Qisadii: Ma ii Deyn karaysaa! (WQ: Cusmaan Abokor Dubbe)

Fanaan Caan ah oo ka mid ah horyaalka hoobalada qarnigan ayaa dhawaan ila soo hadlay markaas buu iga codsaday in aan hal-abuur ka sameeyo qiso isaga ku dhacday isla xiligaasna haysatay: Fannaanku wuxu la socday Hal-abuuro aan ka sameeyey dhawr qiso oo hore oo xiise lahaa oo ku dhacay dhalinyaro mucaashiqiin ah, hal-abuuradaas ama heellooyinkaas oo ay ka mid ahaayeen Ceelsheekh, Daraandar, Kiiloobatra, Marla’arag, uma Qalantid Caashaqa, iyo qaar kale oo badan.

Qisadii ayuuna ii bilaabay, waxaanu yidhi: dhawaan waxa aanu guur ku heshiinay inan aan calmaday ama doortay. Inantu quruxda, qiimaha iyo qaayaha waa hablihii qarnigii 19aad laga bixin jirey boqolka halaad, faraska iyo qoriga maadhiin yaraha ah, qarnigan 21aadna laga bixiyo 3 da Landcruser ee V8ka ah, 20 baloodh iyo 20,000 Dollar ee yaradka ah. Markaa waa inantii Qarniga. Haaaaa, waa war wanaagsan baan idhi: Haye! Markaa Goormaad is guursanaysaan baan weydiiyey aanu farxadda idinla wadaagnee, kuye hawshu way noo dhan tahay oo inkasta oo aan aabaheed iyo hooyadeed Weli loo sheegin haddana habalaha ay walaalaha yihiin way ogyihiin in hawshu ay tahay sararta gadaanka saaran ama Coming Soon. Waa war fiican baan ku idhi! Kuye war fiicani hadda ma jiro! Yaaa, Oo maxaa dhacay? dhibaato weyn baa igu dhacday kuye! Oo maxaa kugu dhacay baan weydiiyey? 

Wuxu yidhi Habeen dhoweyd aniga oo maqaaxi lagu caweeyo oo badhtamaha Hargeisa ah COFFEE ☕️ ka cabaya ayaa nin ii yimid!!! inyar ma ii soo kici kartaa kuye? Haa ee sug baan ku idhi kabaha ha la ii caseeyo’e! Intii baalashluhu kabaha ii keenayey ninkii oo il geeriyaad leh baa i dul-taagnaa! Waan u kacay, ninka ila hadlaya weligay maan arag! Yaab! Kuye sow hebel ma tihid? Haa ee isku kay sheeg Mudane baan ku idhi? Walaal ima-garanaysid buu si daciif ah iigu yidhi laakiin ma tahay ninka la sheekaysta inanta Muna la yidhaahdo? Naxdin weynaa!

Haddii adiga oo sheeko kuu socoto suuqa lagugu weydiiyo isla sheekadii naxdin ka weyni ma jirto e’, markiiba waxa igu soo dhacday tolow ma Muna walaalkeed baa! Ma inaadeerkeed baa! Ma Habar-wadaageed baa? Kolley dagaal buu kuu soo aadaye ma gacan baa mise waa qori iyo xabbad. Alla naftu cajab badanaa oo maskaxdu degdeg u shaqayn badanaa. Adigu maxaad ahayd? Isu kay sheeg dee? Anigu xumaan iyo ceeb inanta kulama hadlee! Maxaa dhacay, Maxaa lagu yidhi!!! Hadalo tiro badan oo aan is haysan ayaan akhriyey buu yidhi fanaankii saaxiibkay. 
Walaal wax kale ma jiraane waxan rabaa in aan kuu sheego, hee;

inkastoo Dareen iyo
Adba Dookha caashaqu 
Kolley Dabada kaa wado 
Naf i laba Diblaysiyo 
Laba Daran mid dooraa 
Igu kaa Diraysoo 
Dabayl baa i sidatee
Damac iguma kaa wado

Naf jacaylku Degeshaday 
Degey oo qalbiga Degey 
Dabran oo dibbowdoon
Dib u laambi karin baa 
kuu Dan sheeganaysee 
Dumar taan ka sahansaday
Biyo Dahab la’ mooddii
Deymada u roonayd 
Dawadaydi weeyee 
Ma ii Deyn karaysaa?

Maan ku fahmin ee far-waaweyn wax iigu sheeg baan ku idhi buu yidhi aniga oo yaabsan; kuye; walaal aniguna Muna sidaad u jeceshahay si kun jeer kasii badan baan u jecelahay! ee ma ii deyn karaysaa?

Erayadaasi markii ay afkiisa ka soo bexeen ayaa jaah-wareer igu dhacay, taladiina iga baahday, jawaab iyo fal-celisna aan waayey.
Waxad igula hadlaysaa baan ku idhi waa wixii raggu isku dili jirey, ee mardambe sheekadaas ha ii celin. Kaddibna Aniga oo arkaya ayuu oohin 😭qabsaday. Wuxu yidhi adigu inanta haddii aad weydo miyaad u dhimanaysaa? Geeri iyo dhimasho iyo waxaas maxaa meesha keenay! Muna waa mustaqbalkaygii baan ku idhi, kamana maarmi karo! kuye Adigu ma dhimanaysid ee anigu Muna waan u dhimanyaa haddii aan waayo. Dabadeedna
gadhka iyo labada lugood buu igu dhegey isaga oo i leh:

inkastoo Dab iyo Gaas 
Damac iyo rag kala yahay 
Misna Dunidan Waa kow 
Nin jacayl Daraaddii 
Doc ka weerarkii xaday 
U Deldelay naftiisee 
Doqonimo umaan dhalan
Mana waayin Dumar kale
Hayeeshee Danbaa tidhi 
Dil u qaayib caashaqa

Dembi kaama aan gelin 
Oo kuuma Daba marin 
Waanse kuu Dansheegtoo
Cilmi Caashaqii Dilay
Ayaa kula Dacwiyayee 
Dumar taan ka sahansaday 
Biyo Dahab la’moddii
Deymada u roonayd
Dawadayda weeyee 
Ma ii Deyn karaysaa?

Sheekadu halkaa marka ay marayso waxa igu lumay buu yidhi fannaanku jawaabtii, taladii iyo go’aankii. Waan iska dhaqaaqay, isna wuu iga soo daba dhaqaaqay, waxan wacay Muna si aan u hubsado warka ninkan;, 
Miyuu kuu yimi! Oo yaa kuu soo sheegay! Oo muxuu ku yidhi! Su’aalo wada wareersan markii ay igu wareerisay baan iska dhigay telephone kii ee wax ka dheh Abwaan buu hadalkii iigu soo koobay.

Arrintu hadda waxa ay taagan tahay Dembi kaama aan gelin, Oo kuuma Daba marin, Waanse kuu Dansheegtee, biyo-Dahab la’mooddii, ma ii Deyn karaysaa!

Haddaba bal maxaynu kula talinaa ninkaa saaxiibkeen ah ee gabadhii uu guursan lahaa naf kale u go’ayso?