Hooyadii Maxbuuska Ahayd!

Bulashada Kabsanjiya oo ah dadka madow ee ku nool dalka Mexico ayaa ah kuwo Dumarkooda ula dhaqma si ka baxsan xuquuqda basharka. Hooyada ayay marka ay Umusho ilmaheeda muddo saddex maalmood ah lagu xidhaa buul loo dhisay, iyada oo aan loo ogolayn inay ka soo baxdo. Marka ay saddexda maalmood u dhamaadaan lama ogola inay muddo lix maalmood ah wax taabto xataa ilmaha yar ee ay dhashay ayaan loo ogolayn inay taabto.

Wakhtiyada ay raashinka cunayso iyadana lama ogola inay gacmaheeda ku taabto waxa loo keenaya ul qori ah oo ay ku cunto, waana caado ciqaab ah oo dunidan ka jirta sebenkan casriga lagu sheeagyo.

Qabiilada Horido oo ku nool koonfurta Africa ayaa Iyana ka mid ah kuwa xad gudubka xad dhaaf ka ah ku haya dumarkooda.

Ragga qabiiladan ayaa aaminsan in Timaha gabadhu inay muuqdaan ay tahay ceeb iyo meel ka dhac, islaa markaana sida Islaamka gabadha waajib kaga dhigay inay qariso timaheeda ayay aaminsan yihiin, laakiin arinkaasi ayay ku talax tegeen ka dib markii ay samaysteen xeer ciqaabeed u gaar ah arinkaasi.

Xeerka qabiiladan aya dhigaya in la dilo oo weliba meel fagaar ah oo raga qabiiladani isugu yimaadeen lagu dilo gabadha inyar oo ka mid ah Timaheeda muujisa.  Dhamaan raga ayaa isugu soo baxa meel fagaare ah marka gabadh dilka lagu fulinayo iyagoo ay ka muuqato farxad xad dhaaf ahi. Mahad waxa leh Allah (sw) Islaamka inoogu nimceeyay.