Warsidaha Somaliland News Bulletin oo daabacaaddiisu bilaabantay

Somaliland News Bulletin waa warside shan maalinle ah oo ay si joogto ah u soo saari doonto wakaaladda wararka Somalland ee SOLNA, waxaanu ka kooban yahay laba warside oo ku soo kala bixi doona Soomaali iyo Ingiriisi, waxaanu akhristeyaashayadu ka heli doonaan qaab elektaroonig ah (PDF), waxaanu soo bixi doonaa war-sidaha Soomaaliga ahi Sabtida illaa Arbacada.

Warsidaha Ingiriisiga ah wuxuu soo bixi doonaa Sabtida, Isniinta iyo Khamiista toddobaad kasta, waxaanay labadaas warside ay akhristeyaashau soo gudbin doonaan wararka iyo macluumaadka JSL iyo adduunkaba oo ku salaysan xaqiiqo iyo xirfad saxaafadeed.

AKHRI Warsidaha Somaliland News Bulletin