Cidhibta Kibirka Iyo Hawada Sare!

CIrbixiyeenkii uguย ย  horeeyay dunida ee ay u suuragashay inuu dayaxย  gacmeed raaco kaasi oo hawada sare gaadhay, dhulkana ku wareego waxa uu ahaa Mr. Yuri Gagarin oo u dhashay dalka Ruushka.

Yuri Gagarin waxa uu saaraa dayax gacmeedkii โ€œFOSTOK !โ€ ee Ruushku hawada sare u diray bishii April 12, sanadkii 1961. Cirbixiyeenkaniย  markii uu hawada sare gaadhay waxa uu arkay cajaaโ€™ibka abuurka caalamka, xarunta hawada sare ee laga diray ayuu usoo soo diray fariinta ah: โ€œ Macquul maaha, suurtagalna noqomayso in kawkan quruxda badani uu iska yimi iyadoo aanay jirin cid abuurtay. Waxa xaqiiq ah inuu jiro Abuure weyn oo sameeyay kawnkan cajiibka ahโ€.

Weedhaha waxa bedelay warbahinta dawladda Ruushka oo baahisay warkan inuu sii gudbiyay Yuri Gagarin oo uu yidhiย  โ€œ Halkan kumaan arag Ilaahโ€.

Markii uu Yuri Gagrin dhulka ku soo noqday ayuu isaguna xaqiiqdii qariyay oo bedalay weedhihiisa hore oo yidhi: โ€œHawada sare kumaan arag Ilaaha ay rumaysan yihiin dadka Muslimiinta ahi โ€œ. Waxaana uu qariyay xaqiiqdii uu hore u baahiyay.

Haddaba bishii March 27kiiย , sanadkii 1968kiiย , isaga iyo saaxiibkii ayaa raacay dayuurad laba qof qaada oo ah Mig 15, iyagoo samaynayay duulimaad tijaabo ah.ย ย  Dayuuradda ayaa burburtay oo soo dhacday iyadoo aan ilaa maanta la garanayn sababta dayuuraddu u burburtay. Yuri Gagrin iyo saaxiibkii ayaa ku bes beelay dayuuradda dhexdeeda isagoo noqday dambas aan laga helin wax la aaso. Baadhaayaasha sababta shilka dayuurada ku hawlanaa ayaaย  gebi ahaan sheegay in aanay garanayn sabab cad oo la sheego oo dayuuradaasi u dhacday.