Wax ka baro noocyada garta iyo nidaamkii xeer-beegtida dhaqanka soomaalida, Q.3aad (WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye)

Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray “farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”. Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah….
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna
wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey, dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi ”

Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Waxa kale oo la sheegay inay laba nin oo uu mid markaa ahaa suldaan ay isku qabteen saldannada reerka, ka dibna sida igu maqaalo ah waxay isula tageen Ina-Cabdulla Xasan, dabadeedna Ina-Cabdilla Xasan ayaa ugu horayn labadii nin maalin casuumay, ka dibna labadii nin ayaa mid sii kaxaystay 100 nin oo isugu jira reerkiisa iyo reerihii kale ee la yaalayba, halka uu kii kalena keligii casuumaddii tegay, dabadeedna Seyidkii baa ninkii keligii yimi ku yidhi “Dhaharow maxaynu ka wada hadlaynaa waxa kaa madaxsan ninka dadkiiba dareersadaye”, sidaas ayeyna labadaa nin gartoodu ku dhamaatay.

Sidoo kale dhacday inay laba nin oo sida la sheegay Ciise ahaa ayaa mid ka mid ahi maroodi dilay oo dhaawac u geystay , ka dibna nin kale oo Ciise ah ayaa dhiigii maroodiga ka daatay raadkiisa raacay, dabadeedna wuxuu u tegay maroodigii oo aan waxba la noolayn, ka dibna wuu dhaawac-tiray oo sidaa ayuu maroodigii ku qudh baxay , laakiin labadii nin ee midna maroodiga dhaawacay, midna dhaawac-tiray ayaa dacweeyey oo xeer Ciise isla galay iyaga oo sida la sheegay geedkii 1aad ilaa geedkii 12aad isla maray, dabadeedna oday ka mid ahaa raggii geedka fadhiyey ayaa arintii loo sheegay, odaygii baa yidhi, “Sow tii la yidhi Maroodiga durdur mooyee dar ma deeqo, oo duur mooyee dureemo ma qariso, oo nin makala (qudh-jara) mooyee nin mudaa ma dilo”.

Ka dibna gartii sidaa ayey ku dhamaaatay, laakiin sida aan sheeko ku maqlay odaygii markii uu gartii sidaa ku dhameeyey ayey naftii ka baxday oo sidaa ku dhintay, waxaana la yidhi waxa halkaa ku baxay halkudheg la magac baxay “Nin malaggii galay iyo mamaasan (Qabiil) u gal”.

Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
Sidoo kale waxa dhacda xiliga dagaalada in nin colka labada dhinac ee dagaalamaya ka mid ahi uu dilo nin cadawga ka soo horjeeda ah, laakiin uu nin kale oo warranle ahi uu furkii ninka la dilay gacanta ku dhigo, iyadoo uu furkaasi noqon karo Faras ama qori, ka dibna ay furka ninkii ninka dilay iyo ninkii furka gacanta ku hordhigay isku qaybsadaan.

Labadaas nin-na nin wuxuu taagan yahay “Anigaa ninka dilay oo furka ka ritay ama furkiisa dhacsaday maadaama aan dilay, nin-na wuxuu…

Lasoco…

WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Wax ka baro noocyada garta iyo nidaamkii xeer-beegtida dhaqanka soomaalida, Q.2aad (WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye)

Wax ka baro noocyada garta iyo nidaamkii xeer-beegtida dhaqanka soomaalida, Q.1aad (WQ: Cabdirisaaq Muuse Xasan Diiriye)