Fikarkeena Ayaa Qaabeeya Nolosheena!

Maalin aya Ey la keenay goob matxaf ah oo dhamaantii ka samaysan muraayado, daaqadaha, alaabada iyo xataa dhinacyada gidaarada, waxa ay ahaayeen murayaado waaweyn.

Isla markii uu milicsaday Eygu muraayadaha, aad ayuu u naxay, isaga oo si lama filaan ah hortiisa iyo dhinacaydiisa uga arkay Eyda faraha badan ee dhinac kasta kaga wareegsan.

Eygii aya bilaabay inuu aad u ciyo, si uu u cabsi geliyo Eyda ku xeeran laakiin muuqaalka Eyda kale waa isla isaga oo ah muraayada isaga muuqda.

Marka uu aad u ciyo iyaguna waa sida ay amaynayaan ee haddana isaga aad uga sii cadhaysiinayasa .  Markii ay isbedel waayeen haddana aad ayuu u qayliyay isaga oo hore iyo dib u boodayay si uu u baqdin geliyo Eydan faraha badan ee ku hareeraysan si uu uga saaro goobtan ay kula jiraan. Laakiin taasi waxba ugama hirgelin Eygaa miskiinka,, waana uu daalay oo niyad jabay, oo cabsida iyo argagaxuna ku sii batay.

Xataa Eygaasi raashinkii la siiyay ma cunin maalintaasi  naxdinta iyo argagax ka hayay Eyda hadhkiisa ah ee muryaaduhu u muujinayaan awgeed.Maalintii sidaas ayay ku dhamaatay, isagoo daalan oo aan waxbana cunin ayuu habeenku usoo galay. Ma seexan mar kasta cabsida Eydana ka haysa ayaa ku weynayd.

Subaxdii xigtay, markii Ilaaliyaha xarunta madaxafka uu furay albaabka ee soo galay qolkii tijaabada Eygu ka socotay waxa uu la kulmay arrin yaab leh taas oo ahayd Eygii miskiinka ahaa oo dhintay.

Ma jirin cid wax dhib ah u geysatay eygan ku sugnaa madxafka, laakiin isaga ayaa isdilay isagoo la dagaalamaya fikirkiisa khaldan. Waxa uu la dagaalamayay sawirkiisa isagoo cabsi xooggan ka qaba muuqaal aan run iyo xaqiiq midna ahayn oo ka dhashay fikiriisa jahawareersan.

Xikmadda ku jirta tijaabdan waa in aad ogaato Aduunyadu adiga in aanay ku keenayn wanaag iyo xumaan, wax kasta oo inagu dhacayaa waxa ay ka tujrmujyaan fikirkeena, dareenkeena, rabitaankeena iyo ficilkeena.

Dunidu waa muraayad weyn, Markaa inaad horteeda istaago, oo aad si sax ah u fahanto weeyi muuqaalka kuu muuqda! Dad badan ayaa cabsi xooggan ku haysaa muuqaal beenaad ay nolosha ka fahmeen oo aan xaqiiq ahayn.

 

Bandhige@gmail.com