Sharcyida Xuquuqda Ilaalinta Bulshada!

Shuruucda dalalka dunida ayaa aad u kala duwan iyadoo qaarkood ay yihiin kuwo cajiib ah. Tusaale ahaana Dalka Malaysiya ayay mamnuuc ka tahay inaad qof madaxiisa taabto oo aad timihiisa gacamahaagu gaadhaan , gaar ahaana caruurta.

Sababta sharcigan loo sameeyay ayaa ah inay madaxa ku tiriyaan qaybta ugu qiimo badan jidhka qofka sida awgeedna laga ilaaliyo wax kasta.

Qofka sharcigan ku xadgudbaana wuxu mutaystaa ciqaab maxakamadeed. Waxa kale oo dalkan mamnuuc ka ah in Shimbiraha lagu quudiyo suuqa ,iyo in dariiqyada candhuuf iyo xashiish lagu daadiyo.

Waxa kale oo iyana ganaax ah inaad raashinka ku cunto meel shaarac ah oo ka mid aha xarumaha ay dadku wada isticmaalaan.

Dalka Ingiriiskana waxa jira xeer ciqaabeed lagu qaado haddii adigoo ku jira saf dheer (kayuu) aad dadka si khalad ah u khiyaamayso oo aad u dhaafto dadkii xaqa u lahaa ee ka horeeyay.