Abaalgudka Iyo Abaal-Marinta Muhiimka Ah!

Maalqabeenka Sacuudiga ah ee Sulaymaan Al-Raajixi waxa uu dhashay sanadkii 1928 waxaana uu ka soo jeeay qoys sabool ah. Waxa uu ku soo sheqeeyay xamaal, cunto kariye iyo iibiye, sarafle xujaajta ah. Markii danbena waxa uu noqday shaqaale mushahar kooban qaata.

Laakiin dadaalkiisa waxa uu keenay inu noqdo ninka leh Baanka ugu Islaamiga ah ee “Al-Rajah Bank” kaalinta toddobaad ka galay dalalka Carabta ku ugu qanisan.

Al-jaajax waxa uu leeyahay qisas kalala duwan oo noloshiisa. Waayihii nolosha markii uu yaraa waxa uu ydhi :” Markii aan dugsiga hoose dhiganayay ayay ardaydii ay qorsheysteen in ay Safar dalxiis u baxaan, laakiin isaga oo qoyskiisu ahaa mid danyar ah waxa uu suurgeli weyday in uu helo lacagta safarka uu ka qayb gelayo.

Waxa Sh.Raajix sheegay in uu aad u murugooday , oo iska fadhiistay. Waxaana uu sheegay in mid ka mid ah macalimiinta uu arkay murugada ka muuqata oo uu weydiiyay waxa ku dhacay iyo in aanu haysan lacagtii uu kaga qayb geli lahaa safarka dalxiiska.

Macalinka ayaa markiiba siiyay lacagtii. Waxa uu yidhi waxaan kaga qayb galay safarkii farxad, laakiin intaasi waxa ii dheera xataa kaalmadaa macalinku waxa ay I jeclaysiisay waxbarashada. Allah waa igu guuleeyay in aan waxbarashadii dhameeyo.

Raajixi aya sheegay in wakhtigii uu weynaaday uu bilaabay ganacsiga uu si wanaagsan uu ugu guulaystay ilaa uu noqday maalqabeen. Muddo ka dibna waxa aan xusuustay macalinkii maalintii farxadda ii abuuray waan raadiyay , markii aan la kulmaynay waan isu sheegay in aan ardaydii uu maalinitii lacagta ka biixiyay ahay. Waxaana uu igu yidhi oo ma lacagtii ayaad ii celinaysaa?

Maalqabeenka Raajixi waxa uu yidhi: “ waan kexeeyay waxaana aan ku wareejiyay gurigii weyn iyo gaadhi , waxa kale oo aan u qoray mushahar inta uu nool yahay, waayo farxaddii uu igu abuuray iyo jacaylkii aan tacliinta u qaaday ayaa halkaa I gaadhsiisay”. Maalqabeenka ayaa buuga Jiiniska ee dhacdooyinka Cajiibka ah ee caalamka ku galay abaalcelintan.

Waxa uu maalqabeenkani bixiyay samafalki ugu badanaa isagoo 2000 oo geed timiireed ah ku yaal deeganka Qasiim ee uu kau dhashay kana soo jeedo, ku wareejiyay Xaramka, si timirta ka soo go’da loogu afurayo dadka sooman. Waxaana uu dadka kula taliyay in ay bixiayaan sadaqadaiyo samafalka ka dibna sug Abaalka Allah.

Maalqabeenka Sucuudiyaanka ah oo hantidiisa lagu qiyaasay 25 Bilyan oo Riyaalka Sucuudiga ah, saddex meelood oo meel ayuu sadaqo ugu deeqay, iyadoo qaybta kalen uu qaybiyay u qaybiyey dhaxalka ubadkiisa, welina waa nool yahay, isagoo 95 jir ah, Ilaahay cimrigiisa ha u dheereeyo.