Murti iyo Mahadhooyin, Q.23aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”)

4.9         ISHA CALI KA LAALAADDA

Libaax iyo habar-dugaag oo dhan ayaa beri isugu yimid raq xoolaad.  Libaaxii oo loo aqoonsan yahay boqorka duurjoogta ayaa inta uu is dul taagey raqdii u yeedhay waraabe oo ku yidhi: ”Waraabow bal sidaad wax u qaybisid aan eegnee kaalay raqdan u qaybi aniga iyo habar-dugaag.”

Waraabihii wuxuu yidhi:

”Ma qayb mise qayb, qayb adigaa iska leh. Qaybta kalena habar-dugaag ayaa iska leh.”

Libaaxii intuu soo dhaqaaqay ayuu bahal dhirbaaxo ah waraabihii ku dhuftay oo il dibadda ugaga soo tuuray. Habar-dugaagii oo argagaxsan ayuu libaaxii ku yidhi: ”Yaa kale ee innoo qaybinaya raqdan?”

Markii ay cidina ku dhici weyday in ay u soo ban baxdo wax qaybintaa ee uu mid waliba ka cabsooday libaaxii, ayay Deyo (waa dacawadiiye) tidhi : ”Libaaxow anigaa innoo qaybinaya.”

Libaaxii baa yidhi  ”Waayahaye kaalay innoo qaybi.” Dacawada waxa loo yaqaan in ay tahay dabin-ka-bood tahay oo ay sir badan tahay. Iyadoo dhirbaaxadii waraabaha ku dhacday ka baqaysa ayaa qaybintii bilowday oo tidhi:

“Ma qayb mise qayb, qayb adigaa leh.”

Qaybtii hadhay ayay haddana tidhi: “Ma waax mise waax, waax adigaa leh.”

Waaxdii soo hadhay ayay haddana tidhi “Ma qurub mise qurub, qurub adigaa leh.”

Deyo siday u wadday ayay wixiiba libaaxii wada siisay oo waxba uma reebin dhammaan habar-dugaagii kale ee sugayey in ay bal wuxuun qayb u helaan. Libaaxii oo ay raali gelisay aadna ugu faraxsan sida deyo wax u qaybisay, ayaa ku yidhi: “Deyooy ayaa ku baray sidan caddaaladda ah ee aad wax innoogu qaybisay?”

Deyo waxay tidhi: “Libaaxow waxaan caddaaladda i baray isha cali ka laalaada.”

Qisadani in kastoo ay male-awaal tahay, haddana waxay ka mid tahay sheekooyinka ugu caansan suugaanta Soomaalida iyadoo ay maansoyahanno door ahi ku soo hal qabsadaan. Odhaahda “Isha cali ka laalaadda” waxa la adeegsadaa marka xaalad taban oo qof kale qabsatay ay adiga digniin kuu noqoto. Xuseen Dhiqle oo ahaa gabyaa caan ah isaga oo qisadan tix raacaya wuxu yidhi:

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

 

Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

 

Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

 

Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

 

Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare

Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey.

 

4.10         ADHIGII LIBAAXA LA TUKADEY

Ido iyo riyo kayn wada daaqayey ayaa ku soo baxay libaax meel ku tukanaya.   Markii ay ku soo dhawaadeen ayay idihii yidhaahdeen waa ka libaaxii tukanayee aan salaadda ku xidhanno. Riyihii intay “Bif” yidhaahdeen ayay carareen oo ay ku dhuunteen meel aan ka fogeyn. Markii uu libaaxii salaaddii dhammeeyey ayuu hareerahiisa eegay oo idihii arkay, intuu aad hoosta uga farxay ayuu idihii ku yidhi : ”Ahlan wa sahlan ! Xageed ka timaadeen?”

Idihii waxay ku yidhaaheen : ”Meel aan dheerayn baanu ka nimid. Waxaanu ahayn annaga iyo riyihii aan wada daaqayney. Way kaa dhuunteen oo way kaa yara baqayaan.”

Libaaxii intuu dhoosha ka yara qoslay ayuu yidhi : ”Alla ! miyaanay arkayn in aynu salaadii wada tukanay, waxna aanan idin yeelin. Waynu is wada weheshane orda oo u yeedha riyihii saaxiibadiin ahaa.”

Laba idihii ka mid ah ayaa intay carareen riyihii u tegey oo ku yidhi  ”Libaaxu waxba innama yeelayee kaalaya, miyaydaan arkayn in uu iska cibaadeysanayo oo tasbiixsanayo.”

Riyihii waxay yidhaaheen: ”Tusbaxa uu libaaxu sitaa waxa uu ka samaysan yahay, miyaad eegteen?”

Laxihii intay is eegeen ayay yidhaaheen: ”Haa! waan eegnay oo tusbixiisu wuxuu ka samaysan yahay “Jiidh la taxay!”

Riyihii intay argagaxeen ayay cagaha wax ka dayeen. Ayaandarro, labadii laxood waxay ku noqdeen libaaxii oo idihii u taliyey, iyagana wuu raaciyey.

Qisadan iyaduna male-awaalka ah waxa loo soo qaataa in cadowgaaga qaarkii aad ka foojignaato. Xataa haddii uu kuu muujiso saaxiibtinimo waxa laga yaabaa in uu ku sirayo ama shirqool kuu dhigayso. Gabyaagii caanka ahaa ee Faarax Nuur, tuducyo uu lahaa waxa ka mid ahaa:

Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad

Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo

Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo

Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono.

 

4. 11         NINKII DHIGA DABIN DHAGAREED ISAGAA KU DHINTA

Sheekooyinkii habar dugaag ayaynu wali ku guda jirnaaye, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa bukooday libaax. Dhammaan habar-dugaag waxay isugu tegeen godkii uu ku bukay boqorkoodii si ay u soo booqdaan.  Waxa keliya oo ka maqnayd dacawadii oo aan iman. Yeygii oo doonaya inuu libaaxa iyo dacawada colaad kala dhex dhigo oo uu libaaxa ku diro dacawada, ayaa isagoo ka faa’iidaysanaya maqnaashaheeda libaaxiina maqashiinaya halkii ka yidhi : ”Dacawo uma hayso wax qaddarin iyo maamuus ah boqorkeena xanuunsanaya oo waa taa iska maqan!”

Dacawadii ayaa isa soo toogtay iyadoo hadalka intiisii dambe dhegta kaga soo dhacay, waxayna isha ku dhufatay libaaxii oo cadho ka muuqataa ku hamaahsaday. Dacawdii markii ay aragtay in Libaaxii ku soo maqan yahay oo ay halis ku jirto ayay tidhi ”Boqorow ii ogolow in aan sheego waxaan kaaga maqnaa.” Hadalkii bay sii waddoo waxay tidhi  ”Xayawaanka halkan isugu yimid mid kuu qabtay ma jiro waxaan ku maqnaa ee aan kuu soo qabtay!”

Libaaxii baa ku yidhi : ”Waa maxay waxaad ii soo qabatay?”

Dacawadii waxay tidhi ”Boqorow waxaan kuugu maqnaa wixii kaa daweyn lahaa xanuunkan ku haya. Markaan dhakhtar walba u tegey ee aan meel walba maray, waxa la yidhi wax qudha ayaa ka daweyn kara xanuunka boqorka haya dawo kalena loo heli maayo”.

Libaaxii wuxuu yidhi : ”Waa maxay dawadaa aad ii soo heshay?”

”Boqorow dhakhtarradii waxay caddeeyeen in cudurka ku haya dawadiisu tahay in aad hu wato harag diirran oo yey nolosha lagaga saaray” ayay tidhi dacawadii iyadoo damacsan in ay ka aar goosato yeygii ku diray libaaxa.

Libaaxii warkeeda maba hubsane intuu markiiba ku booday yeygii ayuu isagoo taagan haragii sarajoogga kaga diiray si uu u huwado.

Dacawadii markii ay aragtay yeygii waxa ku dhacay, ayay intay aad u qososhay yeygii dul tagtay iyadoo ku tiiqtiiqsanaysa. Waxayna ku tidhi  ”Boqorka xanuunsanaysa waxa loo sheegaa rajo caafimaade loolama tago dira-diraale iyo wax ka cadhaysiiya.”  Waxay intaa u raaciisay ”Waxaanad saaxiib yeyow ogaataa in qofkii qof kale dhagartiisa ka shaqeeyaa uu isagu lafahiisa ku dhagaroobayo. Horaana looyidhi booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaane mooyee!”

La soco qaybaha dambe…

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

Murti iyo Mahadhooyin, Q.22aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.21aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.20aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.19aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.18aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.17aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.16aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.15aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.14aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.13aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.12aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.11aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.10aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.9aad

Murti iyo Mahadhooyin,Q.8aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.7aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.6aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.5aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.4aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.3aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.2aad

Murti iyo Mahadhooyin, Q.1aad

Wixii talo iyo tusaale ah qoraaga ugu soo hagaaji bandhige@gmail.com