Hamigiisa Ayaa ku Dhamaaday Isbitaal!

Alexander Peter oo 41 jir oo u dhashay Holand ayaa filayay inuu la kulmo gabadhii ay guurka ku heshiiyeen laakiin nasiiba daro waxa la dhigay Isbitaalka ka dib markii uu muddo toban maalmaood ah ku sugayay madaarka caalamiga ah ee Hangu ee gobolka Tashagasha ee dalka Shiinaha bishii hore isagoo filayay inay soo gaadho gabadha Tashang oo 26 jir ah oo ay internet iska barteen kuna heshiiyen guur.

Warbaahinta China ayaa sheegtay in ninkani Markii uu muddo 8 maalmood ah madaarka ku sugnaa uu waraysi siiyay TV shebekadda Honan I.T. V isagoo sheegay inuu sugayo gabadh ay iska barteen Internet, isla markaana aanu ka tegayn ilaa uu iyada madaarkan ku kulmaan .

Laakiin gabadha uu sugayay ee Tashang ayaa iyana sheegtay in aanay wakhtigan suurtagal ahayn inay la kulanto, waxayna sheegtay inay mashquul ku tahay qaliin dhinaca quruxinta ah. Mr.Peter ayaan qaadan cunto muhiim mudadaasi marka laga reebo waxooga sharaab ah. Taasi aya keentay inuu ku miyir beelo madaarka oo loola cararo Isbitaalka halkaasi oo lagu dawayay, ka dibna dalkiisa dib ugu noqday isagoon la kulmin gabadhii Tashang.