Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.4aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Aayaddan Alle waxa uu ku taxay tilmaamo dhowr ah oo midba meel muhiim ah taabanaysa, “Waa kuwa aan Ilaahay Alle kale la baryin. Ma dilaan naf, naftaaso xaq ina lagu dilo mooye alla goynteeda xaraatinnimeeyey. Mana sinaystaan, qofka sameeyaana dambi ayuu ku dhacay.”

Tilmaantani waxaa ay ka warramaysaa caqiidada qofka Muslinka ah, waa in addoonku garto in Alle yahay kaligii oo aanay jirin cid wax la wadaagta oo uu kali la yahay rabbinimadiisa, magacyadiisa, sifooyinkiisa iyo ficilkiisaba, oo ay tahay in addoonku dhabaysto oo rumaysto in Alle SWT, yahay kaligii ka wax abuura ee isagu mulkiya kuna  tasarrufa ee ay u dhammaystiran tahay daatooyinkiisa iyo ficilkiisuba wax walba og, wax walba koobay ee gacantiisa ay ku jirto boqortooyada iyo lahaanshaha kownku.

Baryadu waa is dhuldhig addoonku abuurihiisa gacmaha hoos hoorsanayo,  uu u ogsoon yahay in cid aan isaga ahayn wax yeeli karin waxna tari karin. Inta qofku Allihii baryayaa waa intu u dhow yahay. Alle SWT wuxu balan qaaday haddii addoonkiisu baryo inu u fulinayo dalabkiisaa, eeg suuradda Qaafir, “ Aniga i barya aan idinka aqbale.” Alle SWT isagaa ku leh i bari adna kolkaa in aad garab marto oo cid kale wuxu xaqa u lahaa la doonato maaha.

Sarreeye waa mid inoo dhow oo inooga baahnayn in aynnu sallaan u soo qaadanno si uu inoo maqlo, sida oo kale aan inna amrin in aynnu cid u sii marno oo ducada cid ugu sii dhiibno, suuradda Baqara wuxu innoogu sheegay, “Kolka ay ii kaa waydiiyaan addoomahaygu aniga u sheeg in aan u dhawahay, ka i baryayaa xilliga uu i baryayo.”

Wuxu inoo tilmaamay cidda ka maagta in ay isaga isku dhul dhigto inu meel daran gayn doono, suuradda Baqara wuxu ku yidhi Korreeye, “Kuwa iska waynaynaya baryadayda waxa ay galayaan jahannama iyaga oo dulaysan.”

Suubbanuhu wuxu inoo sheegay cibaadada la sheegaya in ay tahay baryada, “Ducadu waa cibaado.” Korreeye innaga ayuu su’aal inna waydiiyo wuxu inna yidhi, “Yaa ka dulmi badan qofka Alle sokadii cid kale baryaya?.” Dee waa cidna.

Qofku laba jeer addoon ma wada noqon karo, kol uu abuurihiisa xaqa ah uu yidhaa addoon baan kuu ahay iyo kol uu Jin ama wadaad lagu sheeg uu u addoomobo, oo uu u xil saarto ka arriminta hab-nololeedkiisa. Isaga oo baryo iyo addeecid isugu daraya cid aan Alle SWT ahayn.

Dadyow badan aqoon darro ayey ka tahay taa soo ay inna la gudboon tahay in aynnu wax u sheegno oo fahansiinno in cid la baryo Alle SWT u gobsan yahay una fulin og yahay baahidada. Se haddaad cid kale isku hawsho uu idin kala bixi doono maalinta Qiyaame na hoojin daran ku sugi doonto.

Tilmaanta labaad waa in aanay dhagarqabayaal ahayn dadka dhiigooda xalaashada, cidda xaq u leh in la dilo ee sharcigu oggolyahay waa halkeeda sida aayaddu caddaynayso se iyagu maaha qaar dadka iska laaya oo dhiigga Muslinku la fududyahay. Waxa ay ogsoon yihiin qofka dhiig Muslin kas u daadiya  in uu mutaysanayo cadhada Ilaahay, cadaabkiisa, kuna waarayo, sidaa ajligeed waa ay ka dhowran yihiin daadinta dhiig Muslim, sida oo kale gaal aan loo bannayn in la dilanna way iska ilaaliyaan oo gaal oo dhan in la dilaa ma bannaana, qaybo ayuu u qaybsamaa mid baana diliddiisu ka bannaan tahay waana ka dagaalka kugula jira.

Tilmaanta saddexaad waa ka dheeraanta sinnada Ilaahay sinnada ha samaynina ma odhan se ka dheeraada ayuu yidhi. Quraanku bushaaro weyn ayuu u tilmaamaya dadka sinnada ka dhowrsanaada, “Kuwa xubnahooda taranka dhawraa, waa kuwa waara, jannada Fardawsana ku waara.”Rasuulkuna waxa uu yidhi, “Yaa ii ballanqaaday in uu xaaraan ka ilaaliyo labadiisa lugood hoostoda aniguna aan janno u ballanqaadaa?”

Ujeedka sinnada Islaamku u diidaa waa in aanay ummaddu fadaro aan nasab lahayn noqon. dunida sinnada ubad ku kala dhashaa maanta waa ummad aan isir lahayn oo qofku aanu garanayn cidda dhashay oo uu is arko uun isaga oo guddaafad ama xero ku soo koray. Waxa aanay dhaxalsiisaa in uu noqdo axmaq bilaa naxariis ah, ileen naxariista aabbaha iyo hooyada ayaa laga bartaa iyo in aad tahay qof jirrid ka soo jeeda oo loo abtirinayee.

Ummaddu hadday ka dhowran waydo xumaha samaynteed waxa ay kala kulantaa jawaab aanay mahadin oo hadhow la eedo. Islaamku waxa uu oggolyahay in ilmuhu ku dhasho sifo sharci oo Alle SWT, oggolyahay oo ah meher. Laakin haddii uu yimaaddo mid dhowr qof sheeganayaan ama ay leedahay mid baa habeen ii yimid aanan dib u arag magaciisa iyo qabiilkiisana aanan garayn waxa ay keentaa uun waxa dunida horumarka lagu sheego ka haysta nasabkii.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.3aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.2aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

Tilmaamaha Addoomaha Alle, Q.1aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)