Aqoonta Ayaa La Isku dhaafay!

Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna wuxu ku hamiyay inuu noqdo maalqabeen, wuxu bartay culuumta macadanta waxaana markii uu dhamaystay jaamacadda  uu raacay koox cilmi baadhayaal ah oo macdan ka soo baadhaysay Afrika.

Waxa lagu magacaabi jiray Yuki waxaana uu ah da’da 30 sano, sabir iyo adkaysi badnaa. Sanadkii 1948 isaga iyo kooxdiisu tegeen dal macdantu ku badan tahay oo Africa ah, subaxa hore ayuu huteelka ka jarmaadi jiray isagoo soo baadhaya dhagaxanta macadanta si mar uun u helo dhagax qaali ah, habeen kasta kuwa uu soo qaado wuu baadha waana ku fashilmaa.

Markii uu muddo waday ee uu ku guulaysan waayay ayuu goostay inuu iskaga noqdo dalkiisa. Maalintaasi shaqada baadhista wuxu soo xidhay 5 galabnimo halkii uu hore 10 habeenimo ka soo hoyan jiray.

Inta uu ku jiray dariiqa huteelka waxa ka hor yimi wiil yar oo 6 sano jiray oo gacanta ku sitay dhagax cajiib ah, wiilka ayaa weydiistay inuu Yuku dhagaxa qaato isagana uu siiyo waxooga macaan (xalwad) , wuu siiyay waxaana uu qaatay dhagixii iftiimayay.Markii uu huteelka tegay qolkiisa badhistana ku eegay waxa uu la yaabay natiijada, oo mar labaaad ayuu ku celiyay. Dhagaxii wuxu noqday dheemaantii ugu weynayd ee uu weligii arko oo gaadhaysa 10 malyuun oo doller.

Waxaana uu qoraalkiisa Yuku ku sameeyay warbixin uu ku cadeeyay in wiilka yari ahaa Taajir haystay hanta qiimo badan laakiin aan garanayan qiimaha ay lahayd. Aqoonta ayaa dadka is dhaafisa. ( Kitaabka Ayqad Quduraatik)

Bandhige@gmail.com