Wax ka baro noocyada garta iyo nidaamkii xeer-beegtida dhaqanka soomaalida, Q.2aad (WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye)

Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka soomaalida waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.
Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto.

Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa “waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin aan garaw baranini gar ma barran”.

Waxa kale oo iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “Gadh-ba gadh baa la tusaa”.

Waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”.

Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa”, isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”.

Ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, War-gal ma aha”, “Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay.

Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray “farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”…

Qaybtii hore hoos ka akhri:

Wax ka baro noocyada garta iyo nidaamkii xeer-beegtida dhaqanka soomaalida, Q.1aad (WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye)