Shacabkan la weeteeyay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waxaan hadhwanaagnews 27 October 2018 ku arkay dad shicib ah oo xamar lagala wareegay passport kii, maxaayeelay dal ku gal visa Somaliland ah ayaa lagu arkay,

Halkan Somaliland ayaad arkaysaa shacabkii oo Garoowe u qulqulaaya oo passport u doonanaya, waayo waa tii halkan laga xanibay, oo waliba hablo dhalinyar ah u badan, 1988 kii hableheena waxa la yidhi gob jabtay, imikana si kale ayay u jabeen, nin shaqaalaha oo kuwa damiirku noolyahay ee hudheelada darafka Hargaysa ka shaqeeya, ayaa  anoo aroor ka quraacanaya hudheelkaa igu yidhi, buses kaa habla yaryar ayaa wada saaran.

Bal ka warama inta qofwalba kharash qaadanaayo si uu u soo helo passport kaa, aniga waxay ila tahay in qolooyinkaa lagu naasnuujinaayo, garasho la’aan kama aha eh, waayo nimankan siyaasiyiintu siyaala badan ayay isu naasnuujiyaan, illayn waa isku hadaf eh, hadafkooduna waa sidii dadkan loo xukumi lahaa, loona mashquulin lahaa.

Magaaladaa ay u doontaan passport ka, nin u dhashay ayaa yidhi hudheeladan waxaan u samaysanay………………………… ………………………………kalmad aanan halkan ku qori karin.

Waxan la yaabay sida nimankan siyaasiyiintu shacabka u weetaynayaan. Weetayn, waxa la yidhaa marka qofka xoolaha raacaya, xoolaha jiif iyo joog u diido, oo kolba dhinac u eryo.

Hadaba waxaa is waydiinleh, yaa ka masuul ah dayac hablahaas kaligood socda, idinku hadii aad haysataan passport ajaanib ah, idinka iyo carruurtiinu  maad ka naxdaan hablihiina cidlada socdaalaya, oo xal u keentaa, laakiin si fiican ayaan u ogahay inaad bilaa naxariistihiin eh, laakiin dadkaan u sheegayaa naxariis daridiina.

Fariintan waxan u gudbinayaa inta wali damiirku noolyahay, dhagwaynta aan waxba ogayn ee ka dhigan, islaan jir hayaa in dadkoo dhan hayo ayay moodaa, iyo kuwa qurba jooga ah, waxa haysta maxastooda.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com