Toddobada loo hadheeyo (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.2aad)

Sifada Labaad

Qofka labaad ee hela hooska Rabbi waa wiil da’yar oo ku barbaaray tuugista iyo u toosnaanta dariiqa Korreeye. Da’yaridu waa; waayo aragnimo la’aan iyo nolol aad ugub u tahay arrin kasta oo ku hor timaaddana  goynteed.

Noloshu gedgeddoon ayey leedahay sida ay kugu dhaafayso aanad garanayn, waana sababta Rasuulku u leeyahay; ka faa’idee shan aad hayso inta aanay shan kale kuu iman……dhallinyaranimadaada inta aanad gaboobin. Fursado badan oo aad hayso kolka aad da’yar tahay ayaanad helayn maalinta aad gabowdo, waana jaanis u baahan in laga faa’ideeyo oo la dhugto oo la ogaado in maalinta qiyaame la iswaydiin doono wakhtiga lagu siiyey, waxaba sii yaab leh, in wakhtigii laba loo kala qaybin doono, noloshaada idilkeed mar lagu waydiin doono, mar kalena lagu warsan doono dhallinyaradannimadii wakhtigii lagu siiyey wixii aad ku qabsatay.

Islaamku dhallinyarada xilgooni ah ayuu iska saaray, si gooni ah ayuu u carbiyey, waxa uu ka dhigay rag jaanisyo badan la siiyo, iyaga oo yar ayaa la lahaa orda dunida Islaamka gaadhsiiya, iyaga oo saxaabadii waaweynaa jogaan ayaa dagaallada la lahaa hoggaamiya idinku, waxa aad arkaysaa jaanisyadaa sababta loo siinayaa in ay ahayd in ay sii carbismaan ogsonadaanna in ay hoggaan yihiin iyagu, waa raggii garabgalay Rasuulka ee u badnaa, Rasuulkuna aanu ilaawin, waa rag uu si gooni ah u ilaashanjiray, talooyin gaar ahna siinjiray si ay dabadii diintan u qaadaan.

Qofka da’yar ee xoog leh rabitaankiisa inta badan hagaya, kolkaa haddu doonistiisa xagga wanaagsan uu qaado wuxu ku hela  abaalgud san. Cabdillaahi ibnu Cumar ibnu Caas ayaa Rasuulka CSW u tagay sida ibnu Maajah soo saaray ee Albaani saxiixinayo, wuxu yidhi; Quraanka ayaan habeen kasta dhammayn jiray, ka dib ergaygii Korreeye ayaa loo sheegay, wuxu igu yidhi, “Waxa aan ka baqaya in cimrigaagu dheeraado, oo aad sidaa u kari wayde Quraanka bishi ba hal dhame.”

Cabdillaahi rabbitaankiisa wuxu ula kacay dhanka san iyo abaalgud doon uu Sarreeye  kaga rabay. Waxa jira doonis dhanka liidata loola kaco. Xadiiska Abu Umaama warinayo ee Axmed soo saaray Albaani na saxiixiyey, waxa ku sugan in uu Nabiga NNKH u yimid wiil dhallinyaro ahi, dabadeed ka dalbaday in loo fasaxo inu galmo xaaran ah sameeyo. Dabadeed ka waaniyey Suubbanuhu wiilkii isaga oo ugu hoga tusaleeyey in dadku ba yihiin sida hooyadii oo kale. Xagga waxa aad ka arkaysa in qofka da’da yari leeyahay dhiiranaan xataa lala badheedhayo rabbitaankiisa.

Dhallinyarannimada waxa badan in rabbtiaanku hoggaamiyo oo aanay garashadu horrayn, waana sababta galdalooladoodu u badan tahay, inta badanna dhacdhac nololeed looga helo, sababta oo ah noloshan uu ugubka u yahay ayaa u keenaysa in uu waxwalba is idhaa ka wardoon, taasana bohol aanu ka soo bixin ku ridda, halka wiilka ku toosnaada raalligelinta iyo ku sugnaanta addeecidda awaamirta Alle SWT badhaadhaha iyo abaalcelintaa keensatay in uu noqdo mid ka doorran asaagii helayana hadhkaa maamuuska leh. 

Sifada Saddexaad

Qofka saddexaad ee loo hadheeyaa waa qof qalbigiisu ku xidhan yahay masjidka. Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa “sujuud”, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT.

Masaajiddu waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado. Suubbanuhu wuxu inoo sheegay in masaajidku yahay boqcadda Korreeye ugu jecel yahay koonka, Xadiiska Aba Hurayra warinayo ee Muslin soo saaray, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.”

Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi─albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ weyn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sida oo kale lagu soo saaro jiilkii hoggaamin lahaa ummadda.

Maaha goob qofku karho oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn; hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa deggenaan, taa soo u keenta in uu ku soo noqnoqdo.

Sarreeye suuradda Nuur wuxu innoogu sheegay dad goor walba ku xidhan masaajidka iyaga oo haddana mashquulsan, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.”

Suubbanuhu wuxu inoo tilmaamay dhisidda masjidka in Rabbi ka abaaliyo qofka, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisaa jannada.” Eeg abaalka degdegga ah ee ku soo noqday durba. Adiga uun baa wax is taraya hubaashi. Haddii xilli walba lagaa helo masaajidka waxa aad ka mid noqon kuwaa Rabbi u hadheeyo.

Salaadaha faralka ah in lagu oogo masaajiddu kaliya maaha ajar iyo xasanaad ee dheeri la yaab leh ayey leeyihiin, Rasuulku NNKH, waxa uu yidhi, “Qofka u dhaqaaqa masaajidka in uu ku soo tukado salaad faral ah, waa sida qof soo xajay oo kale, qofka salaad sunne ah u gala masaajidkuna waa qof soo cimraystay oo kale ” Saxiix Aljaamic. Waxa yadna xusid mudan in qofka ku tukada masaajid salaad faral ah uu la mid yahay sida qof isla salaaddaa shan iyo labatanjeer gurigiisa ku tukaday sida suubbanuhu sheegay.

Xilliyada qaar ku tukashada masaajidda abaalcelin gooniya ayaa loogu bushaareeyey qofka oogaya, Rasuulku NNKH, waxa uu sheegay qofka tukada xilliyada qabow in uu jannada galayo. Culimadu waxa ay ku sheegaan xilliyadaa qabow, salaadda Subax iyo salaadda Cishaa’i.

Masaajiddu waa goob xasiloon oo qofku marka uu galo loo baahanyey in uu ku xasilo, oo deggenaansho nafsadeed ku dareemo, isna waxa mudan in aan tushuush lagu sii furin oo cidda masaajidda gacanta ku haysaa iyo dadka ku cibaadaysanayaa aanay ka dhigin xarun buuq. Maanta masaajiddada qaar waxa aad moodda goobo laga dagaalgalo, waana sababta qofku siduu ku galay kaga soo baxayo. Wadaad baa wadaaddo kale ku baacsanaya khudbaddii, mid baa qolo aan fadhiyin farriin hawada uga sii marinaya, waana sababta khudbaddoodu dadka u geli la’dahay, dadkiina intaa ay fadhiyaan karaahiyo dareemayaan. kolka salaadda laga baxana aad mooddo in bahalo eryanayaan sida albaabka loo boobayo.

Waxa aad arkaysaa dad maqaaxiyaha fadhiya khudbaddii oo socota kolka aad u fiirsatana salaadda uun is leh la rukuuca oo la sujuuda kolka la aqiimo. sababta oo ah khudbaddiisu wax allaala wax ay u kordhinaysaa ma jirto, taasanay ka door bideen dibadda in ay ka fadhiyaan. Alle SWT, waxa uu leeyahay, “Yaa ka gardarro badan qofka u diiday in magaciisa lagu xuso.” Qofka inta badan isagu ummadda wareerinayaa─waa mid Alle dagaal isugu diyaarinaya. 

Sifada Afraad

Tilmaanta afraad ee xadiisku ka hadlayaa waa laba qof oo dar Alle SWT isku jeclaaday, dar Allena u kala tagay. Maanta waxa badan in la isku jeclaado oo lagu wada socdo dano adduunyo: Laba siyaasad iyo kursi raadis ayey heshiis ku yihiin, kolka dantaa la gaadho ama way kala hadhaan ama dhexdooda ayey ka qaraxdaa. Kuwa kale mashruuc iyo soo ridashadii ayey ku wada socdaan, kolka uu idlaadana geesahaa la is geliyaa oo kuwii oo isnacdalaya ayaad arkaysaa. Qaar kale waa wadaaddo urur iyo mad’hab ku wada socdaan, kolka midkood leexdo haddaanay naarta gelin bidcoole iyo meel baas mare ayey ku sheegaan, laba reernimo ayey ku wada socdaan, hadday se sii kala faqmaan tabta basasha iyagaa foodda is geliya.

Laakin Ilaahay kuwu ka hadlayaa waa qaar intaa ka gun dheer─waa kuwo jacaylkoodu ku bilaabmo Alle dartii kuna soo idlaado isla Alle dartii. Maaha qaar dan kulmisay. Ha moodin qaar mashruuc wada eryanaya. Ha is odhan waa kuwo duulimaad kursi ku ah. Ha u fadhiyin in ay yihiin unug si hoose wax iskula og. Waa laba ku saaxiibay daacadda iyo ka amarqaadasha Korreeye kuna kala hadha hadduu midkood xayndaabkaa dumiyo.

Anas Bin Maalik ayaa waxa uu ka warramay dhacdo la yaab leh. Maalin ayaa nin u yimid Rasuulka NNKH, deetu waxa uu waydiiyey, “Goorta qiyaamuhu dhacayo?” Rasuulku uma jawaabin ee salaaddii ayuu u kacay, markii uu salaaddii tukaday, ayaa uu yidhi, “Mee ninkii Qiyaamaha wakhtigiisa ii waydiinayey?” Ninkii ayaa ugu jawaabay waa ii kan Rasuul Allow, haddana waxa uu waydiiyey, “Maxaad u diyaarsatay?” Ninkii ayaa ku halceliyey, “Jacaylka Ilaahay iyo Rasuulkiisa.” Nabigu ninkii wuxu u sheegay hadal aad u qiimo badan, “Qofku waxa u la jiraa cidda uu jecelyahay, adiguna cidda aad jeceshahay ayaad ka ag dhawaan.”

Ilaahay saddexjeer oo uu ka warramay saaxiibtinnimada waxa uu uga warramay si gundheer oo tilmaaysa xagga ay isla jiraan, sida ay isu hodaan, sida maalinta qiyaame ay isugu shafeeco qaadaan iyo sida ay isu eersadaanba.

Alle SWT, waxa uu yidhi, “Saaxiibbadu maalinta Qiyaame cadow ayey isku yihiin, kuwa iimaanka laga helay mooyaan e’.” Sababta ay cadawga iskugu yihiinna waa in ay is eersanayaan oo midba leeyahay kan kale ayaa isoo galaaftay.

Ilaahay SWT, waxa uu ka warramayaa mid isna jahannama ku jira oo xaggaa ka soo calaacalaya, warkiisi waxa uu noqday, “Ma aanan helin cid ii shafeeco qaadda, saaxiib igu dheerna ma haysan.”

Korreeye waxa uu inooga warramay maalin mid guuldarraystay oo cadaabta ku jiraa gacmihiisaa eersan doono, “Maalinka kii dulmi falaha ahaa gacmihiisa eersanayo─leeyahay guuldarradaydee maan Rasuulka xigto ka dhigto. Maxaan hebel sokeeye uga dhiganayey.” Waa mid hoday oo siduu u sii shalwinayey jahannama afka u soo geliyey, kaa ayaa uu ka calaacalayaa oo u maanta eersanaya, se waa goorma?

Marka la joogo banka isla-xisaabtanka ee qorraxdu cidna aanay dallaalnimaynayn ayaa Alle odhan doonaa, “Aaway kuwii dartay isku jeclaaday, maanta hadhkayga ayaad helaysaan.”

Saaxiibka aad jeclaanaysaa waxa u shardi ah in aad dar Alle u jeclaanayso Haddaad u jecesahay isku reer in aad tihiin oo u inaadeerkaa oo cid kuugu dhow yahay dartii aad u jeceshahay, ogobey adigaa liiskaa iska saaray. Haddii u yahay nin dan idinka dhaxayso oo jacaylka aad sheeganaysaaba danaysi yahay kolka dantu idin kala dhammaatana aydaan is aqoon, shuruudahan la sheegayo kuma jirtid e, ogsonoow.

Waxa mudan in la ogsonaado in saaxiibku yahay marba ka meel kuu kaxeeya, maalinna bohol kugu rida, maalinna dariiq la mahadsho kugu haga. Kolkaa inta aanad xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen aanad calaacal miciinsan waxa habboon in aad iska hubiso cidda aad la saaxiibayso, uguna horraysiiso saaxiibkaaga aad jeceshahay sababta aad u jeceshahay waxa ay tahay. Haddii dar Alle SWT, aad u jeceshahay waa in aad ogsonaataa in aad helayso hooskaa Alle SWT ballanqaaday, haddiise dano kale jiraan Alle qalbiyada waa daalacdaa ee ogsoonow. 

Sifada Shanaad

Tilmaanta Shanaad ee xadiisku ka hadlayaa waa nin gabadh qurux iyo mansab leh u yeedhay dabadeed ku yidhi Alle ayaan ka baqayaa sidaana kaga dhowrsanaaday. Iyada oo laga wada simanyahay u nuglaanshaha dumarka ayaa haddana raggu uga sii xagjirtaa in ay ku dhacaan bohol kasta oo xaggaa u sii jiidi karta. Inta badan raggu iyagaa faduusha iyo doonista dumarka ku horreeya, bal ka warran gabadh iyadii nin soo doonatay, waliba laba uu qofku asal ahaantii aad u jecelyahay haysata lacag iyo qurux.

Tusaalaha ugu qiimaha badan ee xadiiskan maragga u ahi waa warkii Alle ka soo guuriyey nabi Yuusuf iyo gabadhii uu gurigeeda uu joogay. Inta ay albaabada u xidhatay ku tidhi kaalay ila sinayso; gabadhu waa gabadh wasiir qabo, lacag, magac, qurux iyo awoodna leh. Nabigu waxa uu ugu halceliyey Ilaahay ayaa aan ka baqaya. Haddaa garoo ninkani waa nin la soo iibsaday, oo gabadhani isaga leedahay, waxa ay kala dooransiisay jeel iyo in uu la sinaysto, waxa uu ka doortay jeelka in uu galo inta uu sino ku dhici lahaa. Wiilkaa yar ee guri aanu lahayn joogay waxa uu tusaale u yahay xadiiskan ku dhaqankiisa. Waliba isaga doonis oo kaliya ma ahayn ee khasbidna waa ay ku jirtay, haddana wakaa leh jeel ayaan ka doortay waxaa aad iga doonayso.

Rabbitaan la innagu dhex abuuray ayaa ah imtaxaanka la innagu imtaxaamayo, sida aynu ka yeelno, in rabbitaankaasi inna hoggaamiyo iyo in garaadku inna shaqeeyo. Haddii rabbitaanka innagu dabarno oo doonistiisa meel ku xidhno oo garashadu ka horrayso hubaal waxa abaalcelinta Rabbi SWT, noqonaysaa maalintaa la balanbalayo in mid dallaalaysta aad noqotid.

Tilmaamaha dadka iimaanka laga helay Alle SWT, kolku sheegayey waxa uu ku daray liiskaa lab iyo dheddiga ka ilaaliya xubnahooda taranka in ay xaaraan ku dhacaan in ay ka mid yihiin dadka dhab ahaan iimaanka u leh. Waa bushaaro aad u weyn oo qofkii la leeyahay waar darajadaa ayaad ku helaysaa in garaadkaagu ku shaqeeye dhawrsanaanta ku dedaal.

Quraanku mar kale haddana bushaaro weyn ayuu u tilmaamaya dadka sinnada ka dhowrsanadaada, “Kuwa xubnahooda taranka dhawraa, waa kuwa waara, jannada Fardawsana ku waara.”Rasuulkuna waxa uu yidhi, “Yaa ii ballanqaaday in uu xaaraan ka ilaaliyo labadiisa lugood hoostoda aniguna aan janno u ballanqaadaa?”

Nin gabadh qurux iyo mansab leh u yeedhay dabadeed ku yidhi Alle ayaan ka baqayaa, mar kale weedhaa u fiirso muggeeda, yaa diidaya oo aan waxa ay doonayso u samaynayn, waa qofka iimaankiisu dhammaystiran yahay uun baa intaa laga helaya, markaa waa in lagu dedaalo in la ogsoonaado iimaanka iyo kolba sida uu kuu yahay, xidhidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeya inta uu hagaagsan yahay dhowrsanaantaadu waa mid hubaal ah, se maalinta sagsaag yimaaddo halis ayaad ugu jirtaa bohol kasta oo shaydaan kuu dhigo in aad ku dhacdo, waydaaratana hooskaa Alle kuu ballanqaaday.

Sifada Lixaad

Timaanta  lixaad ee xadiisku ka warramay waa qof sadaqo sadaqaystay oo qariyey ilaa gacantiisi bidix ka ogaan weyday waxa ay bixisay gacantiisa midig. Ilaalintaa uu ilaaliyey in aanay cidi ogaan wax bixintiisa ayaa uu ku helay hooskaa Alle ku galladay.

Sadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddaanu saliidda iska badalin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada ee marka dambe wuu is duqeeya, sida oo kale sadaqadu waa dambigii qofku sameyey oo uu iska bixiyey, waana ta uu Alle SWT leeyahay, “Ka qaad xoolahooda qayb, si ay iskugu daahiriyaan, una ducee.” Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso, marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco.

Sadaqadu waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya, mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo is jeclaysii, qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii, wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisi meel kale ka tagin waana ta uu Rasuulku CSW ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad ina Jamal Rc, “Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.” Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday.

Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay unbaad ahaan, Rasuulku CSW isagoo muujinaya in sadaqadu aanay qofka mid musalaf ah ka dhigin wuxu yidhi, “Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.”

Haddaad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan baa ku soo geli, sida oo kale inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in ku barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya ayaabu yidhi, “Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya inay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.”

Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diidan yahay, se waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta lagu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, balse ay tahay imtaxaan lagugu eegayo, sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono.

Sadaqadu waxa ay ka qayb qaadata cimri dhererka; marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho, Sidaasu Rasuulku CSW u lahaa, “Sadaqadu cimriga way dheeraysa.”

Haddii sadaqo aynu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada? Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix.

Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.

In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, kana dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan. Alle SWT isaga oo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, “Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxa aad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle inoogu naxariisto.

Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

Sifada Toddobaad

Qofka toddobaad ee helay  hooska Alle SWT, waa qof isaga oo kaligii jooga Alle xusuustay oo ilmeeyey. Qofkani kaligii ayuu Alle SWT, xusuustay weynidiisa, abuurtiisa, makhluuqadkan uu abuuray ee saacad isku khaldamayn, dunidan siduu ugu talagalay u wada socda, Allahaa kolka aad xusuusato maxaad dareentaa? Kaligaa inta aad meel u baxdo ma u fiirsataa cirka, buuraha, dayaxa, cadceedda oo ah ayaadaha la arko?

Alle oo kali ah inta aad xusuusatay ma is waydiisay adiga iyo Allahaa xidhiidhka idinka dhexeeya sida uu yahay, waxa aad ka filayso maalinta aad hortagayso, waxa aad u sii diyaarsatay la kulankiisa, intaa kolka aad is waydiisay maxaad dareentay?

Inta aad meel bannaan ah u baxday keligaa ma xusuusatay Alle SWT, deeto ma ilmaysay  oo ma u ilmaysay jacayl aad u qabto la kulankiisa, in uu kaa yeello kuwu raallida ka yahay. Ma ilmaysay oo ma u ilmaysay keligaa Ilaahay dartii?

Astaamaha dadka iimaanka laga helay waxa ka mid ah sida Quraanku sheegayo, “Dadka iimaanka laga helay waa kuwa kolka Alle la xuso qalbigoodu dabco, kolka lagu dul akhriyo aayadahana iimaanku u kordho, Allahoodna talasaarta.”

Abu Hurayra Suubbanuhu waxa uu ka wariyey in uu ka warramay qof Alle dartii u ilmeeyey iyo abaalcelintiisa, “Naar ma taabato qof Alle dartii u ilmeeyey.” Tirmidi baa soo saaray. Sida oo kale Cabdillaahi Ibnu Cabbaas waxa uu sheegay in Rasuulku yidhi, “ Laba indhood cadaab ma taabato….il u ilmaysay Ilaahay dartii.” Tirmidi.

Jacaylka Ilaahay haddii aad waligaa raadinaysay xadiiskan sugan Suubbanuhu waxa uu yidhi, “ Majiro waxqabad Alle dartiisa laga jecelyahay…il u ilmaysay Alle SWT dartii, wax Alle ka jecel yahay ma jirto.”

Quraanka waxa dhagaystay wadaaddo Kiristaan ah, markii ay dhagaysteen ayey ka falceliyeen markiiba, hadalladii ay ku falceliyeen Ilaahay SWT, Quraan ayuu ka dhigay. Alle SWT, waxa uu yidhi, “Markii ay dhagaysteel hadalkii lagu soo dajiyey Rasuulka (Quraanka) waxa aad arkaysay indhahooda oo ilmadu ka qubanayso, garashadii ay garteen xaqa dartii, waxa ay yidhaahdeen; Allahayoow waa aannu ku rumaynay, ee noo qor in aanu ka mid kuwa maragga kuu ah.” Wadaaddadaa markiiba iimaanku qalbiyadooda ayaa uu saaqay, garashadii iyo fahankii ay xaqa fahmeen dartii, dan kale ma ay eegin ee xaqii ayey raaceen. Kuwaasi waa kuwo dhab u ilmeeyey.

Gun iyo gunaanad waxa mudan in intaqofku kali u baxo xusuusto Ilaahay SWT, deeto aad u ilmayso jacaylka aad Allahaa u qabto, la kulankiisa jeclaysanayso, Quraankiisa kolka aad akhrinayso aad ilmayso, kolka lagu yidhaa Alle ka baq aad ilmayso oo aad joogsato, ogsonaatana inta aad kaligaa u baxayso ee aad Alle SWT xusuusanayso in aad ka mid tahay astaamah dallaalnimada keena maalinta aan hadh jirin.

Hoos ka akhri qaybtii 1aad

Toddobada loo hadheeyo (WQ: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad)