Shalay waad taageertay, maantana waad ka horjeeddaa: Fadlan na qanci! Q.2aad (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Waa sax dareenkiinnu, su’aashiinnuna, Alle hortii, waa xaq. Waayo waa run u qaawan sida cir aan caad lahayn oo Muuse Biixi ma aan taageerin oo qudha ee waxa aan ka mid ahaa dadkii bulshada malabka u marmariyey, dharka xariirta ahna ugu dul wadhay, una qurxiyey ee doorta ku lahaa xilligii uu xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka loollamayey (2015) ee murrashaxnimada madaxweyne ku shuqlanaa iyo markii dambe ee u diyaargarowga iyo ololaha doorashada lagu jirey 2016 – 2017. Kulmiye xubin kama ahayn wixii ka horreeyey October 2015.

Waa aynu ogaynoo dalku halis buu ku jirey maalmahaan oo hoggaamintiisu meel bannaan ayay maalinba maalinta ka dambaysa ku sii hoobanaysey. Doorasho la galaa iyo hoggaan cusub oo la soo saaraa waxa ay ahayd xalka ugu wanaagsan ee suurta galka ahaa, dad badanina taas bay qabeen.

Saddex murrashax iyo saddex xisbi ayaynu haysanney oo kala dooranayney, saw ma aha? Qofkii wax kale qabey ee aan inta la kala dooranayo doonahayn waa halkiisa, hase yeeshee sida qudha ee kaalintii hoggaamineed loo buuxin karayey waxa ay ahayd waddadaa sharciga ah loo maro oo saddexdaas xisbi ee jira uun lagu kala doorto.

Kulmiye ku biiriddiisa waxa igu dudduucay taageeradii aan Muuse Biixi u hayey ee xisbi ahaan siyaasaddiisa marnaba kuma qanacsanayn. Hoggaan isbeddel lagala shaqayn karo ha ka soo baxo ayaa muhiimadda ugu weyni ahayd.

Dhinaca saddexda murrashaxna waa run oo wax lagu kala doortaa ma badnayd, laakiin se waa in la kala doortaa. Doorasho kale ma jirin. Waxa la ina kala dooransiinayey “daratiyo kud iyo caal”, saw ma ahayn?

Anigu waxa aan ka mid ahaa intii “caalka” dooratay ee is tidhi dawo u raadiya oo iraab la dhaca, soona saara hoggaamin cusub, si loo awdo kaalintii dalka iyo dawladnimada ku bannaanaatay ee afka ku soo kala qaadday, kuna saabsanayd doorarkii hoggaaminta iyo madaxa sare ee madaxtooyada.

Saddex wax oo aan wax badan is dhaamin haddii lagu kala dooransiiyo oo aanad wax kale haysan, waxa laga naqaystaa ka kuugu muuqda in loogu qaatey marka dhinacyo badan laga eego.

Saddexda mudane ee Muuse, Cirro iyo Faysal ayay kala doorashadu ahayd. Faysal iyo Cirro waannu soo wada shaqaynay xilligii UCID ay wada maamulayeen, xisbigana aannu ka wada tirsanayn. UCID waxa uu ahaa xisbigii ugu horreeyey ee aan qaadhaan siiyo.

2003 waxa London qaadhaanka igaga qaadi jirey Axmed Cabdi Ciise oo markaas ka mid ahaa kaadirka UCID. Sida labadii xisbi ee kale (UDUB iyo Kulmiye) ma lahayn UCID saldhig iyo aasaas qabali ah markii hore. Taas buu kaga duwanaa labada xisbi ee kale, dad badan oo wax bartay oo dhallinyaro ahna bilowgii wuu soo jiitey.

Waxa aan si rasmi ah ugu biiray UCID 2007, waxanan goobjoog u ahaa markii Cirro iyo Faysal ay kala dhaqaaqeen aniga oo xubin rasmi ah oo UCID ah oo bixisa biiro ama ajuuro joogto ah (monthly subscription). Maalintaas ayaa UCID iigu dambeysey, Waddanina wuu cusbaayoo Cirro ayaa murrashax u noqday.

Muuse aqoon hore uma aan lahayn oo xilligii SNM isaga oo wax yar joogey (wax aan laba sano gaadhin) ayaan anigu deeq waxbarasho oo aan ka helay The Somali Peoples’ Vanguard Party oo fadhigiisu Cadan/Yemen ahaa ugu baxay The Czech Republic.

Sidaas ayaanan Muuse ula kulmin waagaas. Waxa la kulankiisa iigu horreysey 2016, dhawr jeerna waannu wada xidhiidhnay 2015 telefoon iyo Email ahaan.

Waxa aannu se kulamo yeelannay xilligii u diyaargarowga doorashada ee aannu barnaamijka siyaasadda qorayney 2016 iyo markii dambe ee ololaha lagu jirey ee 2017. Muuse waxa uu xilligaas iigu muuqday qof bisil oo dhegaysi badan, fiiro badan oo arrimaha kula rogrogaya, ahna sarkaal ciidameed oo laga quuddarrayn karo garashada iyo fahamka kala dambaynta iyo discipline-ka, taas oo ka mid ahayd arrimaha dawladnimadeennu xoogga ugu baahnayd.

Waxa uu noo muujiyey damqasho xaaladdii jirtey ku saabsan iyo yuhuun ah in arrimaha wax laga qabtaa in ay mudanta koowaad leedahay.

Waxa ay taasi sii xoojisey dareen aan hore u qabey oo ahaa inuu leeyahay waayo-aragnimo ballaadhan oo ku saabsan halgankii SNM iyo geeddigii dambe ee dib u nabadayntii iyo yagleelkii qaranka Somaliland, isaga oo aan habeenna meel uga dalandoolin (a real home grown politian) ilaa ugxantiisa uu dhulkiisa ku aastay oo ku aaminey, isaga oo aan waayin fursad uu dibedda ugu diro qaxooti ahaan.

Aqoonsigaas aan Muuse siiyey ee uu lahaa iyo baahidii dalka iyo dadka ee jirtey ee hoggaamin la’aaneed ayay igu laba-dibleysey in aan Muuse u daacad noqdo, kana mid noqdo dadkii tacabka geliyey soo bixitaankiisii.

Ama waa la maqan yahay
Ama waa la muuqdaa
Ama madasha lama tago.

Arrimahaasi waxa ay igu dhiirrigeliyeen in aan labada kale (Cirro iyo Faysal) oo UCID kala jebiyey aan Muuse ka doorto. In aan ka mid noqdo, waan ku celinayaaye, dadkii Muuse bulshada u qurxiyey ee malabka iyo sabiibta shakhsiyaddiisa u marmariyey, kulana taliyey bulshada, intii ay gaadhayeen, in isaga (Muuse) la doorto sababahaas iyo qaar kale oo la mid ah marka laga shiidaal qaato.

Macnuhu ma ahayn kuwa kale (Cirro iyo Faysal) col baa la la yahay, ama sida dadka qaar qabaan Jeegaanism, Hagbadism iwm aanay dabada naga wadin. Aniga iyo intii aannu isku rabaca ama gubniga ahayn motor-kaas ama engine-kaas kale ayaa na riixay.

La soco qaybta 3aad