Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka dhacay mise waxbaa u kordhay? Q.3aad (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Heshiiskii madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi.
Kala fogaanshihii Xisbiga Kulmiye, waxa uu xilliyada qaar qarka u saarnaa in uu burburo. Waxaase jiray indhasarcaad badan oo dadka badidiisu fahmi kari waayeen. Waxa ka mid ahaa markii loo xaabo guranayey shirweynihii Kulmiye ayaa waxa muuqatay in kooxdii Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis ay shirar qabsadeen. Shirarkaas oo la moodayey in aqlabiyaddii Kulmiye ay la socdaan ayuunbaa mar keliya la arkay shirkii oo furmay iyo kooxdii Mucaaradka ahayd oo intoodii badnayd shirkii fadhiyaan, aan ka ahayn tiro kooban oo ay ku jireen Cabdicasiis Sammaale iyo Xirsi Xaaji Cali. Shirkaasi waxa uu ku dhammaaday xaalad u eg, in aanay jirin tartan loo simanyahay, waxaase si sharaf leh u qabsoomay shirkii oo aan buuq iyo sawaxan toonna yeelan. Mar waxa la odhan karaa si fiican baa looga soo shaqeeyey marna waxa muuqan karta in meesha ay ku jirtay waxoogaa afduubid farsamaysan.

Xaalku si kastaba ha ahaadee, waxa goobtaa lagu doortay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa guddoomiyihii Kulmiye inuu noqdo qofka u taagan tartanka madaxweyne ee xisbiga Kulmiye. Dhinaca kale waxa bilaabmay dhaqdhaqaaq uu sameeyey Xisbigii ugu taageerada badnaa dhinaca mucaaradka, oo ahaa WADDANI. Xisbiga WADDANI waxa guddoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro oo isla markaana ahaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland. Waxa markiiba soo baxday dareen odhanaya dhammaan intii ka cadhootay shirkii Kulmiye waxa ay ku biirayaan Waddani, laakiin tuhunkaasi markiiba muu dhaboobin ee in muddo ah ayaa hadalhayntu jirtay. Waxaase markii danbe dhabawday in ay ku biireen Waddani dhawr xubnood oo ahaa wasiiradii iscasilay oo loogu hadalhayn badnaa Xirsi Xaaji Cali. Dadbadan ayaa filayey in Cabdicasiis Sammaale oo aad ula soo shaqeeyey Cabdiraxmaan Cirro xilligii baarlamaanka, uu ugu horreyn doonno xubnaha ku biiraya Waddani, taasi may dhicin ee Cabdicasiis waxa uu mardanbe si taxaddar leh u taageeray Muuse Biixi.

Isbeddeladdii Xisbiga WADDANI

Xisbiga Waddani, oo uu guddoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ka soo jeeday Xisbigii UCID oo uu la soo bilaabay, tan iyo Finland. Faysal Cali oo laba jeer ku guuldarraystay tartankii madaxweynenimo ee uu galay, ayaa la soo hordhigay in uu markan u daayo Cabdiraxmaan. Muran aad u yaab badnaa, oo buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo beelaysan dhaliyey, ayaa markii danbe ee la oggolaaday in la furo ururada uu samaysmay Ururkii Waddani. Murankaas ka dhexdhacay UCID waxa uu tusaale u ahaa, sida ay u burburi lahaayeen saddexdii xisbi ee la yidhi, mid kale ma jiri karo. Waxa lagu badbaaday go’aankii madaxweyne Axmed Siilaanyo ee lagu oggolaaday in la furo ururada siyaasadeed. Sidaa ayuu ku samaysmay Waddani, oo uu noqday mid hanta taageerayaal badan, oo markiiba ka taageero batay Xisbigii UCID.

Bilawgii Xisbiga WADDANI iyo Xaaladihii uu soomaray.

Soo bixiddii WADDANI u soo gudbay inuu noqdo Xisbi Qaran, dadbadan ayaa markii horeba sii saadaaliyey, halka inbadan oo kale ay filayeen in midkood soo baxayo ururkii XAQSOOR ee uu hoggaaminayey Xasan Ciise Jaamac iyo Ururkii UMMADDA ee uu hoggaaminayey Dr Maxamed Cabdi Gabboose. Sidaa awgeed ayaa taageerayaal badan oo Xaqsoor iyo UMMADA taageersanaa ku eedeeyeen Madaxweyne Siilaanyo in uu wax isdaba mariyey oo loo danlahaa in la soo saaro WADDANI. Waxa xusid mudan kacdoonkii ka dhacay magaalada Hargeysa, oo sababay dhimasho, sababtuna ahayd markii guddoomiyihii XAQSOOR uu aqbali waayey natiijadii guddida doorashooyinku soo saartay. Arrimahaa bilawgii dhacay, waxa ay u muuqdeen kuwo siinaya Waddani dhexdhexaadnimo siyaasadeed oo qunyarsocod ah. Waxa kaloo ka sii dhigtay siyaasad aan la saadaalin karin guddoomiyaha Xisbiga oo ahaa guddoomiye muhiim u ah Jamhuuriyadda Somaliland waana guddoomiyihii Baarlamaanka.

Muddo dheer baa la sugayey in uu guddoomiye Cirro u gacanbannaanaado Xisbigiisa oo u baahnaa habayn iyo u diyaargaroow mucaarad si ballaadhan uga dhexmuuqda siyaasadda dalka. Laakiin taasi uma suurto gelin bilawgii. Waxaase beryihii danbe isa soo taray in uu Xisbiga Waddani bilaabo mucaaradad xooggan, oo ku jihaysan xukuumaddii Axmed Siilaanyo. Waxaana bilaabmay xaalad kala guurguur ah oo u badatay waxa “Kulmiye ku soo biiray xubno ka soo digarogtay xisbiga Waddani iyo taa ka soo horjeedkeeda oo ah Waddani waxa ku soo biiray Xubno badan oo ka soo guuray Xisbiga Kulmiye.”

Isbeddelladii ugu mudnaa ee Waddani.

Shirweynihii Xisbiga Waddani oo la raagsaday ayaa qabsoomay, waxaana ku soo biiray xubnihii ka yimi Kulmiye ee uu hoggaaminayey Xirsi Xaaji Cali. Waxa shirkaas ka dhashay isbeddel siyaasadeed oo xubnihii shalay loogu hadalhaynta badnaa, ee mucaaradku isha ku hayeen ayaa ku soo biiray mucaaradkii. Waxa kaloo shirkaa ka cadhooday xubno muhiim ah oo uu ka mid ahaa guddoomiye xigeenkii Waddani ahaana musharrixii jagada madaxweyne ku xigeenka uga sharraxnaa xisbiga Waddani Axmed Muummin Seed ayaa ka baxay gebiahaanba Xisbigiisii Waddani.

Xisbiga UCID iyo jidkii dheeraa ee uu soo maray.

Xisbiga UCID waxa la odhan karaa waa mucjiso aan si fudud loo sharxi karin. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee laga aasaaso Somaliland, ilaa maantana waa uu jiraa oo joogaa. Intaaba waxa guddoomiye iyo musharraxba ka ahaa Faysal Cali Waraabe. Xisbiga UCID marka tartan la galo ma helo taageero weyn, balse ma dhaco oo waa soo taaganyahay. Maxaa la odhan karaa waa uu adeegsaday jiritaankiisa Xisbi ahaan. Waxaad mooddaa in uu Faysal keligii ku gorgortamo oo marka uu meel ku gaadho, haddana isbeddel buuq keena oo lagu kala dhaqaaqo ayaa uu guddoomiye Faysal ku soo hadhaa saaxadda Siyaasadda. Si yar looma faallayn karo, isbeddelada ku dhacay Xibiga UCID, dhinaca mucaaradnimadiisuna, waa mid ku kooban kolba sida uu Faysal wax u arko.

Waxa jira arrimo togan oo Xisbiga UCID uu kaga duwanyahay dhammaan Xisbiyada kale waa beelaysiga oo aad ugu yar. Inkastoo uu taageerada ugu badan ka helo deegaanka uu ka soo jeedo beel ahaan, haddana waa lala qaybsadaa oo maaha deegaan keligii u xidhan. Taasoi waxa ay u suurto gelisay inuu ka hadlo fagaarayaasha mar kasta cidduu doono ayuu si qaawan u duqeeyaa, waxbana looma sii raaco. Arrimahaasi waa wada yaab iyo yaabka yaabkiisa, waana Xibiga ugu da’da weyn maanta Xisbiyada jira.

Tartankii Xisbiyada Qaranka ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI 2017

Tartankii sannadkan dhacay, waxa uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa. Waxa la odhan karaa marka dhinac la iska taago waxa uu ahaa kii ugu quruxda badnaa sida dadku u soo baxayeen, heesaha, calamada, dallaayadaha iwm. Dhinaca kalena waxa la odhan karaa waxa uu ahaa kii ugu foosha xumaa, oo waxa lagu iidaamay qudbadaha hadallo aan wanaag lahayn sida Xisbiga Waddani Somaliweyn buu innagu wadaa iyo hoggaamiyaha Kulmiye waa dhagarqabe ah dagaalooge. Hadallada noocaas ahaa maaha kuwii looga fadhiyey laba Xisbi Qaran iyo hadallo kaloo farabadan. Waxa habboonayd in Xisbi kastaa ku tartamo waxa uu qabanayo iyo qaabka uu u qabanayo. Waxa intaa sii raacda kala qaybsanaan beelaysan oo aad uga dhexmuuqatay labada Xisbiba. Waxa taa ka badbaaday xisbiga UCID, laakiin sababo badan awgood taageero badan ma uu helin.

Tartankaasi waxa uu ku dhammaaday in Xisbiga Kulmiye ku guulaysto oo Guddoomiye Biixi uu noqdo madaxweynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland. Cirro oo ahaa mucaaradkii ugu adkaana uu ku qanco natiijadii guddida doorashooyinka. Sidaa awgeed wax dacwad ah lama geyn maxkamadda sare. Inkastoo qaabka oggolaanshaha Xisbiga Waddani, aanuu si toos ah oo aan madmadaw lahayn u aqbalin, laakiin nuxurkii qudbaddii Guddoomiye Cirro waxa ay ahayd mid aqbalaad buuxda ah.

Gebagabo iyo soo koobid.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka soo badbaadday dhibaatooyin badan oo Jamhuuriyaddii Soomaalida ku habsaday. Waxa ay go’aankii 18 Mey 1991 kaga badbaadday in Ciidamadii Maraykanka, Kanada, Talyaaniga iyo Faransiiska ee ay u dheerayd ciidamadii UN-ta ee Bakastaanida iyo kuwo kaleba ay ku joogeen Soomaaliya, waa ay ka badbaadey Somaliland. Kooxdii UNISOM iyo Itoobiyaankii dalka qabsadayna waa ay ka badbaaddey Somaliland. Burbur badan oo ka dhashay ururro iskhilaafsan oo diimeed sida Alshabaab iyo kuwo ka horreeyeyba saamayn weyn kumay yeelan. Inkastoo khilaafaad badani ka dhacay Somaliland, markasta waxaa lagu xallinayey wadahadal iyo isutanaasul, laga soo bilaabo 1996kii intii ka danbeysay.

Hay’adaha dawliga ayaa markasta sii xoogaysanayey oo gaadhay heer shaqaalaha dawladdu ay qaataan mushahar joogto ah. Ogow! mushahrka ay qaataan ma bixiso UN-tu ee waa cashuurta dadka laga qaado iyo waxoogaa jaabojaabo ah oo dhaqaale ahaan soo gala Somaliland. Waxa loo codeeyey Dastuurka dalku yeelanayo oo codka shacabka lagu meelmariyey, waxa la sameeyey Ururo Siyaasi oo tartami kara, si looga gudbo shirbeeleedyadii sagaashanaadkii lagu soo dhisay Jamhuuriyadda  Somaliland. Waxa si fudud oo lagu wada faraxsanyahay loogu wareejiyey Madaxwene ku xigeenkii Somaliland Dahir Rayaale kaahin jagadii madaxweynenimo, markii uu geeriyooday Maxamed I Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland.

Gobolada bariga oo la iskukhilaafsanaa siyaasadda Somaliland, ayaa muddooyinkan danbe si wadajir ah loo midoobay, inkastoo aanay dhammaystirnayn, waxaase muuqda isfaham. Dhinaca shacbigu waxa ay heleen nabadgelyo ay ganacsigooda iyo xoolahooda ku aamini karaan dalka gudihiisa. Waxa la odhan karaa sannad kasta tallaabo horumar ayaa u korodha Somaliland. Waxaase taa barbar taalla, maalin kasta in uu jiro buuq iyo qaylo siyaasadeysan, la yaabna maaha in la dhalliilo kolba maamulka jira, balse waxa aan loo baahnayn quusta ku salaysan wax xaqiiqada ka fog ayaa u baahan in aan dheg loo dhigin.

Nin wax diidayoon hayn, wax kaluu ka doorbido, wuxuu doonayaan jirin. Maansadii Dabataxan ee IHN Gaarriye.

Haddii dhaliishu ay xagjirnimo noqoto, oo qofka wax dhalliilayaa indhaha ka laliyo xaqiiqada jirta, baahida iyo xaaladda siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale ee bulshada reer Somaliland aan qof aan dareensanayn, dhibaatada uu isaga laftigiisu keeni karo. Waa qof Halbeegga uu sitaa, aanuu ahayn kii lagu cabbiri lahaa xaaladda Geeska Afrika. Waxaase jira dad aan dan iyo muraad ka lahayn nabadda iyo wada noolaanshaha hirgeliyey waxbadan oo qofka banii’aadamka ahi u baahan yahay. Markasta waa in aad eegtaa hareerahaaga waxa ka dhacaya, si aad u qiimayn karto waxa aad haysato.

Dalliilaha jira ee soo noqnoqda.

  1. Qabyaalad mise Qabiil, dadka qaarbaa kala qaada oo qabyaaladda uun ku sheega inay tahay dhibaatadu, ee qabiilka aan wax dhibi ku jirin. Qabiilka ayuunbnaa keena Qabyaaladda, sida looga bixi karaana maaha mid maanta inoo muuqata. Waxaase loo baahanyahay hay’ad baadhitaan samaysa si loo helo habka looga bixi karo. Si fudud maaha, oo haddii la yidhaa Xisbiyada ayaa lagaga baxayaa waa been, waase lagu yarayn karaa 40% waase haddii loo maro hab garaadka nabadtaliska ahi uu ku baraarugsanyahay, safka horena soo galo. Haddii qofkii wanaagsanaa beeshuu doonaba ha ahaadee uu xagga danbe maro, waxaad ogaataa in uu safka hore soo gelayo kii xumaanta waday ee aan waxba xeerinayn, ayaa beel kasta safka hore soo maraya, waayo waad bannaysay jagadii aad ku habboonayd.
  1. Madaxdhaqameedyada, oo noqday halka ugu daran in nin sheeganaya madaxdhaqameed uu soo hor istaago shaashadaha tvga oo yidhaahdo reer hebel haddaanu nahay xisbigaasaanu gallay!! miyaanay ahayn halka lagu sirmay ee baabi’naysa xisbiyada Qaranka. Haddii uu madaxdhaqameed yahay ha ku ekaado beesha uu duubka u sito, beeshiisuna, siyaasadda waa ay ku kala geddisnaan kartaa oo laba walaalo ah ayaa kala xisbi noqon kara, labadoodaba waxa uu u yahay Suldaan ama Ugaas ama Caaqil, sidee ayuu u odhan karaa reer hebel Xisbigaas ayey galeen!! Mustaqbalka erayada noocaas ah in la mamnuuco ayaa habboon.

FG: Qoraalkan dheer ee saddexda qaybood ahaa, waa uun aniga iyo xasuustaydii. Waxa aan ka cudurdaartay in aanan taariikhda ay arrimaha qaar dhacayeen qorin, taasoo u baahan baadhitaan sidan ka sii gundheer. Arrimaha iyo xaaladaha ay Somaliland soo martay waa ay badnaayeen, in wax laga qoro ayaa habboon waxaynu maraynaaa rubuc qarni in ka badan. Xukuumadda Somaliland waa inay qorshaha ku darsataa soo saaridda buugaag ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland.

Alloow Eex Ma Tiraabine Aqoon Haygu Cadaabin. 

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed Dhegey

24-12-2017 axad, Iswidhan.

Sooyaalka Somaliland laga soo bilaabo 1991kii ilaa Maanta 2017……Q. 2-aad (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)

Sooyaalka Somaliland laga soo Bilaabo 1991 ilaa Maanta: Ma waxbaa ka Dhacay mise waxbaa u Kordhay? (WQ: Sayid-Axmed Dhegey)