Mucjisada Sirdoonka Dunidii Basaasiinta! Khiyaamadii Berlin!

Inkasta oo uu la shaqaynayay sirdoonka Ingiriiska, haddana niyad ahaan waxa uu si wanaagsan ula shaqaynayay sirdoonka Ruushka, waxaana uu ahaa laba wajiile labada dhinacba ka shaqaynaya.

Laakiin sanadkii 1961, basaas ka tirsanaa sirdoonka Ruush oo lagu magacaabi jiray Mr.Boli Tein, ayaa magan geliyo weydiistay dalalka galbeedka, kaasi oo ka shafiya isla markaana cadeeyay in Blake uu yahay sirdoon la sheqeeya Sofiyeetka ah, wakhtigaasi sirdoonka Blake waxa uu ka shaqynayay Beruit.

Xukuumaddii Ingiriiska ayaa si khiyaamo ah Blake ugu soo celisay London ka dib markii loo diray nin ka tirsan sirdoonka oo u sheegay in loo dhiibayo jago cusub, Waxa ay la mid ahayd qaabkii iyo siyaasadii uu Ingiriisku isku deyay inuu ugu soo celiyo sirdoonkoodii Keim Flib London laakiin Keim Flip oo la shaqaynayay Ruushka, waxa uu ka war helay oo ogaaday sababta ka doonayo in London lagu soo celiyo waxaana uu u baxsaday caasimadda Ruushka Moosko.

Nasiib xumadiisa sirdoonka Blake waxa uu rumaystay warka dalaacadda iyo jagada cusub isagoo aan si weyn uga fikirin arinta dib loogu celinayo London iyo jagadan cusub ee loo sheegayo.

Markii ay soo gaadheen London isaga iyo ninkii soo kexeeyayba isla markiiba waxa la xidhay Blake, xukuumadii Madaxda uu ka ahaa Macmilan ee Ingiriiska wakhtigaasi taladiisa haysay ayaa caado u lahayd inay saarto Maxkamado qarsoodi ah sirdoonka galbeedka ee lagu helo inay la sheqeeyaan Ruushka waxaana lagu xukumi jiray xabsi dheer ama waxa lagu dili rasaas.

Waxaana jirtay siro badan oo uu soo bandhigay hogaamiyihii xisbiga shaqaalaha Hogg Gitskl iyo ku xigeenkiisa Gorge Brown iyo wasiir hore oo Ingiriiska ah markii ay la kulmeen Ra’iisal wasaraaha Macmilan kuwaasi oo sheegay in Blake uu siro badan oo ay la socdaan sawiradii Berlin u uu gudbiyay Ruushka kuwaasi oo uu ka qaaday xafiiska safaaradda oo uu markaasi ka shaqayn isagoo shaqaalihii xafiiskana ay ku maqnayaen qadadii.

Ruushka ayaa sanadkaasi helay siro badan oo muhiim u aha oo aad baahna waxaana ay u bixiyeen hawshii ama mashruucii dahabka ahaa, ka dib markii ay ku guulaysteen inay sirtaasi. (La soco qayb kale)