankii makhaayadda joogay ku yidhi : “Waar Diiriyow innamadaa qado sii, waanu iska tegey si uu siigada isaga soo maydho.”

Horaa loo yidhi “dawarsade dookh ma leh!” Markii ay labadii nafar ee kalena ka soo tureen, ayuu Heeryo-weyne yidhi: “Waar bahalyahow doqonka ahi, waa taynu qadaynaye maxaad Xaajiga innoogu weydiin waydey laba mijood oo jaad ah”.

Gabalaax intuu xanaaqay ayuu ku yidhi: ”Waar waxba garan meyside naga aamus! Gaajo waa cadawe intaynu bakhtiyi lahayn aynu daaco-qudhuno!”

4.8          HA DIRSAN DOQON

Wiil doqoniimo lagu xaman jiray ayaa nin makhaayad haystay u dirtay in uu suuqa uga soo iibiyo sonkor iyo daqiiq. Wiilkii wuxu sii qaatay saxni uu ku soo qaado wixii loo diray. Ninkii suuqa u dirtay ayaa dardaaray wiilkii oo ku yidhi ”Iska ilaali, yaanay isku soo darsamin daqiiqda iyo sonkortu. Waa inaad mid walba goonideeda meel ugu soo riddaa.”

Markii uu dukaankii tegey ayaa sonkortii loo miisay kadibna waxa loogu shubay saxankii uu sitay. Ninkii dukaanka hayey ayaa markii uu haddana daqiiqdii u miisay ku yidhi “tana halkeen kuugu shubaa?”

Wiilkiibaa isagoo aan ka fiirsan saxankii dhinaca kale u rogay. Markaasuu yidhi “Sonkorta iyo daqiiqdu yaanay isku darsamine, daqiiqda dhankan iigu soo shub” Sonkortii baa siday u dhanayd miiska ku dul qubatay. Ninkii dukaanku wuu yaabay oo indhahaa soo baxay. Kadibna inta uu daqiiqdii ugu shubay ayuu ku yidhi “Waar maxaad saxanka u rogtay ee aad sonkorta u daadisay weel kale ayaan ku siin lahaaye?”

Wiilkii baa ninkii soo dirsaday ku noqday. Dabadeedna ninkii baa ku yidhi “Daqiiqdii waan arkaaye meeday sonkortii? Ismabuu dhibine intuu saxankii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi “halkanaan ku soo shubay” dabadeedna daqiiqdii baa dhulka gashay. Cadho weynaa! Ninkii makhaayadda lahaa wuxu yidhi “Alle ilehe doqonka waxa ka sii doqonsan ka dad mooday ee dirsaday!”

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.21aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.20aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.19aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com