Qaad iyo Sigaar: Laba Quus ka dhigey Rejadeena (WQ: Mohamed Abdirahman).

Dunida guudkeeda Waxaa ku nool umado kala duwan oo leh dhaqamo iyo diimo kala gedisan. Waxa umadahaa mideeya oo kow ka ah Binu Aadamnimadda, waxa kale oo ay umadahaasi intooda maanka iyo aqoonta u saaxiibka ahi ka midaysan yihiin in wixii dhibaateynaya qofka caafimaadkiisa, bulshadda iyo dhamaanba wax kasta oo waxyeelo u keenaya xasiloonidooda, nabadooda iyo raaxo ku noolaan shahoodu in uu yahay wax mamnuuc ah oo aaney ogaleyn in lagu dhex isticmaalo laguna dhex abuuro.

Sidaas oo ay tahay Dunida maanta Muslim iyo gaaloba waxa la isla waafaqsan yahay in wax kasta oo Maandooriye ah, isla markaana Caafimaadka qofka iyo ka bulshadaba waxyeelayaa uu dhexdooda ka yahay Mamnuuc aan la isticmaali karin.

Waxa lagu jiraa loolan lagu dabar jaro isla markaana laga saaro aduunka .

Dunidu waxa ay soo saartey qawaaniin iyo amaro mamnuucaya in Sigaarka lagu cabo meelaha iyo goobaha dadweynuhu ku kulmaan, sida: suuqyadda, Meheradaha, Basaska dhexdooda ama gudaha gaadiidka Dadweynaha iyo meelo kale oo tiro badan.

Inaga hadaba, Somaliland maxaa aynu kaga duwanahay dunidda kale?, Miyeynu ka caafimaad Sareynaa? Iska dhaaf goobaha dunidu ka mamnuucday, e, Inaga Sigaarka waxa lagu dhex cabaa Goobaha Caafimaadka, Waxbarashadda iyo gudaha Guryaheena.

Intaas uun kuma dhaafnee Sigaarku wuxuu leeyahay Xayeysiis faro badan oo aan ku koobneyn Boodhadhka Hargeysa iyo Magaalooyinka kale laga taago, sidoo kale wuxuu leeyahay Baabuur ay ku shaqlan yihiin sawirka iyo fariimaha Sigaarku, waxa kale oo uu leeyahay Xayeysiis Garamaan ah, Waxa uu leeyahay Waxyaabo ay ku macneeyeen Bakhtiyaanasiib oo hadii aad baakidh sigaara aad iibsato abaalmarin laguu raacinayo !!, waa si dadku u sii daldalaan Suntiisa e. !!

Waxa isweydiin mudan mee damiirkii waxaa diidi lahaa, mee kii ka dhiidhiyi lahaa in lagu cabo goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo meheradaha cuntooyinka lagu sameeyo.

Sigaarku waa aafo waxyeeleysa Sambabadda Binu Aadamka, isla markaana dhibaatooyinkiisa in badan daraasaad laga sameeyey. Waxa la sheegaa in ay ku jiraan maadooyin badan oo caafimaadka qofka halis ku ah. Inaguna waxa aynu qaarkii ku dul-qornaa Sirtu waa Dhadhanka 🤔🤔🤔

Isla markii ay ogaadeen aduunyadu in uu khatar leeyahay waxa la isku dayey in la joojiyo oo gabi ahaanba la mamnuuco cabida sigaarka, Si kastaba ha ahaatee taasi suuro-gal ma noqonin, laakiin waxa la isku dayey in baakidhka sigaarka dushq lagaga qoro fariin sheegaysa in Sigaarku waxyeelo u gaysto Caafimaadka “Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa Caafimaadka”.

Fariintaasi iyaga oo Rag badani arkaya oo akhriyi kara, hadana uma joojiyaane Cudurka way qudh qudhiyaan.
Qodobka labaad ee Raganimadda Dhulka la dhacdey Damiirka inan ragna ka dhigay mid Dhoohani waa Qaadka.

Mala-awaalkeyga hadii aan qiyaas is idhaa inta bulshadda Somaliland qaadka cunta waxa aann odhan karaa 10 kii qof ba 6 ama 5 ka mid ah ayaa qaadka cuna, sababtoo ah qoys kasta oo aan laga qayilin ama aanu qof kamid ahi qaad cunin way iska yar tahay.

Waxa ugu weyn ee maanta Cidhiidhiga galiyey, qoysas badanna la burburaan waa qaad dartii, !Dhibatooyinka ugu badan wadanka ka dhaca waxa geystaa waa qaadka, Shilalka ugu badan ee daafaha iyo wadooyinka dalka ka dhaca inta badani waa shilal ka yimid qaad ama uu sababey qaad iyo qof in uun dhoohan oo balwadaasi Adoon u ah.

Iyadoo intaas oo dhami jirto hadana qaadku wuxuu leeyahay goobo iyo meherado u khaas ah oo lagu soo dajiyo dalkeena.

Wuxuu leeyahay Magacyo kala duwan oo ay raga qaadka cunaa ku macneeyaan in ay ka turjumayaan Dhadhankiisa iyo kala duwanaanshaha tayodiisa.

Magacyadda qaadka loola kala baxay ee lagu xayeysiiyo waxa ka mid ah: Jabis, Fujis, Dadar, Fayaan, Madhab, Malab leh, Kuruus iyo Channel Three oo lagu tilmaamo in ay cunaan raga maalintii shaqeeyaa.

Magacyadda waxa ugu hooseeya oo ugu liita Taajaradda oo inta badan ay cunaan kuwa jeebkoodu liito.

Inagoo og heerka burburka dhaqaale ee uu wadankeena ku hayo, ka qoysnimo ee uu keeno, Deegaanka iyo dhibaatada uu gaadhsiiyo, oo inta badan raga Dhuxusha shida lagu eedeeyo in ay qaad dartii dhirta qoyam u shodaan, Ragii rag ahaana sida uu xiniinyaha uga siibay, hadana cid juuq iyo jabaq leh arkimeysid oo leh qaadka waxaa iyo waxaa ayaa daawo ka ah, Xukuumadeena uma qorsheysna in mustaqbalka badelkiisa la helo ,.

Kol hadii aanay cudud buuran oo caadaadisa qaadku jirin, waxa aan ku talin lahaa bal in la dhimo xawaaraha ay baaburta qaadka sidaa ku dhex marto magaaladda, waxa kale oo muhiim ah in la mamnuucno Hoonka baabuurtaasi oo dad badan waxyeelo ku ah.

Waxa lagama maarmaan ah in lagu kordhiyo Cashuurta si kor uu ugu koco Sixirka Suuqa ee qaadka lagu iibsadaa, dabadeedna ay u yaraato Iibsigiisu ama inta awooda in ay iibsato.

“Hadii aad aragto Umad is ilowday, Ogow Way Daroogaysan tahaye “,

Sow ma cada in aynu umad ahaan ka dhoohanahay danaheena iyo horumarkeena wixii sababi lahaa in aynu ka shaqeyno?

Wabilaahi Tawfiiq