Gobannimada iyo Dhallinyarada

Gobannimada iyo Dhallinyarada
Xaqa u gofku ku leeyahay bulshada dhexdeeda, iyo xilka qofka ka saaran in u dhowro ixtiraamka xeerarka u yaalla bulshadu waa laba arrimood oo aan kala maarmin.

Qofka dhallinyarada ah waxa ka saaran xil dheeri ah u feejignaanta gobannimada marka loo ego qofka da’da wen. Adduunka xoogga wax ka beddelaa waa ka dhallinyarada, qofkuna xilliga u ugu xoog badan yahay si u saamayn ugu yeelan karo mustaqbalkiisa, waa inta u dhallinyarada yahay.

Gobannimo jacaylku waa wax ku beeran maska kasta oo dhallinyar 00 caafimaad qabta. Dhaqankeennu wuxu u xagliyaa inuu talada meel cidla ah ka dhigo qofka dhallinyarada ah, ayna adkaato sidi u ra’yiga dhallinyaradu uga dhexmuugan lahaa madasha go’aanka lagu gaadhayo. Dhallinyaradu waa inay arrinkaas wax ka beddeshaa, o ku dhirrataa in codkooda la maqlo, o laga maqlo madasha lagu go aansanayo aayaha bushada iyo mustaqbalka dhallinyarada laftooda.

Qofka dhallinyarada ahi uma daalo sida gofka dada weyni u daalo nolosha caadiga ah. Bulshaduna sideedaba daalka kama so hadho. Waatuu Cabdillaahi Cawed Cige’ lahaa:
Bulshooy ruux daalayaa
Dayaxa uma sahan tagoo
Daruuraha uma kacoo
Mahaybsado duul kaloo
Cilmiga kumasii durkoo
Dawada naafada kabtiyo
Wixii diihaal dhayiyo
” Maansada “Dedaal baan kugu ogahay”, Cabdillaahi Cawed Cige, 1996.
www.somalilanfreedom.org
Waxay naftu doonto’iyo
Wixii aadmigu dersiyo
Wixii deyr adag galaba
Fadhiga kumasoo dejoo
Dedaalkiisaan jacnayn.
Bulshooy iga daa walaac
Dulmiga aad weheshativo
Damiinnada kuu kaciyo
Ka waantow daw dhacoo
Dedaal baa kula gudboon.

Gobannimada koolkoolinteedu waxay u baahantahay tamar yo feejignaan badan. Tamartaasina waxay ku jrtaa o kaliya dhallinyarada. Dedaal baa gofka dhallinyarada ah la gudboon. Hadday dhallinyaradu ka seexato kaalintaas, gobannimada waxaa ku imanaya baylah. Hadday baylihi timmaaddana wadeeco ayay halis u tahay.