Waddo Halaq! (WQ: Xamse Cumar Kujoog)

“Haddii aad rabto inaad Bulsho burburiso, Qoyska weerar, Waxbarashada dhaawac, Haldoorka ka dhaqaaqayana hiif oo haaraan” Hadal xikmad ah oo hore loo yidhi.

Bulsho kasta sida in badan oo dhiskeeda u taagani ay u jirto, ayaa in kale oo burburkeeda iyo duminteeda ku fooganani ay u jirtaa. Inta burburka iyo duminta ka shaqaynaysaana mararka qaar laga yaabaa in aanay islahayn wax xumeeya se ay ula ekaatay waddada ay ummaddooda ku burburinayaan mid toosan oo wax lagu hagaajin karo, sidoo kalana waxa dhici karta amaba jirta qayb u badheedha dumintaas, hase yeeshee isha aqoonta iyo waayo-aragnimada ayaa kala saaraysa dhiska iyo duminta.

Sideedaba dhisku waa uu ka adag yahay duminta, muddo dheer wax la dhisayay ayaa waxa laga yaabaa in daqiiqado kooban gudahood lagu dumiyo, sidaas awgeed, ayay waajib tahay in mar kasta ilaalo iyo badbaadin lala daba joogo wixii wanaagsan ee la dhisay.

Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa kolka la rabo in bulsho dhisan oo hagaagsan hilfaha loo laabo, jiritaankeedana la saqiiriyo meelaha ugu fudud ee laga soo geli karo, waa meelo ku fudud duminta, waa se meelo aad ugu qaali ah uguna culus bulshada. Meelahaasi waa saddex meelood oo mid waliba ay mudan tahay in qormo u gaar ah laga diyaariyo, se intii karaanka ah waxa aynu isku dayi doonnaa in aynu soo koobno, waxa aynu si faahfaahsan isha u marin doonnaa saddexdaa qaybood ee aynu ku ballaysinnay qormada ee kala ah Qoyska, Waxbarashada iyo Haldoorka ummadda.

Haddaba si aynu hoos ugu dhaadhacno, nolosheennana aynu u barbar dhigno, waxa inta kharribka iyo duminta bulshada ka shaqaynaysaa ay maraan waddooyinkan soo socda:

  1. Qoyska: Qoysku waa xuddunta bulshada, waa halka ummadi ka dhisanto, qoys la’aantiina qaran iyo qof midna ma jiri karo, haddaba xumaan oogayaasha iyo inta ku bahawday duminta bulshooyinku waxa ay dagaal cir iyo dhul ah la galaan qoyska iyo sidii loo kala firdhin lahaa, qoyskuna sii kala muhimsan’e waxa ay dagaalka intiisa u badan ku jiheeyaan hooyada oo ah bud dhigga qoyska, waxa ay gaadhsiiyaan heer ay hooyadu ka xishooto sheegashada in ay hooyo tahay.
  2. Waxbarashada: Ummad kastaa si ay usii jirto, timaaddo fiicanna u yeelato waxa ay dhisataa manhaj waxbarasho oo soo saara jiilka ay ummaddaasi doonayso inuu mustaqbalka la wareego, manhajkaasna waxa loo carbiyaa ciddii ubadkaas maskaxdooda ku beeri lahayd oo ah macallinka, kolkaa si loo wiiqo jiritaanka ummadi leedahay waxa ay bahda ku foogan duminta ummaduhu la wareegaan manhajka oo ay nuxurka ka siibaan, sidoo kalena waxa ay liidaan oo hoos u dhigaan macallinka, waxa ay gaadhsiiyaan heer aanu wax qiimo ah ku dhex yeelan bulshadiisa, waxa ay dhaxal siiyaan in ardaygiisu aanu u arag inuu wax yahayba.
  3. Haldoorka ummadda: Cid kasta oo dunidan ku nooli waxa ay leedahay haldoor ay ku hirato, haldoorkaasi waxa uu u yahay ummaddiisa iftiin u baxaya oo inta kale ee bulshaduna ay ku dayato, jiil kasta oo ummaddaas u kacayana waxa la baraa dadkaas halyeeyada ah ee ummaddooda u kacay, waxana ay u noqdaan inta soo kacaysa himilo ay hiigsadaan. Haldoorrada ummad kastaa waa Culimadeeda, Aqoonyahankeeda iyo Xeel dheerayaasheeda.

Si haddaba ummaddaas loo jebiyo waxa haldoorkeeda lagu sameeyaa magac dil iyo maamuus ka xayuubin, si qiimahooda loo wiiqo, bulshadana loogu muujiyo in aanay mudnayn kaalinta hoggaamineed ee ay joogaan waxa loo isticmaalaa qaababka cayda, xajiimaynta iyo in ceebo loo raadiyo.

Kolka aad haddaba bulshadeenna dib u milicsato waayaha nololeed ee ay ku jirto waxa kuu bidhaamaysa in muddo aan yarayn, si aynaan dhaadayn looga shaqaynayay burburkeenna, waxa aynu qiraynaa in dagaal adag lala galay qoyska soomaaliyeed, waxana muuqanaysa in la abbaaray Hooyada oo ah xuddunta qoyska, waxa maanta boqollaal ha’ayadood iyo inta la shaqaysaa ay ku hawllan yihiin sidii gabadh kasta qoyskeeda looga soo saari lahaa, waxa xaqiiqo ah marka laga yimaaddo inta dantu soo saartay in kumannaan kale laga shaqeeyay sidii hir beena loogu maaweelin lahaa, waxana laga dhaxlay in maanta bulshada lagu arko malaayiin haween ah oo ka xishoonaya in ay ku faanaan Hooyonnimo.

Dhanka kale waxa qof kastaa qirayaa manhajka waxbarasho ee maanta bulshadeennu leedahay, ubadkeennana loo dhigaa inuu yahay mid aan wax tayo ah lahayn, sidoo kalena waxa muuqata in diyaarinta manhajka waxbarasho aan kolka horeba laga lahayn wax ujeeddo ah, sidaas si la mid ahna aan laga fekerin in la diyaariyo manhaj soo saaraya qofka aynu doonayno, waxa arrinkaas caddayn u ah in dugsiyo badan oo dalkeenna ku yaallaa ay leeyihiin ama soo ergistaan manhaj dal kale laga leeyahay, waxana magaalooyinkeenna lagu carbiyaa ubad maskax ahaan loo dhisayo dalal aan ahayn dalkeenna. Isla jeerkaasna waxa bulshadeenna ku dhex dulman baraha ama macallinka ubadkeenna wax bara, iyaduna waa qiraal in aynaan qiimayn barayaasha dugsiyadeenna wax ka dhiga, macallimiinta dalkeennuna marka la barbar dhigo inta kale ee bulshada waxa ay badankoodu ka tirsan yihiin dabaqadda hoose ee bulshada, dawlad daryeesha, waalid qiimeeya iyo arday uu macno ugu fadhiyo ayaa yar haddii uu jiraba.

Ugu danbayn waxa aynu hadh iyo habeen ka warqabnaa dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee lagu hayo haldoorka bulshadeenna, Culimo la caayayo iyo Aqoonyahan la hagardaamaynayo intee in le’eg ayaynu ku aragnaa saxaafaddeenna iyo baraha bulshada? Qiime tirka haldoorrada ummaddu waa ta keentay in qof kastaa ka hadlo wax aanu aqoon u lahayn, waa ta inna dhaxalsiisay in qof kastaa uu muran iyo anigana waxa ay ila tahay geliyo arrimo xasaasi ah oo aan ra’yi geli karin, sida arrimaha Diinteenna suubban, caafimaadka, dhaqaalaha iyo wax kasta oo aqoon iyo xeel dheeri u baahan.

Haddaba marka bulshada inta haldoorka ah ee Culimo iyo Waxgaradba leh iyagoo nool maamuuska laga qaado, waxa looga dhaadhacaa in ay dad liita oo maangaab ahi ay bulshada cumaamadda u duubtaan kaddibna ay meel baas kala dhacaan, ummadduna ay afwaynta goosato.

Bulsho ahaan waxa innagu waajib ah in aynu samaha difaacno, xumahana bushinno, in inta samaha iyo wanaagga ummadda wadda aynu garab istaagno, inta xumaanta, xiqdiga iyo duminta ummadda ku fooganna aynu yur iska nidhaano.

W/Q: Xamse Cumar Kujoog

Hkujoog@gmail.com 

Waan hayaa dawadii (WQ: Xamse Cumar Kujoog)