Noloshu Ma Dheerato Hadaynu Si Kasta Isku Dayno!

Markii saaxiibkay ila soo xidhiidhay waxa uu ii sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu danbaysay ee shirkadiisa albaabada loo xidhayay ka dib markii ay is bixin weyday. Waxaana saaxiibkay ka mid ahaa kuwa ugu qanisan, isla markaana ugu caansan shirkadaha dalka.

Isla markiiba waxaan ku dhaqaaqay in aan la xidhiidho nin kale oo aan saaxiib ahayn si aan arinka ula socodsiiyo.

Waxase yaab igu noqotay markii aan arinka u sheegay in uu isaguna igu wargeliyay in maanta ay tahay maalintii ugu horaysay ee shirkaddii yarayd ee uu lahaa ay macaash badan hesho oo ay iibsato guri ay ku shaqaysato. Maalintaasi ayaa ogaaday in dunidu ay cajiib tahay oo ay sidaasi isu bedelays, iyo weliba saamaynta uu leeyahay isbedelka Joogtada ee Caalamka. Habka loo maamulo shirkada iyo ganacsigu waa dariiqa guushooda