- Maxamed Cilmi Dhicisow
- Abwaan iyo qoraa madaxbanaan
Jaamacadda aan ka sheekaynayo ma aha Oxford ama Harvard, mana ahan jaamacadda Cambridge ee caanka ah. Waxaan ku dhex gaynayaa Moroco iyo magaalada Fes oo ah halkii laga bikaaciyey aqoonta casriga ah. Waa magaalada loogu marag kacey inay iba furtay jaamacaddii u horraysey ee dunida abbaarihii qarnigii sagaalaad.
Xilli ay Yurub iyo dunida inteeda kaleba ay la daala-dhacayaan hagar daamada madow ee jahliga, waxa bariga dhexe iyo waqooyiga Afrigaba ka nuurayey waadiga ilayska aqoonta, kaa oo sadcaallo dhaadheer looga imanayey safarro ka baxsan qaaradda Afrika, si looga harraad goโo, loona dabar gooyo aafada aadanaha dib u dhigtey ee cilmi laโaanta.
Haddaba, magaalada Fez ee dalka Moroco waxa laga furey hilaaddii 859 DA masjid loogu magac darey AL QARAWIYIIN, kaas oo u xuubsiibtey dugsi waxbarasho loona aqoonsadey daladdii cilmiga iyo jaamacaddii u horraysey ee adduunka.
Faatuma Binti Maxamed Al Fihriyi oo ahayd haweeney dhallinyaro ah ayaa saammigii ugu badnaa ay ka heshey dhaxalkii aabbaheed u adeegsatey iney ku furto Jaamacaddan oo anfacdey dunida islaamka iyo bulshada inteeda kaleba.
Jaamicadda Al Qarayiwiin oo loo arko in si wanaagsan loo maamuley ayaa noqotey mid lagu soo hirto, hormuudna u noqotey waxbarasho casri ah oo aan horey loo arag aynigeeda, waxa ayna kaalin mug leh ka qaadatey kobocii dahabiga ahaa ee Islaamka.
Al Qarawiyiin ayaa noqotey inta la ogyahey madashii u horraysey ee laga bixiyo shahaadooyin abaal marin ah iyada oo la eegayo heerka waxbarasho ee qofka. Halkaas oo ay kasoo bilaabatay dhaqanka jaamacadaha dunida ee ah shahaadooyin la guddoonsiiyo dhammaadka waxbarashada. Jaamacadaha caanka ah ee dunida ugu waa weyn maanta sida Oxford, Bologna iyo Cambridge waxa ay soo kordheen laba illaa siddeed qarni kaddib curashadii Al Qarawiyiin.
Maaddooyinka ay jaamicaddu bixin jirtey waxa ka mid ahaa Culuunta Islaamka, luuqadda Carabiga, xisaabta iyo cilmiga dhaqaatiirta ee barashada dawooyinka, waxa ayna soo jiidatey arday badan iyo indhaha saynisyahanno caan ah.
Jaamacadda oo loo garan ogyahey THE UNIVERSITY OF AL QARAWIYYIN ayaa si rasmi ah loogu darey nidaamka waxbarasho ee dalka Moroco 1963, Laan kale oo ay jaamacaddu leedahey ayaana laga furey isla magaalada Fes ee dalka Morocco.
Ardayda Jaamicadda ayaa ahaa kuwo ku dhex jirey manhajka waxbarasho ee Jaamicadda iyaga oo dhiganayey shareecada Islaamka, cilmiga naxwaha, luuqadaha, sayniska, xisaabta iyo wixii la halmaalo.
Doodo wax ku ool ah ayaa la qabtey, waxaana la shir guddoomiyey fikradaha waxbarasho ee isbeddel abuuri karo, waxa la gorfeeyey caqabadaha taagan iyo sidii looga gudbi lahaa, waxa la casuumey cidkasto oo aragti lagu tuhmayey, waxana hoosta laga xarriiqey in la kaydiyo wixii xog muhiim ah loo arkayey.
Dhanka kale, waxa ay jaamicaddu leedahey maktabad lagu tilmaamo in ay tahey mid ka mid ah kuwa ugu faca wayn ee abid la aas-aasey isla markaana weli nool, sida ay shaacisey Qaramada Midoobey amaba laga soo xigtey waaxda waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO. Waxaana lagu diiwaan geliyey dhiganaha mucjisooyinka adduunka ee Guinness Book of World Records loona aqoonsadey in ay tahey jaamacadda ugu daโda wayn dunida taa oo weli shaqaynayso.
Maktabadda jaamicadda ee la dhihi karo waa hoyga aqoonta waxa laga helayaa shahaadadii asalka ahayd ee Faaduma Al Fihri oo ah Diplooma kuna qoran loox alwaax ah, qoraal gacmeedyo laga kaydiyey qarniyadii hore, kitaabkii Muqaddima ee Ibnu Khaldun, agab muhiim ah iyo farshaxanno kala duwan.
Masjidkeedu waxa uu leeyahey saqafyo cajiib ah, silin qurux badan, midabbo nuurayo iyo goobo ilqabad leh oo loo dalxiis tago, waxana uu ardaagu u furanyahey xitaa dadka aan Muslinka ahayn, kuwaa oo afaafka iyo aagga masaajidka milicsan karo, hab dhismayaasha iyo biya mareennadana daawan karo.
Isbeddelo dheeri ah ayaa markastaba ku socdey dhismaha masaajidka iyo guud ahaanba dhulka jaamicadda waxana naqshadaha ubaxa leh ku soo kordhiyey qarnigii 12-aad boqoyortooyadii Almoravids.
Nasiib darro, qarniyadaa oo aan laga hayn qoraallo wax ku ool ah marka laga reebo dad dhif iyo naadir ah sida taariikhyahankii faylasuufka ahaa ee Ibnu Khalduun, waxa la dhihi karaa waxa jiro gidaar inooga gadaaman qayb ka mid ah taariikhda jaamicadda oo aan weli ina soo gaarin.
Qalin jabiyaasha caanka ah ee ka aflaxey jaamicadda waxa ka mid ahaa buunigii muslimiinta ee qarnigii 12-aad Ibnu Rushdi, Pope Sylvester oo la sheegay inuu ka bartey afka carabiga gaar ahaan tirada oo uu kolkii dambe yurub u sii gudbiyey, Moses ben Maimon, Ibnu Al Xaaj Al Badri, Faylasuufkii Ibnu Arabi, cabqarigii waynaa ee ahaa qoraaga, saynisyahanka iyo siyaasiga Ibnu Khalduun, qoraagii Leo Africanus, Muftigii Axmed Maxamed Al-Maqaari iyo qaar kaloo badan
Xigasho:BBCsomali
Bandhige@gmail.com