Mr. Michelle Stephenson oo ah aqoon weyn u leh cilmiga Figiska ayaa sheegay isagoo London jooga in haddii dhulku uu u joojiyo wareegiisa caadiga ah si kediso ah in hawada ku wareegsan oogada dhulka (atmosphere) ay ku sii socon doonto xawaarihii uu ku socday mid la mid ah oo dhan 1670 Km/h iyadoo khali wareegaysa.
- Aragtida Michelle ayaa cadaysay in xawaarahaasi Hawada Atmosphere-kaย ee iska khali wareegyaa uu sababi doono in shay kasta oo dhulka guudkiisa joogaa uu luminayo awoodiisa., waxaana uu intasi raaciyay in saacado yar gudahood ay ku dhimanayaan balaayiin noolaha dunida guudkeeda ku xaadirka ku ah.ย Waxa kale oo intaasi ku daray in Aadamiga uu isagu sida rasaasta u qarxayo isbedelka dhacay awgeed..
Waxa kale oo uu sheegay in wakhtigaasi ay bilaabmayaan dabaylo duufaano ah oo keenaya qarxayo iyo dab ka holca badaha dhamaantood,
Waxa kale oo intaasi ku daray in maalinta iyo habeenkuba ay ka dheereenaayaan wakhtigoodii caadiga ah ee hore ee ka dhalan wareegga dhulka.ย ย Dhulkuna waxa uuย isu bedeli doonaa goob aan nololi ka suurtgelayn ayuu yidhi Michelle Stephen. (Rt.news).
Xigasho:wargeeska dawan
Bandhige@gmail.com.